XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 97aad
1-Garo naftaada
Marka aad kala garato waxa naftaada ay dhab u doonayso iyo waxa aysan doonayn
waa marka aad si dhab ah isku garatay, marka aad si dhab ah isku garatidna ma
jiro wax ku rujin kara oo waxaa tahay aof yaqaana halka uu eegayo iyo sababta
uu u eegayo iyo waxa uu ka sugayo ama doonayo in uu ka helo.
Qofka sidiisaba ma lumo marka uu ku socdo Dariiq
ii yaqaano, ogyahayna in uu dariiqaas geynayo meesha uu u socdo, balse marka
uusan aqoon u lahayn halka uu ku socdo waxaa laga yaabaa in uu ag maro meesha
uu u socday isaga oo haya dariiqii uu ku gaari lahaa sababtana waxay tahay
isaga oo aan ogaal u lahayn halka ay cagtu u saarantahay.
Hadaba garashada waxa aad doonayso iyo ku
dadaalidda hanashadooda waxay ka dhigantahay garashada naftaada.
Inta badan oo naftaada fahamsantahayna waa inta
badan oo ay guushaadu badantahay, marnabana aadan ku lumayn dariiqyada faraha
badan ee dunidan.
Mmusa
2-Xusuusta waa Quudka Maskaxda
Xusuusta waa
Quud ay maskaxda quudato una gudbiso dareemada kale ee Jirka kuwaa ka fal
celiya, falcelintaas oo noqon karta mid ay waaxyaha jirka oo dhan ku dagaan ama
ku xanuunsadaan.
Marka ay ku dagaan ama ay farxad ku dareemaan
waxaa falcelintaas qaabilsan Dibnaha oo dhoola caddayn kalinimko ku dhisan dhoola
caddeeya.
Qofka marka uu dul saaran yahay sariirtiis oo uu
waqtigiisa naftiisa la qaadanayo waa markaas marka sida badan falcelinta ka
kooban farxadda iyo murugada ay labadiisa xubnood ee qaabilsan muujinta waxa uu
goconayo qalbiga soo tufaan.
Labadaas xubnood waa Dibnaha iyo Indhaha.
Marka aad dib u goconayso xusuus wanaagsan oo
aad la noolayd muudo waa marka ay xubnaha jirkaaga oo dhan farxad iyo daganaan
iyo waqti qurux badan wada qaataan.
Waa marka ay dibnahaaga dhoola caddeeyaan, waa
marka ay indhaha farxad la ilmeeyaan, waa marka uu qalbiga farriimihiisa
farxadda ku dheehantahay u dirsado xubnaha muuqada ee dunida ay arki karto, waa
markaas marka haddii xaalad adag aad ku jirtay ay naftaada nafisto.
Wax walba wax cakisgooda ah ayaa jira, qalbiga
sidiisaba waa xubinta ugu muhiimsan qofka Aadanaha ah, maxaa yeelay, waa midka
kaliya ee farriinta gudaha usoo gudbiyo dunida la macaamilkeeda xubnaha
qaabilsan sida Afka Indhaha Dhagaha iyo Addimada.
Marka uu qalbigu xusuus xun dhex maquuro waa
marka ay indhaha murugo muujiyaan mararka qaarna ilmeeyaan sankana uu diifka ka
dur duriyo, waa marka uu qofku oynayo, sidoo kale waxaa jirto mar uusan qofku
ooynayn balse laabtiisa ay murugo dabooshay, taas oo baddasha dhamaan muuqiisa
qof walbana uu dareemo.
Waa la yaab sida xusuusaha dadka qaar ay saamayn
ugu yeeshaan muuqeena, dadka qaar ayaa farxad na siiya qaarna waa na murjiyaan,
sidaas darteed, aan ku dadaalno samaysashada xusuusta wanaagsan.
Mmusa
3-Nolosha waa wax siin iyo wax qaadasho
Nolosha sideedaba waa wax siin iyo wax
qaadasho, qofka wax ku siiya ayaa wax laga qaataa, ma ahan in aad wax bixiso oo
gacma marnaato.
Qiimaha nolosha macaan waa farxad iyo laab dagan
qofka intaas kula wadaagi karo ayaa mudan in lala qaato, kuma wanaagsan nolosha
qof qalalaaso iyo qajajac galin kara in waqtigaada aad ku lumiso danta aad ka
helayso nuuca ay rabataba ha noqotee.
Nolosha waa mid gaaban, waqtigaas gaaban aad
haysatana waxaa wacan in aad wax badan gaarto oo uga tagtid dunida wax la
xusuusan karo ama muujin kara jiritaanka in aad jirtay, balse haddiiba ay
noloshaada la mid noqonayso Diqsi isaga oo buubaya Quudka uu quudan lahaa ku
dhex dhacay oo ku harqaday sidaana ku naf waayay cid is waydiisaana
jiritaankiisa aysan jirin, markaas macna uma lihid qiimaha nolosha, in aad
dunida kusii jirtana macna ma lahan.
Dunidan waa goob tartan oo la doonayo in lagu
gaaro Hadaf nolosha dambe ee aan dhamadka lahayn, taas oo la isku abaal mariyo,
qof walbana halka uu qalmo uu Qoorta gadasho.
Sidaa darteed, naftaada kala dagaalan in ay hooy
u noqoto qof qasaara iyo murug ma ahee aan farxad iyo ficil wanaagsan
dareensiinayn.
Mmusa
4-Waad waalantahay!!!
Marka aadan taada ku noolayn oo waligaa aad ku
nooshahay talada ama qaab nololeed ay dadka kale noloshaada u dajiyeen mar
walba waxaad ahaanaysaa qanaaco la’aan, maxaa yeelay mar walba waxaa kugu jira
dareen ah in wax kaa maqan yihiin .
Qaraxa naftaada ay qaraxdo wuu dhacayaa mar ay
noqotaba, markaasna waxaa lagaa aaminayaa in aad waalantahay oo waxba aadan
qabsan karin una baahantahay caawin.
Waad waalantahay sida la moodo, adigana
hanashada naftaada ayaad u halgamaysaa waa intaas farqiga idiin dhaxeeyo.
Mmusa
5-Maxaad ka dhihi lahayd?
Marka kuwa loo sameeyay in dadka difaacaan ay
ayaga dadka laayaan, isla markaana isla ayaga la dhaho baaritaan ku sameeya,
baaritaankooduna uu noqdo in ay tilmaan aan xaqiiqdeeda la ogayn dadka u
sheegaan, sidaasna lagu soo dhameeyo dhacdada dhibkii dhacay, maxaad ka dhihi
lahayd?.
Mmusa
6-Farxad, qalbi dagan, laab xulan
Farxadda waa dareenka wanaagsan ee naftu u
baahantahay.
Sifada naftu u baahantahay waa Qalbi dagan,
marka qalbi dagan uu jirana waxaa imaanaya raaxada damiirka qofka, marka
damiirka qofka uu noolyahay raaxana ku sugan yahay waxaa imaanaya Laab xulan .
Mmusa
7-Xanuun, Xikmad, Tijaabo
Nolosha waa guul iyo guul darro, tijaabo iyo
culays.
Xanuunkaaga oo bata waa xikmaddaada oo siyaada.
Guuldarradaada oo badatana waxay ka dhigantahay
awooddaada oo siyaada.
Dhoola caddayntaada oo badataana waxay ka
turjuntaa malada wanaagsan oo qalbigaada ka buuxda.
Mmusa
8-Xaqiiqdaada
Naftaada ahow
mar walba dadka waxba kaama galin, waxaa jira dad xumaantaada arkaya iyo kuwa
aan arkayn, ma jirto qof arkaya xaqiiqdaada dhabta ah oo aan ka ahayn Alle,
alle kaliyaa ayaa xaqiiqdaada haya, arkayana.
Maxamed Shacraawi
9-Wax badan ogow
In aad wax badan ogaato ayaa fiican inta aad neefsanaysid, Wax badana
dareentid, Ma ahan in aad xabis ku noqoto dhibic yar oo dunida ka mid ah.
Ujeedada ayaa ah in marka aad socoto ama aad la kulanto dadka qaar aad
ogaanayso in wax badan ay kaa maqan yihiin, Dareenkaagana uu siyaadayo, waliba
dhanka wanaagsan ee hormarkaaga ku jiro, taasise waxay ku
xirantahay doorashadaada.
Mmusa
10-Kordhi caqligaada.
Badi la kulanka iyo wax la qaybsiga dadka
caqliga iyo garaadka u saaxiibka ah, inta aad la fadhiisato qof nolol ahaan kaa
sareeyo caqli iyo garaad ba, waa inta badan aad wax faaiido.
Waxaan tijaabiyay labada nuuc ee dadka caqliga
iyo garaadka u ehelka oo dhinac ah iyo kuwa aan garaadka iyo caqliga lahayn oo
dhinac, waxaan dareemay in mar walba oo la fadhiisto kuwa aan caqliga iyo
garaadka lahayn aan dareemo in uu caqligu iga nusqaamo.
Mmusa
11-Dabaalnimada
wax fasahaadisa
Dabaalnimada ma
ahan wax dad gaar ah ay la kali yihiin ee waa wax si guud qof walba qayb uga
haysto, taas waxaa garan kara oo kaliya Alle.
Xaqiiqda ayaa waxay tahay in dabaalnimada
jumlada ka kooban ay tahay midda wax fasahaadisa ee aysan ahayn dabaalnimada
shaqsiga midda wax halaysa.
Bal u fiirso, maxay maskaxdeena iyo caqligeena u
shaqayn la’yihiin muddo 30 Sano ku dhow oo aan u garan la’nahay waxa nolosha
nabadda ah inoo diiday? Is waydiintaas jawaabta aan u hayo ayaa ah in ay nagu
jirto Nacasnimo ama dabaalnimada wax fasahaadisa taas oo saamayn ku yeelata Bad
iyo Barriba.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor