XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor








                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 104aad       
                                                     1-Ha caroon
Haddii aad u ogolaato dadka qaar in ay kaa careesiiyaan waxaad ogolaatay in ay kaa guulaystaan.
Ma ogtahay in carada ama xanaaqa qaabka ay wax u daaweeyaan uu yahay mar walba qaab aan wanaagsanayn.
Rasuulkeena Csw run buu ku sheegay marka uu yiri “ha caroon, ha caroon, ha caroon”.
Mmusa 
                                                      2-Ha qasbin 
Saddex haddii ay jabaan ha isku qasbin.
Qalbi kaa jabay ha isku qasbin 
Qof qatar ku galshay ha qasbin.
Kalsooni luntayna ha qasbin soo celinteeda
Xalka kaliya ee saddexdaan aad uga guul gaari karto waa adiga oo abuura kuwa cusub, micnaha dib u soo bilow wax walba.
Mmusa 
                                                        3-Noqo sida aad tahay.
In aad tartan gasho ama qof sida uu yahay noqoto dunida sababta laguu keenay maba ahayn.
Xusuusnow in kaligaa lagu abuuray, qofna laguu ekaysiin, laguna dhihin qof ku dayo, waxaa lagu yiri noloshaada adiga ayaa is kaleh, laba wadda oo midna xuntahay midna wanaagsantahayna waa laguu sheegay, midda aad rabto qaado.
Adiga qof kula mid ah lama abuurin, waxaa tahay qof loo abuuray si ka duwan dadka kale, sidaa darteed, qofna ha u ekaan hana isku ekaysiin ee noqo sida aad tahay.
Mmusa
                                                 4-Nolosha waa waxa kaliya oo haysatid
Noloshaada waa waxa kaliya oo haysatid, adiga oo waxba ahayn ayaad jirtay adiga oo waxba ahayna waa jiri doonta, inta aad baraarugsantahay, wax cunayso, maqlayso, arkayso, waxna qabanayso, waa adiga oo isticmaalaya kaydkaaga, kaydkaagana waa in aad xifdisataa.
Awooda qalbiga
Awoodda qalbigaada way lumi kartaa balse taas macnaheeda maahan in aan luminayso koontaroolka naftaada.
Mmusa
                                                  5-Umad dhibkeeda ka hadasha.
Umad dhibkeeda ka hadasha oo isla fahamta ayaa guulaysata ee umad dheefta in ay isku diidaan u dhafarta dhib kama baxdo.
Bal may in ay dhibka ka baxaan ducadeeda u dhafraan!!!
Mmusa
                                                 6-Qurxi noloshaada.
Qurxi noloshaada, waa hubaal waad la kulmaysaa qof ku xumeeya ama ku dulleeya balse waxaa mar walba jiraya qof kale oo u istaagaya farxad galintaada.
Sidoo kale marka aad fursad lumiso fursad kale ayaa kusoo marayso.
Markaad shaqo wanaagsan qabatana abaal marinteeda Alle ka filo.
Mohamef Shacraawi
                                                        7-Iska sabar
Hadduu ku xumeeyay adduunyada ayaa xumaynaysa ee Soomaaliyaay iska sabar.
Halow adiga Soomaaliga ah ma ahan waxa aan sabarsiinayo ee waa Ciidda
Dadka qaar 
Dadka qaar ayaa jecel in marka ay kuu baahan yihiin oo kaliya aad ka ag dhawaato oo waheliso, balse marka aysan kuu baahnayn iskuma kaa shiddeeyaan haddii ay ku salaamaan ayaaba nasiibsatay.
Marka dadka nuucaas ah in aad waqtigaaga ku lumiso ag joogistooda muhiimad kuuma lahan.
Mmusa 
                                                 8-Furaha xalka iyo dhibka.
Furaha dhinacna wax buu u xiraa dhinacna waxbuu u furaa, ficilkaas shayga samaynayo waa hal furo oo marka aad doonto waxaad rabto ku xiran karto marka aad doontana ku furan karto.
Ficilada ka dhasha falkaaga mararka qaar xalkooda wuxuu noqon karaa waxa abuuray dhibka oo aad fahamto waa sida furaha aan kor kuugu soo sheegay oo kale.
Balse marka aad jahwareerto adiga oo furaha xalka dhibkaaga gacanta ku haysta aad raadiso fure kale waligaa ma helaysid xalka, maxaa yeelay, dhibka waxa abuuray ayaa noqon kara hadana xalkiisa.
Mmusa 
                                                  9-Dhibka iyo xalkiisa 
Dhib xalkiisa marka la doonayo haddaan laga soo bilaabin dawayntiisa meesha uu asalka ka yimid oo saldhiga u ah xanuunkiisa ma dhamaanayo.
Waa laga yaabaa in aad qarsato xanuunka oo waad qarsan kartaa, balse taas waxba kama baddalayso xaqiiqda ah in aad tahay Dhibane xanuunsanayo.
Dhibkaaga ma dhammaanayo ilaa aad fahamto cilladda meesha ay ka jirto.
Mmusa 
                                               10-Xaaladaha Nolosha
Xaalad walba oo nolosheena inaga ayaa samayna hadana xaaladahaa ayaa u kala baxa mid aan jecelnahay oo ku raaxeesano wahesheeda iyo mid aan dhibsano oo mararka qaar marka ay nagu raagto aan la ooyno ama la taahno.
Hadaba maadaama xaaladaha oo dhan ay ka abuurmaan sabab ama ficil aan inaga samaynay, miyaanan u baddalan karin xaaladda xun mid wanaagsan?
Dareen walba adiga ayuu kaa yimaadaa, qiimayn yar isku samee marka aad wanaagsantahay oo dhoola caddaynayso, waa isla adiga oo fahamsan in xaaladdaas aad samaysatay waana garansantahay, balse marka xaalad xun aad dhex jibaaxayso maxaa kuu diidayo sida wanaagsan in aad samaysatay aad u fahamtay in xumaantana aad adiga samaysatay awoodna aad u leedahay in aad iska baddasho.
Dib aan u fakarno oo fahano waxa inaga hallabay aana is waydiino sababta ay nooga hallaabeen, xitaa taas haddaan isku fakar ka noqon wayno isku fakar waan ka noqon karnaa in aan waxa hallaabay hagaajisano inaga oo is waydiin sidee?
Mmusa
                                                         11-Garashadaada.
Waxay dhaheen aqbalaadda uu qofku aqbalo garashadiisa inta ay la egtahay waxa ay u suura galisaa in uu meel fog gaaro.
Dabcan wax walba xad ayaye leeyihiin adigana xad ku celiya oo aadan ka bixi karin haddaad ogtahay in aad leedahay dadka xudduudahooda ayaga ayaaba kuu furaya oo kugu soo dhaweynaya, sidaas darteed, noloshaada waa u muhiim in aad fahamsantahay waxa aad tahay, ujeedadaada iyo waxa aadan lahayn ee codsiga kaa mudan.
Mmusa 
                                                             12-Ma meeleyn kartid .
Dhabta nolosha waa mid muuqata iyo mid aan muuqan, inaga Baniaadam ahaan cilladdeena ayaa ah in mar walba aan dhab u naqaan waxa noo muuqda ee aan taaban karno, balse, waxaas waxaa ka muhiimsan dhabta aan inoo muuqan, tusaala ahaan Waqtiga.
Waad meelayn kartaa noloshaada kale dhabteeda inta muuqato oo dib waad u habaysan kartaa, balse dhabta aan muuqan sida Jacaylka, Waqtiga, Cibaadada iyo xaqiiqaha kale ee nolosha dhamaan ma meelayn kartid, hadana waa waxa ugu daran ee mar walba aan dayacno.
Hadaba aan kala garano dhabta noo muuqata muhiimaddeeda iyo tan aan noo muuqan muhiimaddeeda.
Mmusa 
                                                              13-Fahamkooda.
Wax walba fahamkooda wuxuu wanaagsanaadaa marka si qoto dheer loo dhuuxo ama loo ogaado, xita hadalka idinka dhaxeeya qof aad wax wadaag tihiin haddaad sugto oo si qoto dheer u fahanto waxaa laga yaabaa in isla markiiba aad fahamto ujeedada iyo farriinta uu soo dirayo qofkaas qalbigiisa.
Marka waxaa nala gudboon wax walba oo na quseeya in aan si hoose u fahano ama u eegno ka hor inta aan sharraxaad ka bixin ama go’aan aanan ka qaadin amaba aan xukmin.
Waa in aad fahantaa waxa aad sharraxayso.
Waa in aad fahantaa waxa aad go’aanka ka gaarayso.
Sidoo kale waa in aad si hoose ama qoto dheer u ogaataa ama u fahamtaa waxa aad doonayso in aad xukmiso.
Mmusa 
                                                        14-Qurux raadi
Wanaaga, quruxda, waxa macaan, intaa oo raadintooda mar walba hadafkaagu yahay macna ahaan waxay ka dhigantahay xitaa haddaadan ku guulaysan in aad wada hesho ama qaarkood aad hesho ama aadan wada helin, ugu yaraan waxaad sal dhiganaysaa meesha ay daganaayeen, bal cabir qurux, wanaag, iyo wax dhadhamaya oo macaan meesha saldhigoodu yahay adiga oo dagay.
Waa rajo runtii ku tusaysa xitaa haddaadan helin in ugu yaraan meel aad ku sugato oo aadan ku qadayn aad saldhigatay.
Xikmadda qormada wanaag qurux iyo dhadhan wanaagsan raadi, haddaadan helin xitaa halka ay dagan yihiin oo mar walba ay imaanayan ayaad dagaysaa kumana qadaysid.
Mmusa 
W/Q: Mohamed Musa Noor
ekisyare@hotmail.com                                            
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN