XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 105aad

                                               1-Shantan qof noloshaada ka fogee.

1-Qof u arka musiibadiisa imtixaan wax lagu barayo taadana u arka cuquba aad gashay.

2- qof u arka qaladkiisa dadaal uu sameeyay abaal marina ku mudan kaagana u arka dambi mudan in lagugu ciqaabo.

3- qof kugu gafay hadana sugaya raali galintaada oo aaminsan in ay tahayba in aad isaga ka raali galiso gafka uu kugu gafay isaga oo aaminsan in gafkaas sababtiisa aad leedahay.

4- qof aad iska cafisay oo hadana aaminsan in aad ka cabsanayso.

5- qof aad iska indha ama dhaga tirtay xumaanta uu kugu sameeyay hadana ku mooda in aad tahay mid dansan oo waxba garan, micnaha nacas ama dabbaal.

Mmusa 

                                                            2-Beero

Xubin walba oo jirkaaga ka mid ah waxbey beeri kartaa, fadlan wax wanaagsan oo dhaxal reeb fiican u noqon kara naftaada, aakhiro iyo adduun iyo dadkaba noo beer.

Mmusa

                                                      3-Qalbiga iyo indhaha
Qalbiga wax ka jeclow indhaha maya, maxaa yeelay, qalbiga qofka uu jeclaado dadka ugama darsamo laakiin indhaha waa kuwa raac raaco quruxda, quruxna ma xadidna.
Mmusa 

                                                      4-Nolosha isma baddasho

Nolosha isma baddasho ee qofkeeda ayaa is baddala, sidaa darteed aqbal in qof walba sida aad mooday uusan noqon karin.
Mmusa 

                                                          5-Naftaada baddal.

Si aad noloshaada u baddasho waa in aad i baddashaa naftaada.
Si aad naftaada u baddasho waa in aad baddashaa qaabka aad u fakarto.
Mmusa 

                                                          6-Walwalka.

Walwalka natiijada nolosha waxba kama baddalo

Furaha horumarka.

Furaha horumarka waa cabsida oo la iska saaro.

                                                      7-Subax walba 

Subax walba oo waagu caafimaad kuugu baryo waa fursad cusub oo aad ku sixi karto wixii kaa khaldamay.
Mmusa

                                                    8-Laba xanuun.

Laba xanuun ayaa jirta
Xanuun ku xanuujiya oo ku dhaawaca
Iyo xanuun ku baddala gabi ahaanba.
Mmusa 

                                              9-Dadku way is baddalaan.

Dadku way is baddalaan xitaa iyada oo laga yaabo in aysan u diyaarsanayn is baddalka.
Mmusa 

Niyad jabka wuu ku baddali karaa.

Niyad jabku wuu ku baddali karaa balse taas macnaheeda maahan in uu kuu baddalaa dhanka xun.
Aqbal niyad jabka kugu dhacay ugana faaidayso in aad u baddasho khibradda aad ka heshay si xikmadaysan.
Mmusa 

                                                   10-I quruxso 

Wax iga galay ma jiraan quruxdaada, heerka noloshaada, dabacsanaantaada, laandheeranimadaada, waxa hanti ah ama caafimaad ah oo haysato anna aanan haysan, qaabkaaga iyo midabkaaga, diintaada iyo luuqaddaada, xitaa magacaaga.
Waxa i farxad galiya oo igu kaa shuqliya ayaa ah Akhlaaqdaada, run sheegaaga, fakarkaaga wanaagsan, naxariistaada, ruuxdaada wanaagsan, adabtaada, iyo Aadnimadaada, qalbi jileecaaga marka xaaladdu adagtahay sida aad uga soo dhalaasho.
Aniga waxaan ku dhihi lahaa i quruxso aan ku quruxsadee.
Mmusa 

                                                  11-Muslim akhlaaq xun.

Muslim Akhlaaq xun waxaa ka wanaagsan Gaal Akhlaaq wanaagsan.

Yeysan ku nicin
Sifooyinka Dumarka ay Raga uga tagaan xitaa ayaga oo jecel.
1in uusan ahmiyad badan siin. 
2 in uu been badan yahay.
3 in uu aad jilicsan yahay ama adagyahay.
4 in uusan naxariis lahayn
5 in uu Bakhiil yahay 
6 in uu mar walba la barbar dhigo dumarka kale oo wey kaa fiican yihiin dhaho.
7 gacan qaadkiisa oo bata.

Maskaxadaada.

Maskaxdaada waxa ku jira waa baddali kartaa balse waxa laabtaada ku jira marnaba ma baddali kartid.

Sababta is baddalka
Sababta is baddalka qof kale waa noqon kartaa balse qof, qof baddali kara ma jiro.
Mmusa 

                                           12-Waa nidaam
Is baddalku waa nidaam socda ee ma ahan dhacdo iska dhacaysa ama dhacday.
Mmusa 

                                                13-Xusuusnow baddalka naftaada.

Inta aadan isku dayin in aad qof baddasho xusuusnow sida ay u adagtahay in naftaada aad baddasho.

Mmusa 

                                                      14-Marmarsiyo dhaaf.
Marmarsiyada iska dhaaf ee is baddal keen noqo, ama is baddalka raac.
Mmusa 

                                               15-Is baddal kuguma soo dhaceen.
Haddii aadan noloshaada caqabad kala kulmin, is baddal kuguma soo dhaceen mana samayseen 

Sababta
Wax walba ilbiriqsi ayey isku baddali karaan wax walbana sabab ay isku baddalaan ama u dhacaan ayaa jirto.
Sababta cid fahmi karo oo aan Alle ahayn.
Mmusa 

                                            16-Awooda naftaada.

Awoodda aad naftaada ama qof kale naftiisa ku baddali karto waa lagugu dhalay ee ha iska dayicin.
Mmusa

                                                  17-Xusuusta isma baddasho
Ma taqaanaa sababta xusuusta wanaagsan mar walba loogu mintido in aysan lumin? Sababta waa in ay tahay xusuusta waxa kaliya ee aan is baddalin, balse, qofka lala sameeyay uu is baddali karo.
Mmusa 

                                               18-Dunida iyo farxaddaada.
Farxaddaada dunida ku baddale ee dunida yeysan baddalin farxaddaada.
Mmusa 

Adiga bilow
Is baddalka aad la rabto dunidaada waa in uu adiga kaa bilowdaa marka hore.
Mmusa 

                                                 19-Waad kortaa
Waad kortaa ee qofka aad tahay iskama baddashid.
Mmusa 

                                              20-Sida ay doonaan ayey noqdaan.

Dadku sida at yihiin iskama baddalaan ee sida ay doonaan ayey noqdaan.
Mmusa 

                                                   21-Adiga ayey ku baddalaan.

Waxa aadan waxba ka baddali karin adiga ayey ku baddalaan.
Mmusa 

                                                          22-Aqbal ama baddal 
Waxa aadan aqbali karin wax waad ka baddali kartaa, balse waa in aad aqbashaa waxa aadan waxba ka baddali karayn.
Mmusa 

                                                         23-Xusuus iyo mustaqbal
Xusuustaada waa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato mustaqbalkaaga
muuqaalkiisa, balse mustaqbalkaaga muuqaalkiisa xusuustaada waxba kama baddasho.
Mmusa 

                                                          24-Wuu imaanayaa
Is baddalku mar walba wuu imaanayaa ma ahan in uu ku qasban yahay in uu yimaado ama uu isagu doonayo in uu yimaado ee waa in waqtigiisa ku haboon uu imaanayo.
Mmusa 

                                                               25-Gogol badis
Dadka qaar haddaad u gogol badiso xitaa isma baddalayaan waxna kuma qaadanayaan, mararka qaar waxaa haboon in qofka sida uu wax kuu dhadhansiiyo loo dhadhansiiyo si uu wax u dareemo.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN