XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 94aad

                                           1-Nolosha waa waasac

Nolosha waa waasac balse marka aad doorato in ay cariiri kugu noqoto ayey ciriiri noqotaa.
Doorashada adiga ayaa leh, mar walba xaaladda noloshaada sida aad u abuurato ayey natiijadeeda noqonaysaa.
Ficil walba oo naga dhaco wuxuu dhalaa natiijo ina farax galiso ama ina murjiso taas oo saamayn ku yeelata qaabka ay u socoto nolosheena.
Mmusa

                            2-Qiimahaag iyo sarrayntaada


Qiimahaaga wuxuu sarreeyaa marka aadan qiimayn oo dibu raac raacin kuna mannad sheegan wax wanaagsan oo aad samaysay.
Sarrayntaadana waxay sara gaartaa marka uusan kula noqon waxa aad samayso oo ixsaan ah wax Buuraha ka badan oo is mahdintaada aysan badan.
Mmusa

3-Cilmiga 

Cilmiga waa laba nuuc, cilmiga qalbiga iyo cilimiga Carabka.
Cilmiga carabka waa xujo xag Alle ka timid oo lagu imtixaano Baniaadamka, halka cilmiga Qalbiga uu yahay kan wax anfac.
Xasan Al basri

4-Xulashadaada waa xalka noloshaada.

Qof walba wuxuu ku qasbanyahay in uu u xusho noloshiisa qofka la marayo safartka aan saadaalinta lahayn ee Nolosha.
In aad xulataa qofka kugu haboon ee kula jeexi kara ama kula mari kara waddooyinka qarda jeexa iyo quruxdaba leh ee nolosha waa muhiimadda noloshaada, maxaa yeelay, haddaadan xulan qofkaas oo si ka friirsi leh u xulan waxaa galaysaa xaalad daganaan la’aan  nolosha ah, taas oo aakhirka noloshaada kugu dambaysiisa Muruo iyo ilmo.
Runta marka laga hadlayo ma jiro qof gabi ahaanba nolosha ama dunidaba ay qanciso, qof walba in ku filan ayuu ka helaa qaybta wanaagsan iyo qaybta xun ee dunida, balse waa inaga kuwa mar walba ay u muuqato suuradda xun ee dunida, dhabtuse waxay tahay in nolosha uu eebe na siiyay ay dhan walba ka miisaanantahay.
Doorashada nolosha adiga ayaa leh qaaabka iyo qaddarkeedana Rabi ayaa leh, marka aad doorashadaada ka baaraan dagto wax walba oo ku farax galshana aad samayso, wax aan ku farax galina ka fogaato markaa waxay noqonaysaa noloshaada nolol si sulux waxnaagsan ah oo farxda ah kuugu socoto qanaaca qalbi iyo daganaana waad helaysaa.
Waa suura garl in doorashadaada aad ku qaldanto mararka qaar oo sida aad wax u malaynaysay aysan kuu noqon, balse waxaad ogaataa in mar walba aysan ahayn xaaladaada middii calool gashay oo marka aad dareento in sida aad rabtay aysan wax kuugu socon aad iska joojin karto waxaas aan ku qancin ama qaabka ay ku socoto noloshaada aan qanaacada lahayn.
Waxaa khalad ah oo eededa aad leedahay marka uu ku galo dareen aan wanaagsanayn oo ku aaddan noloshaada in aad sii waddo wajigaas xanuunka badan ee noloshaada  ku xeeran kusii noolaantiisa, wanaaga wuxuu ku jiraa in marka aad dareento in xaaladda aysan sida aad rabto kuugu socon aad ka joogsato.
Haddaad kusii socoto waxaa sii halaabaya maalmaha gaaban ee noloshaada.
Nolosha sideedaba waxay nusqaanteeda bilaabtaa maalinta aad dunidan timaado inaga ayaase xisaab qaldan wadana oo mar walba u malayna in nolosheenu ay sii saa’iddo taas oo aan dhab ahayn.
Mar walha xisaabta kaa jarmaysa ayaa ah xisaabta nusqaanta xisaab kugu saaidaysana ma jirto, waxa kaliya ee lagaa doonayo ayaa ah in aad Khibrad ka faiaido wax walba oo kusoo mar sakan walba oo noloshaada ah, balse, haddii aysan xisaabta nuucaas ah kugu jiran waxaa tahay qof xisaab ku socoto balse xisaabtiisa aanogayn, adiga oo xisaabtamin shalaayto iyo shidana u saaxiib ah ayey noloshaada go’aysaa .
Hadaba waxaa wanaagsna in aad si dhab ah u xisaabtanto oo noloshaada aad qiimayn dagan ku samayso, waxa ku qanciyana aad la noolaato waxa aan ku qancina aad ka takhalusto culayska iyo canaabta ay rabaan ba hala haadaan .
Mmusa

5-Dadka kuma wada fahmi karaan!!

Go’aan qaadasho Geesinimo leh ayaa lagaaga baahan yahay.
Dadka kuma wada fahmi karaan
Adiga ayaa la doonayaa in aad naftaada fahanto waxay u baahantahayna u doonto.
Waa sida kaliya aad ku helayso nagaasho iyo Nabad Qalbi .
Qofka marka uu nagaasho iyo nabad helo ayuu nolol samayn karaa inta ka sokaysa meel uu kaga nool yahay dunidan ma jirto.
Nolosha ma ahan in aad meel dagantahay oo u hoyato ee waa qalbigaada halka uu u hoydo meeshaas ayey noloshaada tahay.
Mmusa

6-Dadka iyo danahood

Dadku adiga daacad kuuma noqdaan marnaba ee danahooda ayey daacad u yihiin, marka ay dantooda kaa arki waayaan waa marka ay daacadnimadooda su’aal gasho.
Sidaa darteed, waxba ha ku calaacalin hebel daacad iima ahan ama heblaayo, dantooda ayey kugula joogaan ee daacadnimo ay kuu qabaan kugulama joogaan.
Mmusa

                                        7-Wax walba 

Qanaacada oo badata micnaheeda waa in wax walba oo yar ay badanayaan.
Damaca oo batana micnhiisa waa in wax walba ciriiri noqonayaan si kasta oo ay u waasac yihiin
Wax walba oo jacaylkoodu bato waxaa dhawaada muuqooda meesha ay rabaan ba ha kuu jirto fogaantood.
Wax walba oo kuu dhow marka ay caradaada badato waxaa fogaada muuqooda sida ay rabaan ba ha kuugu dhawaadaan.
Mmusa

                                        8-Xusuusnow

Xusuusnow in aad dunida timid adiga oo ooynaya  dadkana ay qoslayaan, samayso camal wamaagsan si aad u qososho marka dadka badankiisa ay ooynayaan .
Mmusa

9- Laba sabab……

Ficil badan oo aan fakar la raacsiin iyo fakar badan oo ficil lahayn waa labada sabab oo guuldarrada noloshaada muujiyo.
Mmusa

10-Sirta guuldarrada.

Sirta guusha ma ahan mid lagu soo koobi karo hal iyo labo, balse sirta guul darrada ayaa ah in aad isku daydo qancinta dhamaan dadka oo dhan.
Mmusa

                                                11-Farriimaha
Waxaa jirto fariin lagu qoro Faraha iyo fariin lagu qoro Qalbiga.
Fariinta lagu qoro faraha way tir tirantaa, balse midda qalbiga waligeed ma tiranto.
Fadlan badsada fariima qorista Qalbiyada.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN