XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 100aad
1-Fahan
dantaada
Waalidkaaga iyo adiga
Ilmahaaga iyo adiga
Walaalaha iyo adiga
Dhamaan ehel iyo xigta kalaba
Isku waddo ma tihiin
Qof walba rabitaankiisa iyo qanaacadiisa ayaa u
daran, taas ayuu wax walba ka door bidayaa gaaritaankeeda .
Sidaa darteed, waa in qof walba fahma marka ay
tahay in uu wax caawiyo iyo marka aysan ahayn.
Mmusa
2-Noolaha
In aad caddaalad ka heshaa noolaha nuuca uu doonaba ha noqde rajada aad ka qabto yaree, maxaa yeelay waxaan is yeelayn baahida uu nooluhu qabo oo dhamaad lahayn iyo caddaaladda oo dalbata mararka qaar Baahi.
Mmusa
3-Daacadnimo.
Daacadnimada waa wax dhif ah in aad aragtana waa yartahay, sidaa darteed marka aad daacadnimo aragto qayb ka noqo ama xafid.
mmusa
4-Walaalnimada
Wada dhalashada micnaheeda maahan in wax walba la isku yahay waa albaabka aad dunidan kasoo wada gasheen, waa sida dariiq la wada marayo, inta iskaashata oo is fahanta waxay ka dhigan yihiin kuwa walaalnimada dhab u wada fahmay.
Mmusa
5-Dulmiga Dadka
Dulmiga dadka la dulmiyo Alle marnaba raali kama noqdo, nimcada uu Eebe ku siiyay haddaad ku dulmiso dadka oo buruburkooda iyo isku dirkooda u adeegsato hubaal in ay kugu imaanayso adigana maalinkaaga waliba dhexdaada ay ka tafan doono.
Mmusa
6-Mashquul
Ma jiro qof mashquul badan, arrinku waa sida arrimaha u kala muhiimsan yihiin, hebel ama hebalaayo haddii ay kugu dhahaan waan mashquulsanayn, ogow in ay ku mashquulsanaayeen wax kaa muhiimsan.
Mmusa
7-Haweenta loo baahan yahay.
Haween midda loogu baahi badanyahay waa midda jacayl ku barta marka uu nacayb qalbigaada soo galo, waa midda kaa qoslisa marka aad ilmaynayso, waa midda ku barta kuguna dhiiri galisa qaabka xanuunka loogu adkaysto loogana guulaysto.
Mmusa
8-Nolosha laguma waaro
Nolosha farxad iyo murugaba waa leedahay, balse
ma ahan mid lagu wada waarayo, qofka intaa fahamsan ayaa heli karaya farxadda
iyo daganaanta qalbiga inta noloshiisu jirto.
Mmusa
9-Hogaanka
Hogaanka marka
uu ku jiro Dagaal dhan walba ah dagaalkaas oo ah dagaal gudaha ah oo Af iyo
addinba uu umaddiisa inta aan ku fakarka ahayn kula dagaalamayo taas oo ay usii
dheertahay u adeegsashada cadow dibadda ah, kaas oo wax uu ka naxayo aysan
jirin, waxa kaliya uu u aqbalay codsiga hogaankaasna ay tahay in uu
maslaxadiisa ka arkay, hogaanka nuucaas ah waa hogaan qasaara nagu ah runtii,
waxaan u baahanahay Hogaan, keena xun iyo keena san isku soo jiidi kara oo dad
dana gaar ah naga leh aan arrimaheena dhex keenayn.
Mmusa
10-Nasiixada
Haddii ay tahay canaantaada mid nasiixa ah oo wax wanaagsan ina faraysa waa in aan qaadanaa, balse marka ay na farayso Xaasidnimo iyo xaqiraad qof la xaqirayo ama astaan xumaan muujinayso ay ka muuqato macna ma lahan markaas in xitaa la dhagaysto.
Mmusa
11-Baaseesiga
Baaseesiga waa
cadow qarsoon oo si hoose u dilaya afartan noloshaada muhiimka u ah.
1 dulqaadkaaga.
2 rajadaada.
3 Shaqadaada
4 Noloshaada.
Ka fogow baaseesiga ama si xun u fakarka.
Mmusa
12-Dadka
iyo barashadooda
Dadka wanaagsan waxay ku siiyaan Farxad.
Dadka xun waxay ku siiyaan Khibrad.
Dadka kuwa ugu xuna waxaad ka barataa Cashar.
Dadka kuwa ugu wanaagsana waxaad ka dhaxashaa
Xusuus wanaagsan.
Mmusa
13-Mansabka
iyo waajibka
Maamulka xafiiska ama iskoolka ama meelaha kale ee ay bulshadu ku kulanto
hadduu maqan yahay Nadiifiyaha lama tabo ilaa inta uu rabo ha maqnaado, balse
qofka nadiifiyaha ka ah meelahaas saacad hadduu maqnaado waa la tabaa.
Qiimaha qofka waa waajib gudashadiisa ee ma ahan mansabka iyo magaca
noloshiisa.
Mmusa
14-Shahaadada Aqoonta
Shahaadada aqoontaada waxay caddaysaa in aad
wax baratay oo aqoonyahana aad tahay, balse, caddayn uma ahan in aad howl kar
tahay, fahamkaaga iyo khibraddaadana ay sarreeyaan.
Mmusa
15-Horseedka is fahamka
Haddii qof xanaaqsan uu kuu soo galo isaga oo
qaylo iyo daganaan la’aan ay ka muuqato waddada kaliya ee aad kula dhaqmi karto
maahan in aad la muranto ama is daji aad ku dhahdo.
Waxaa wanaagsan in aad si dagan u dhagaysato
qayladiisa kadib marka uu dhamaystana aad ku dhahdo xalka keen ama maxay kula
tahay?
Markaas qofku wuu dagayaa wuuna nafisayaa wixii
uu dhihi lahaa xumaan iyo wanagna gudihiisa ma gubayaan oo waa kasoo baxeen,
marka daganaanta iyo dhagaysiga oo badiso waa horseedka is fahamka labada Qof.
Mmusa
16-Qanaaco darrada.
Qanaacad nolosha ayaa naga luntay, qofkeena
Soomaaliga ah meesha uu doono dunida ha uga noolaado ma jirto qanaaco uu ku
qabo meesha uu ku nool yahay.
Mar walba niyaddiisa waa kacsantahay, wax buu
niyadda ku hayaa, waxa uu niyaddiisa ku hayana waxaa ugu weyn sida uu u baddali
lahaa nolosha uu ku nool yahay iyo goobta uu uga nool yahay dunida.
Nolosha qaabka uu Eebe u sameeyay ayaa ah mid
isku dheeli tiran, waxa aan dheeli tirnayn waligoodna dheeli tirmayn waa qalbigaada.
Ma qancaysid mana dagaysid ilaa noloshaada inta ka
dhiman waad kacsanaanaysaa sidaas ayaana u fakaraysaa una dhibsanaysaa
noloshaada iyo qaabkeedaba.
Xaqiiqda waxay tahay in qofka qanci karo uu yahay
uu kaliya qofka ogolaado waxa mar walba nolosha uu kala kulmo, tan macnaheeda
maahan haddii ay noloshaada fiicnayn aad sidaas ku aqbashaa, waa in aad ku
dadaasahaa hagaajinteeda mar walba.
Qanaacada nolosha waxaad ku heli kartaa marka aad
isku miisaanto noloshaada maanta iyo tii shalay.
Haddii tii shalay xumayd ku dadaal in aad tan
maanta gacanta ku qabsato hagaajisana,ha ka fakarin mustaqbalka, maxaa yeelay
ka fakarka mustaqbalka waa kan horseedka ka ah qanaaca xumada naftaada ku
dhacda.
Haddii aad hagaajiso xaalkaaga hadda waa hubaal in
uu qurux badnaanayo xaalkaaga barito, sidaa darteed, miisaankaa qanaaca
raadinta noloshaada haku salaysnaado mar walba xaalkaagi shalay iyo kan maanta.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor