XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 103aad

                                                           1-Xaalad walba soo dhawee

aga yaabee dabeesha hadda socota in aysan u roonayn caafimaadkaaga oo ay tahay mid xanuun badan, balse waa in aad maankaaga ku haysaa in ay waqti kooban soconayso oo uusan roobku mar walba da’een.
Wax walba waqti ayey leeyihiin ay bilowdaan waqti ay dhamaadaana waa jirayaa, muhiimadda waa in aad lahaataa adkaysi khibradna uga korosaataa wareegtada xaaladaha ee kusoo asiiba.
Noqo qof adag oo usoo dhawee xaalad walba sida ay kuugu timaado.
Mmusa 

                                                    3-Nolosh wax walba ka filo

Nolosha wax walba ka filo, wax walbana way kugu samayn kartaa, sida ay rabto ayey cirka iyo dhulkaba kuugu garaaci kartaa, way kusoo dhawayn kartaa hadana waa ku fogayn kartaa, adiga mar walba isku day in aad u taagantahay guusha noloshaada.
Mmusa 

                                                          4-Baahidiisa

Ma ahan in aad noqotaa mid baahidiisa aan u taagnayn ee u taagan baahiyada kale.
Wax ka xun ma jiraan in aad mar walba waqtigaada ku lumiso qof u taagan maarayntii uu kugu maareeyo baahidiisa.
Mmusa 

                                                         5-Daaweynta.

Ilaa aad daaweysid salka cudurka dhibaatada keenay mar walba xanuunka wuu jirayaa.

Waad qarsan kartaa xanuunkaaga ilaa muddo, balse ma ahan mid aad ka carari kartid oo dhibku wuu kula jirayaa ilaa aad salka u qodid raadinta dawadiisa.

Mmusa

                                                         6-Wax ka xun ma jiraan

Wax ka xun ma jiraan marka waxa isku kaa haya ay noqdaan waxa ku kala daadiya, maxaa yeelay waxay la mid tahay naftaada oo isla iyada iskala jeexaysa isla iyadana is aruursanaysa waana xanuun runtii.

Mmusa

                                                             7-Awoodaada.

Awooddaada waad muujin martaa balse taas macnaheeda maahan in aad tahay qof awood leh, mar walba natiijada ka dhalata muujinta awooddaada ayaa ah midda lagu qiimeeyo shaqsiyaddaada haddii aad ahaan lahayd guuleyste iyo guul laawe..
Mmusa 

                                                           8-Sama qabe

Kan samaqabaha ah ee u baddali kara natiijada xun mid wanaagsan ayaa fahmi kara sharciga lagu kala gaddiyo wanaaga iyo xumaanta, maskaxdiisuna waxay ifisaa Nolosha.
Mmusa

                                                              9-Xadkaaga

Adiga oo xadkaaga garan karin xawaarahaaga ma koontarooli kartid.
Koontaroolka xawaarahaaga oo lumana wuxuu ka dhigan yahay xadka oo gudubtid, natiijadana waa dhibaato.
Mmusa 

                                                   10-Waqti tagay

Waqti tagay dib uma soo celin kartid
Waaqica oo wajahdaana waa wehesha guushaada.
Walwalkaaga oo yaraadana waa weedh laabtaada u roon.
Mmusa 

                                                     11-Si dhab ah u eeg

Marka aad si dhab ah y eegto abuurista Eebe ee dunidan wax badan ayaa fahmaysaa, waana markaas marka aad si dhab ah u fakari karto iimaankaagana uu miisaan yeelanayo.
Mmusa

                                                    12-Aamusnaanta

Aamusnaanta ayaa ka khayr roon dhawaqa dhaliisha kuu keeni kara marba waxa aad ka hadlayso haddii aysan ahayn wax dhab ah oo saamayn wanaagsan nolosha u samayn kara.
Mmusa 

                                                     13-Socodka badi

Rajada fiican iyo farxadduba way imaanayaan ee adiga uun haka daalin in aad u socoto raadintooda.
Qiimaha maamuska wanaaga ayaa ah in aan raadintiisa laga caajisin waana hubaal abaal marintiisa in ay imaanayso.
Mmus 

                                                           14-Wawalka

Walwalkaaga oo bata waxba kama baddalo natiijada qaddarta laguu yabooha, sidaa darteed, walwalka iska dhaaf oo u dhug yeelo wajihidda qaddarta ku heshay iyo in aad u tabaabusheesato talaabada xigta.
Mmusa  

                                                          15-Waa riyada qof kale 

Camalkaaga xun waa riyada qof walba oo shaydaan ehel ka dhigto.
Cunugaaga dhibka badan waa riyada midka ma dhalaha ah.
Gurigaaga yaraanta badan waa riyada mid walba oo barkaca ah.
Hantidaada yaraanta badan waa riyada mid walba oo deymeesan.
Caafimaadkaaga yarka ah waa riyada mid walba oo xanuunsan.
Ceebtaada asturan waa baahida mid walba oo ceebaysan.
Toosnaanta aad Alle u toosantahay waa riyada mid walba oo dambi la daala dhacaya.
Uga shukri Alle nimcada uu kugu mannaystay dibna u xisaabtan.
Mmusa 

                                                      16-Mustaqbalka

Haddii lagu yiri mustaqbalka yuusan ku fakar galin maxaa yeelay mustaqbalka wuxuu ku jiraa gacanta Eebe isaga ayaana ku cilmi roon adiga waqtiga aad dhex joogto wax u qabso maxaa lagaa ba’shay?

Irsaaqadda

Haddii lagu yiri ha isku cuslayn hammiga irsaaqadda maxaa yeelay irsaaqadda Alle ayaa kafaala qaaday maxaa lagaa ba’shay, maxaad se u wal washaa?
Mmusa 

                                                    17-Haddii lagu yiri

Haddii lagu yiri hammi adduunyo ha isku mashquulin culaysna ha isku saarin, dunidana Alle ayaa leh oo u tashanaya maxaa lagaa ba’shay?

Dhowr sharaftooda

Qaarkood waxay baxaan ama muuqooda la waayaa marka aad u baahato.
Qaarkoodna waxaa la waayaa marka ay danahooda kaa gaaraan.
Qaarna marka ay baddalkaaga helaan lama arko.
Qaarna marka ay fahmaan halka qalbigaadu taagan yahay ayey dhaqaajiyaan.
Qaarna tii Alle ayaaba kaa wadato.
Waddooyinka lagaaga tago waa badan yihiin wayna xanuun badan yihiin runtii.
Waxaad ogaataa in cimrigaagu gaabahanyahay, qabrigaaduna yaryahay, marka aad dunidan ka tagtana waxa aad qof uga baahantahay ayaa ah ducada oo kaliya.
Sidaa darteed, ha xadin hana dhaawicin dareenka ama farxadda qof, sidoo kale qofna ha xaqirin.
Naftaada ku abaal mari in aad dhimato adiga oo ixtiraamaya dadka, dhowrayana sharaftooda Baniaadanimo.
Mmusa 

                                                 18-Waa nuuca nolosha

Dhulka in aad ku dhacdid sababteeda marnaba ha is waydiin waxa kaliya oo ka fakartaa ha noqdaan sida aad kor ugu kici lahayd busta ku gaartayna aad isaga jafi lahayd socodkana horey ka bilow waa nuuca nolosha ay u sameesantahay.
Mmusa 

                                                19-Waqtiga liidashada

Qof shalay marka aad liidatay kugu qiimeeyay liidasho maanta ladnaantaada qayb kuma lahan sidaas darteed, mar walba dadka aan duruufaha kaaga harin hareerahaaga ka buuxso.
Mmusa 

                                                 20-Saamaynta qofka

Saamaynta uu qofku kugu yeesho kuma xirna inta uu qofkaas kula joogo ama aad is taqaaneen, way dhacdaa mararka qaar in qofka aad taqiin uu kaaga saamayn badnaado qof aad taqiin waqti kooban, waa tayada qofka waxa saamaynta yeesha ee aqoonta fog aad u leedahay macna ma samayso.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN