XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 99aad
1-Ka
fogow xaaladaha
Xaalad walba oo
wal wal galinaysa naftaada iyo jismigaaga ka fogow, xaaladaha qaar dib waa loo
hagaajin karaa balse naftaada mar haddii ay qarribanto xanuunkeeda iyo dib usoo
noolaynteeda lama sixi karo, sidaa darteed, ka fogow xaaladaha aan naficga u
lahayn naftaada.
Mmusa
2-Ma is waydiisay?
Ceebtaada maxay tahay ma is waydiisay, dambigaada muxuu yahay ma is
waydiisay, shaqadaada maxay tahay ma is waydiisay, maxaa kula gudboon ma
is waydiisay?
3-Xikmado kooban
1. Dadka waxaa tustaa wanaagaaga balse waad is ogtahay
xumaantaada iyo ficil shaydaan samayntaada marka aad kali noqotid!!!
Mmusa
2. Cibaadadaada way badantahay ,baryadaada Allena waa badantahay, hadana
iimaankaaga waa daciif, macnaheeda waa in cibaadadaada aysan toosnayn.!!!
Mmusa
3. Dadka waa u naxariis badantahay si dagana waad ula hadashaa, laakin
qoyskaaga iyo ehelkaaga waad u adagtahay una hadal xumayn badantahay.
Mmusa
4.. Waad sharaftaa martidaada, si wanaagsana waad ula dhaqantaa, balse marka ay
kaa tagaan ayaa xantooda gurtaa, yaa tahay bal is eeg!!?
5. Saddaqada waad la baxdaa, masaakiintana waad caawisaa, balse waa ku mannad
sheegataa, waana dhaawacdaa, saddaqadaada maxay tahay is waydii?.
Mmusa
6. Habeenkii ayaa tukataa, aqrinta quraankaaga way badantahay, waa soontaa,
hadana xiriir lama lihid qoyskaaga.!!!!
Mmus
7. Asxaabtaada waa la kaftantaa balse marka aad kala tagtaan ayaad caysaa,
inkaartaa, daba marayna ku samaysaa.
Mmusa
8. Dadka caawintooda waxaad u samaysaa si aad wax uga heshid ama laguu sheeg sheego
oo kaama ahan Alle dartiis!!!!
Mmusa
9. Dadka ayaad waanisaa, waddada wanaagsana waad u tilmaantaa, waxaas oo dhana
waxaad u samaysaa halagaa sheego, inta aad sheegaysana ma samaysid, mana ku
dhaqantid, taas macnaheedana waa naftaada in aad qayaantid!!
Mmusa
4-Nolosha ilaali
Waad heli kartaa qof kuu shaqeeyo oo waxa aad
rabto kuu qabto, waad samaysan kartaa nolosha qaabka aad u rabto marka aad
awoodeeda leedahay, wax walba oo nolosha loo isticmaalo haddii ay lumaan dib
ayaa loo heli karaa ama waa la meelayn karaa baddalkooda, balse nolosha marka
ay lunto maxaa lagu meelayn karaa? waa waxba, nolosha ilaali waa muhiim.
Mmusa
5-Gudcurka
Gudcurku wuu qarin karaa geedaha iyo ubaxyada
qurxoon, balse waxba kama qarin karo qalbiga, gaar ahaan Jacaylka.
Mmusa
6-Luuqadda Qalbiga
Qalbiga wuxuu leeyahay luuqado u gaara ah
wuxuuna garan karaa kumanaan qaab oo uu ugu hadli karo luuqaddo uu markaas
doonayo!
Mmusa
7-Jaahil vs Aqoonyahan.
Jaahilku wuxuu ka caroodaa hadalkiisa,
aqoonyahnkana wuxuu ka caroodaa ficilkiisa!!!.
Mmusa
8-Qalbiyada dumarka
Waxaa jira rag
fara badan oo ayaga oo u qalmin af duubtay quluubta dumar fara badan, ma ahan
quruxda oo kaliya ee waa qaabka hadalka wanaagsan waxa lagu hanto qalbiyada
dumarka qaaliga ah.
Mmusa
9-Taariikhda
Taariikhda oo aadan aqrin micnaheda waxay ka dhigantahay in laabtaada ay wali caruurtahay, sidaa darteed, waa muhiim in aad taariikhda aqriso, taariikhda oo si fiican u baratid waa khibrad kuu siyaada, waxayna ka dhigantahay aqrinta ama saadaalinta mustaqbalka.
Mmusa
10-Cabsida
Qofka marka uu Mar walba wax ka cabsanayo wuxuu
taagnaanayaa meesha uu joogo, sababtana waxay tahay in uusan awood u
lahayn wajihidda xaqiiqda hortaalo.
Mmusa
Kalsoonida iyo
guusha
Kalsoonida waa dariiqa guushaada, laga yaabee in
mararka qaar in aysan horseed u noqon guushaada, balse, waxay ku siisaa awood
aad kaga hortagi karto caqabad kaste.
Mmusa
11-Fahan dantaada
Waalidkaaga iyo
adiga
Ilmahaaga iyo adiga
Walaalaha iyo adiga
Dhamaan ehel iyo xigta kalaba
Isku waddo ma tihiin
Qof walba rabitaankiisa iyo qanaacadiisa ayaa u
daran, taas ayuu wax walba ka door bidayaa gaaritaankeeda .
Sidaa darteed, waa in qof walba fahma marka ay
tahay in uu wax caawiyo iyo marka aysan ahayn.
Mmusa
12-Waqtiyada
Waqtiyada ugu fiican noloshaada waa waqtiyada aad jeceshahay in qofna aadan la wadaagin oo kaligaa ay kugu ekaato ilaa maalinta Qiyaamaha, maxaa yeelay waa ku qaali noloshaada oo ma jeclid in aad qof la wadaagto.
Mmusa
13-Noolaha
In aad caddaalad ka heshaa noolaha nuuca uu doonaba ha noqde rajada aad ka qabto yaree, maxaa yeelay waxaan is yeelayn baahida uu nooluhu qabo oo dhamaad lahayn iyo caddaaladda oo dalbata mararka qaar Baahi.
Mmusa
14-Daacadnimo.
Daacadnimada waa wax dhif ah in aad aragtana waa yartahay, sidaa darteed marka aad daacadnimo aragto qayb ka noqo ama xafid.
mmusa
15-Walaalnimada
Wada dhalashada micnaheeda maahan in wax walba la isku yahay waa albaabka aad dunidan kasoo wada gasheen, waa sida dariiq la wada marayo, inta iskaashata oo is fahanta waxay ka dhigan yihiin kuwa walaalnimada dhab u wada fahmay.
Mmusa
16-Dulmiga dadka la dulmiyo
Dulmiga dadka la dulmiyo Alle marnaba raali kama noqdo, nimcada uu Eebe ku siiyay haddaad ku dulmiso dadka oo buruburkooda iyo isku dirkooda u adeegsato hubaal in ay kugu imaanayso adigana maalinkaaga waliba dhexdaada ay ka tafan doono.
Mmusa
17-Mashquul
Ma jiro qof mashquul badan, arrinku waa sida arrimaha u kala muhiimsan yihiin, hebel ama hebalaayo haddii ay kugu dhahaan waan mashquulsanayn, ogow in ay ku mashquulsanaayeen wax kaa muhiimsan.
Mmusa
18-Haweenta loo baahan yahay.
Haween midda loogu baahi badanyahay waa midda jacayl ku barta marka uu nacayb qalbigaada soo galo, waa midda kaa qoslisa marka aad ilmaynayso, waa midda ku barta kuguna dhiiri galisa qaabka xanuunka loogu adkaysto loogana guulaysto.
Mmusa
19-Nolosha
Nolosha farxad iyo murugaba waa leedahay, balse
ma ahan mid lagu wada waarayo, qofka intaa fahamsan ayaa heli karaya farxadda
iyo daganaanta qalbiga inta noloshiisu jirto.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor