XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 98aad

                                        1-Ha isku furin 
Ha isku furin alabaab uu dhib kaaga imaanayo xitaa haddii uu albaabkaas kasoo galayo qof  aad jeceshahay.
Mmusa 

                                   2-Qofka aad jeceshahay.
Marka aad la hadlayso qofka aad jeceshahay oo noloshaada qayb muhiim ah ku leh eray walba ha ku dhihin,  waa in aad xulataa erayada aad kula hadlayso si aad u shaafiso una dhiiri galiso dareenkiisa Mar walba. 
Maxaa yeelay waa farxadda laabtaada, farxadda laabtaadana waxay u qalantaa Hadiyad kasoo go’da laabtaada.
Mmusa 

                                        3-Ugaartaada arag
Waad yaabaysaa maalinba maalinta ka damabays dunidan, waxaa se la yaab leh in adiga oo ugaarsanaya dunida ay hadana dunida oo dhan qoortaada kuugu jirto oo aadan arki karayn!!
Waxaa la yaab leh qof ugaarsanay oo hadana waxa uu ugaarsanayo qoorta ku sita, fadlan si dagan u xisaabtan si aad u aragto waxa aad xaqa u leedahay.
Mmusa 

                                      4-Abuuris ficil wadata 
Maqalkaaga u raarici waxa walba oo dareenkaaga soo jiito xitaa yeysan ahaan wax aadan heli karin.
Maqalka waxa wanaagsan waxay qayb ka qaadataa daganaanta laabta, laabtaada oo dagana waxay soo saartaa hal abuuris ficilkeeda wadata.
Mmusa 

                                          5-Xanuunka iyo xalka 
Xanuunka baabi’intiisa waxaa laga dhex helaa isla xanuun kale, sidaas si la mid ah wax walba xalkooda waxay ku dhex jiraan isla ayaga oo dhab loo fahmo loona aqriyo.
Mmusa 

                                            6-Naftaada u tur 
Ma jiro qof jirrada kula qaybsanaya
Ma jiro qof xanuunka kula qaybsanaya
Ma jiro qof dartaa usoo jeedaya.
Ma jiro qof kugu haraya, xitaa hooskaaga wuu kaa cararaa marka aad xaalad Mugdi gasho.
Fadlan naftaada u tur oo ka taxaddar.
Mmusa  

                                          7-Sharafta naftaada 
Sharafta naftaada waxay ku jirtaa in aadan u baahan qof aan kuu baahnayn, in aadan isku qasbin qof aan isku kaa qasbin.
Inta adiga oo dhaawac la xanuunsanaya mar walba aad dhaqaajin lahayd waxaa kuu khayr badan in lagu dullaysto adiga oo raaxeesanaya sharafna leh. 
Mmus 

                                                         8-Is waydii
Dhibka uu qof ku dhibayo mar walba ha is waydiin sababtiisa ee waxaad is waydiisaa sababta aad adiga ugu ogolaatay naftaada in uu qofkaas mar walba dhib u geysto.
Mmusa 

                                                    9-Saddex saaxiib iska jir
1 Wuu kuu wanaagsanyahay balse marka uu dadka hadalkooda maqlo ayuu is baddalaa.
2 Wuu kuu riyaaqaa, wuu ku faaniyaa, wuxuu kuu muujiyaa wanaag marka uu muuqaaga arkayo, balse marka aad ka tagto ama uusan ku arkayn ayuu ku xantaa, xumaantaadana sheegaa.
3 Ladnaanta iyo barwaaqada ayuu kugu jecelyahay, marka aad dhibantahayna kuma arki karo!!
Mmusa

                                                            10-Yaree fakarka 
Fakarkaaga inta uu badan lahaa ha badato dambi dhaaf waydiisashadaada Alle, maxaa yeelay, fakarka Albaab ma furo balse dambi dhaaf waydiisashada Alle waxay furtaa albaabo uusan furi karin fakarka.
Mmusa 

                                                          11-Qofna ha ku tiirsan
Si aadan u dhicin ugana fogaato niyad xumo iyo murigaba qofna ha ku tiirin noloshaada, maxaa yeelay, inta badan aad isku tiiriso qof kale waa inta badan ay soo dag dagto niyad xumadaada iyo murugadaadaba.
Mmusa 

                                                              12-Guusha ugu weyn
Guusha ugu wayn nolosha waa garashada iyo is fahamka naftaada idin dhex mara.
Mmusa 

                                                         13-Dareenka wanaagsan 
Dareenka wanaagsan waa quud kayd kuu ah kaas oo aad lasoo baxdo marka ay ku qabato gaajada cidlada ah .

                                                                       14-Xanaaqa
Xanaaqa wuxuu soo bandhigaa daciifnaantaada wuxuu hurburiyaa shaqsiyaddaada, sidaa darteed, haddii qof isku dayo in uu kaa xanaajiyo waxaad ogaataa in uu doonayo in uu ku qabsado, adigana lagaa doonayo in aad iska indha tirto oo aadan u ogolaan in uu ku qabsado.
Mmusa 

                                                        15-Ha xadgudbin

Cabsidaada marka ay badato waxaad ka cararaysaa wax badan oo aan cabsi kuu ahaan jirin adiga oo ka cabsanaya in ay qatar kaaga timaado.

Sida badan wax walba waxay leeyihiin xad la rabo in lagu ekeeyo ma ahan in xadkooda la dhaafiiyo haddii la dhaafsiiyana waxaas waa soo laabtaan marka ay soo laabtana waxay la yimaadaan Khatar ama Cabsi.

Hadaba wax walba si qayaasan oo dhexdhexaad ah u istucmaal uguna dhaqan, xitaa Cabsida Alle aad ka cabsanayso waa in aad kala timaadaa inta aad awooddo ha ku xad gudbin cabsida Alle si aadan ugu dhicin Dambi sababa in ay cabsida Alle kugu yaraato.  Waxaad xusuusnaataa in uu Alle ku yiri iga cabso inta aad awooddo uusan ku dhhin ku xad gudub cabsidayda.

Gundhiga hadalkayaga ayaan kusoo gunaanadayaa in aan mar walba meel dhex iska taagnaano oo aanam noqon mara kudhag ku xad gudba qaab walba oo nolosheena u socoto.

Mmusa 

                                                      16-Isku soo dhawaanshaha

Is taabashada badan aad la samayso qof qaali kugu ah waxay siyaadisaa jacaylka iyo xiisaha aad isku qabtaan.

Jirka Baniaadamka wuxuu Alle u sameyay si ilaa hadda aan la garan karin, labada qof ee Labka iyo Dhaidga ah xitaa xiliga uu jiro qabowga daran haddii ay laabta isku qabtaan wax qabow ah ma dareemayaan, halkaas waxaa laga qaadan karaa haddii labada qof ay mar walba isku soo dhawaadaan ay iska dugaanshan karaan wax badan oo aan farax galin.

Isku soo dhawaashaha aan ka hadlayo fadlan ha u fahmin in aad qof walba u dhawaan karto, waxaad u dhawaan kartaa waxa uu sharcigeena islaamka ah kuu banneeyay oo kaliya, inta ka baxsan waxay galaysaa waxyaabaha laga dhaxlo natiijadooda aan la mahdin, sidaa darteed, qofka qaaliga kugu ah ee nolosha kula wadaagayo badi u dhawaanshihiisa si ay u siyaaddo muxibada dhaxdiina ah iyo naxariista aad isku qabtaan.

Mmus 

                                                     17-Xaan cunaa!!!

Xisaabta xaalkaaga dunida waa in ay dhaafsiisantahay maxaan cunaa iyo maxaan ku raaxaystaa?

Inta badan wax walba oo lagu raaxaysto haddii aysan ahayn wax wanaag ah asalkooda waxaa laga dhaxlaa cawaaqib xun oo laga yaabo in jiritaankaaga nolosha uu salfado, sidoo kale maxaan cunaa micnaheeda waa in wax aad iska ilaalisaa aysan jirin oo xuduud kuu samaysan uusan jirin, waxaad aragto ay waxaaga yihiin dadkana dartood u dhibaato galiso.

Arrintaan dambe ee maxaan cunaa haddii ay xisaab la’aanntaas ku socoto iyana natiijada laga dhao ayaa noqoto mid aan la mahdin oo sakan walba waxa aad laqdo ay ka dhigantahay Naar kaa gubtoa gudaha taas oo aad la walbahaarto inta nafta kugu jifta.

Hadaba xisaabta xaan cunaa iyo xaan ku raaxaystaa dib ha loogu laabto.

Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN