XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 82aad

 

1-Yaab!!!
Laga yaabee marka aad qof u baahantahay in uusan qofkaas kuu baahnayn, marka qof kuu baahan yahayna aadan adiga u baahnayn, balse marka aad isku baahantihiin oo dhab isku jeceshihiin waa hubaal in caqabd idin kala xirto ay jirayso.
Yaab!!!!

2-Laga yaabee
Waa laga yaabaa in aad la kulantay noloshaada kumanaan qof qofna uusan taaban qalbigaaga, balse, hal qof waa hubaal in uu qalbigaada dhab u taabtay noloshaada oo dhana baddalay, waana sababtaas sababta keentay fakarka badan iyo in aad ku fakarto in aad noloshaada ka cararto .
Mmusa

3-Carar
In aad ka cararto dhibaataada nololeed waa tartan aadan waligaa ku guuleysan doonin.
Wajah dhibkaaga, carar marnaba xal kuuma keenayo.
Mmusa

4-Fakarka yaree.
Fakarka badan iska yaree, xaalad walb waqti ayey leedahay ay soo dhamaato, haddii fakarkaagu bato waxaa kuu abuurmayo dhibaatooyin aan horey u jirin, kuwaas oo sii cusleenaya xaalkaaga awalba cuslaa.
Mmusa

                                                  5-Dadka noloshaada soo mara .
Dadka noloshaada soo mara waa saddex qaybood.
Qayb waxay tijaabiyaan naftaada
Qaybna wax bey ku baraan.
Qaybna waa ku isticmaalaan.
Adiga ayaa lagaa doonayaa in saddexdaas qaybood aad kala doorato qaybta ku anfacayso.
Mmusa

6-Qaddar iyo riyo 
Haddiiba uu Alle kuu qaddaray in aad riyootid maxaa diiday in aad rajayso in uu Alle kuu abuurayo fursadda aad ku gaari lahayd riyadaada?
Mmusa

7-Rajo
Habeen walba waxaan sariirta tagnaa inaga oo ogayn in aan subixii kasoo kici doono iyo in aysan nafteena soo laaban doonin, hadana qof walba saacaddiisa ayuu ku buuxsadaa waqtiga uu kici lahaa, taas waxaa la dhahaa rajo wanaagsan waa in sidaas ay rajadeena u sarraysaa mar walba.
Mmusa

8-Fakar iyo Xaqiiq 
Fakar uu qof kaa aaminay ma ahan in uu noqdaa xaqiiqda noloshaada, noloshaada ayaaba xaqiiq jirta ah, marka aad sida ay tahay ugu noolaatana waa xaqiiq jirta.
Mmusa

                                                     9-Daacad ahow
In aad si wanaagsan oo daacad ah wax u sheegto waxna ugu qiimayso waxay kaa badbaadisaa mar walba in is faham darro ay idin dhex marto dadka.
Mmusa

10-Quruxda nolosha
Riyada, rajada, jacayl, waa inta qurxisa nolosha qofka, nolol aan intaas wadana ma ahan nolol qurxoon oo farxad leh, hadaba bal is waydii quruxda nolosha waa saddexdaas ee ma wada haysataa mise waxbaa kaa maqan?
Mmusa

11-Qiimahaaga oo kordhs
Lacagtu waxay ka koobantahay shilin iyo warqado, shilimaadku marka ay badan yihiin waxay sameeyaan dhawaq, halka warqaddu ay mar walba iska shibantahay, taas macanheeda waa in aan u fahanaa in wax walba marka ay qiimahooda kordhaan ay shibanaantoodu kororto.
Adigana waxaa lagaa doonayaa in marka uu qiimahaaga kordho ay shibanaantaadu korortaa oo marka aad dhawaaqayso ay noqotaa mar aad dhab u dhawaqaysid.
Mmusa

12-Qalbiga dumarka
Qalbiga dumarka wuu ka nadiifsan yahay kan raga ayey dhaheen,sababtana waxay cuskiyeen in dumarku is bad baddalkoodu uu badan yahay, micnaha uu u nugul yahay qalbigoodu in xaaladda uu ku jiro laga baddalo, balse taas dadka aamisan aniga kama mid ihi, adiga waa sidee?
Mmusa

 13-Hadiyadda ugu qaalisan.
Hadiyadda ugu wanaagsan ee qof la siiyo waa jacayl, naxariis, iyo xushmad, intaas qofka kuugu deeqo waa qofka ku siiyey hadiyadda ugu qaalisan dunida.
Mmusa

14-Faham wanaaga
Faaiidooyinka wanaag oo wax loo fahmo laga dhaxlo waxaa ka mid ah
1 In aad naftaada xumaanta ka xakamayso.
2 In aad ka guulaysato cadaadiska nafsaaniga ah ee ku haysta sida isku buuqa iyo arrimaha kale ee ku xeeran xaaladahaaga adag.
3 Caafimaadkaaga oo balaarto.
4 Nolosha iftiinkeeda oo mar walba kuu sii muuqato.
Fadlan muuji fahamkaaga wanaagsan mar walba.

15-Aqbal oo baddal
Isku day in aad aqbasho waxa aadan baddali karayn, balse baddal waxa aadan aqbali karayn.
Mmusa

16-Qalbiyada isku baahan
Qalbiyada isku baahan mararka qaar erayo macaan waxba kama taraan baahida ay isku qabaan, ayaga oo is hanta ayaa is baahi tiri kara.
Mmusa

17-Mararka qaar
Mararka qaar tala uma baahnid, waxaad u baahantahay oo kaliya gacan qabasho, wax wax kuu sheega, iyo Qalbi ku fahmi kara.
Mmusa

18-Saddex
Saddex yeysan kaa cabsi galin waxa aad jeceshahay.
Taariikhdaada hore
Dadkaaga
Dhaqaalaha
Waa saddxeda aan ugu jacaylka badanahay sida badana na cabsi galsha.
Mmusa

                                                      19-Hadalada
Hadalada aan macnaha kula lahayn ee waqtiga aad ku lumiso macna macaan ayey yeeshaan marka aad kula hadlayso Qof qaali kugu ah
Mmusa

                                                                20-Quruxda
Quruxda wajiga iyo jirka ma waarto waligeed oo waa duqowdaa, balse quruxda qalbiga waa mid aan duqoobin dhamaadna lahayn.
Mmusa

                                       21-Caafimaadkaaga dartiis:
Iska hilmaan wixii kusoo maray oo xanuun ah, hubsana in inta aad nooshahay aad marayso waqti farxad iyo waqti muragaba, taasina waa sida sy nolosha u sameesantahay.
Mmusa

                                                    21-Khayaanada
Khayaanadu waa doorasho uu qofku doorto ee ma ahan khalad dhaca, yaan lagu sirin, qof inta ku qayaano kugu dhaho waan khaldamay ha aaminin.
Mmusa

                                                        22-Xusuustaada.
Mararka qaar waan la ilmeeyaa jacaylkaaga, illin waxba igama dhibto oo waan iska tiri karaa.
Mararka qaar waan la dhoola caddeeyaa jacaylkaaga.
Dhoola caddayntu waa sakano kooban oo noloshaada ah  mase waarto.
Balse xusuustaada ayaa ah waxa aan iga go’in oo sakan walba ila socota, waana midda kaliya aan waheshado, haddaan xusuustaada haysan lahayn ma aqaan sida ay noloshayda noqon lahayd.
Xusuustaada waa ii rajo aan kugu sugto.
Mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN