XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 106aad

                                        1-Qaddar iyo doorasho.
Waxyaabaha qaar aad nolosha kala kulanto sida qaddarta waa in aad sidooda ku aqbashaa, maxaa yeelay wax awood ah kuma lihid, waxa aad awoodda ku leedahay wax ka qabashadooda waa waxa aad dooran kartid.
Waxaa loo baahanyahay in aad maskaxda ka shaqaysiiso oo kala ogaato waxa mudan u dhimashada iyo waxa aan mudnayn.
Mmusa 

                                                    2-Dhaxal
Wax walba is baddalkooda ayey wataan waa in aad uga tagtaa Dhaxal kuwa kugu issirka ah iyo kuwa adigaba jir ahaan kaaga soo go’ ay. 
Dhaxalka aad ka tagayso wax walba ayuu noqon karaa xitaa geed aad talaasho oo kuwa bari dhalan doono ay harsadaan ba Allaha ka dhigo.
Mmusa 

                                                     3-Mararka qaar 
Mararka qaar dadku waxay moodaan in aad is baddashay, balse adiga ma ahan waxa is baddalay ee waa qalbigaada oo dadka saamaynta leh ay ku yaraadeen.
Mmusa 

                                                     4-Qof iyo Nolol.

Haddiiba qof isku dayayo in uu baddalo qaab nololeedkaaga markaas uma qalantid in aad qaabishid qofkaas qaabka uu wax kuu tusayo.

Mmusa 

                                              5-Is baddal aan lagu farxin 

Isbaddalada aan ku farax galin marka ay dhacaan waa markaas aad nolol run ah ku nooshahay waxayna ku xirantahay sida aad u qaabisho is baddalkaas.
Mmusa 

                                                      6-Baddal.

Marka aad baddasho sida aad u fakarto ayaad baddali kartaa dunidaada.
Alvin Toffler

                                                        7-Diin ka baxa
waxay wariyeen in Xajaaj bin Yuusuf (661-714) oo ahaa guddoomiyaha Ciraaq uu maalin maqlay wiil reer miyi ah oo akhrinaya suuradda quraanka ah ee ‘An-Nasr ama Idaa Jaa” oo u akhrinaya “Marka ay timaaddo guusha Alle iyo furashadu, oo aad aragto dadka oo diinta koox-koox uga baxaya/اذا جاء نصر الله والفتح ورأيت الناس يخرجون من دين الله أفواجا”.

Xajaaj wiilkii wuxuu ku yiri: war sidaad u akhrisay sax ma aha ee waa: “Dadka oo diinta koox-koox u galaya /يدخلون في دين الله أفواجا”, wiilkiina wuxuu ugu jawaabay: sidaas waxaa loo akhrin jirey ka hor intii adiga iyo kuwa kula midka ahi aydaan xukunka qaban. Laakiin intaad talada qabateen dadku diinta waa ka cararayaan/yaacayaan.
Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

                                                     8-Naftu
Naftu sida jirku u daalo oo kale bay u daashaa ee u raadiya xikmad ay ku nasato.”.
Cali Bin Abiidaalib

                                                  9-Maah maah

Abeeso dhul u ekaan bay kugu dishaa, wadaadna Dad u ekaan
Xigasho.

                                    10-Seddaxda qaab ee uu banii’aadamku u noolaado
Banii’aadamku  wuxuu u noolaan karaa saddax qaab oo aad u kala giddisan: (1) qaabka xoolaha (2) qaabka caqliga iyo (3) qaabka iimaanka dhabta ah. Dadka ka tirsan qaybta koobaad waxay ku tilmaaman yihiin is dulmin, ad adeeg, cuqdad, masayr, caadifad xad dhaaf ah iyo ku raali ahaanshaha waxyabaha keena raaxada ku meel gaarka ah- temporary pleasures/ ملذات مؤقتة.

Qaybta labaad waxay aad u adeegsadaan caqliga. Waxay awood u leeyihiin in ay hagaajiyaan noloshooda, ayna xakameeyaan in badan oo ka mid ah waxyabaaha ay ku caan bexeen qolyaha koobaad. Hayeeshee, waxay ayaguna ku dabran yihiin oo kali ah dantooda muuqata iyo dadaalka la xiriira loollanka ay kula jiraan degaanka/ environment. Sida qolyaha koobaad, waxay raaxada ka helaan tartanka, guusha/guul darrida dadka kale iyo hanashada waxyabaaha muuqda/material things.

Qolada seddaxaad waxay ku nool yihiin heer ka yara sarreeya labada kale.  Waxay ku noolyihiin janno dhanka nafta ah, waqtina uma hayaan isjiijiidka ka dhexeeya dadka aan wali soo gaarin heerkooda. Dunidaan muuqaal ahaan way u joogaan, balse lama haystaan oo waxay ku mashquulsan yihiin caalamka kale ee xigi doona geerida; العارفين بالله  if you will.

Waxay quluubtoodu ka maran tahay xumaha iyo xiisaynta waxyaabaha maaddiga ah/ dhaldhalaalka (magac, sharaf, jago, dhaqaale…) oo ay ku mashquulsan yihiin labada qole ee aan horay u soo xusay. Heerkaan  waxaa soo gaara dad yar oo si toos ah uga yimaada marxalada koobaad iyo kuwa soo mara qaybta labaad (caqliga),  kadibna uga soo gudba qaybta seddaxaad.

Sababta ay diintu u soo degtay ayaa ahayd in dadka si fudud lagu gaarsiiyo marxalada seddaxaad, si ay markaa ugu noolaadan farxad joogto ah, dhib la’aan iyo isdaryeel لاضرر ولاضرار/  لكي لا تأسوا على ما فاتكم ولا تفرحوا بما آتاكم. Nasiib darro, in badan oo ka mid ah dadka ay diintu soo gaartay (iyo kuwa aan muslim ahaynba) waxay door bideen nolosha xoolaha, halka ay kuwa kalana caqliga ku ag kufeen. Shaki kuma jiro in ay qolada u soo gudubtay dhanka caqligu ka nolol wacan yihiin kuwa wali aan ka imaan nolosha xoolaha. Hayeeshee, nolosha qofku waxay micna buuxa yeelanaysaa markii uu ruuxu soo gaaro marxalada seddaxaad, inta ka horeysana waa ciriiri iyo cadaab aan dhamaan.
WQ/: Mohamed Adaani

                                                     11-Aadmiga
Haddii la damco in aadamiga hal sifo oo qura lagu tilmaamo, sifada ugu habboon ee ay tahay in lagu sheegaa, waa in uu yahay “Noole Diin leh oo wax caabuda”. Aadamigu markii uu garaadsaday wuxuu dareemay in uu leeyahay cadow badan oo welwel iyo baqdin ku abuura, sida; Col, Cudur, Gaajo, Gabow, Geeri iyo qaar kale. Wuxuuna ku qancay in uusan lahayn awood uu isaga difaaco cadowgaas faraha badan ee gabowga iyo geeridu ugu culus yihiin. 
Cabdisiciid cabdi Ismaaciil.

                                 12-Nolosha waa balanqaad ee oofi balanta aad qaadday.
Mmusa 

                                              13-Ku raaxayso
Waxaad haysatid ku raaxayso hadda waxna ka qabso, waa hubaal in ay noqon doonaan wax aad haysatay.
Mmusa 

                                        14-Mahdintaada yar

Mahdintaada yar waxaa laga yaabaa in ay sabab u noqoto in aad malaayin nimco siyaadsato.
Mmusa 

                                                     15-Baryada Alle 

Baryadaada Alle mar walba yeysan noqon in aad wax uga baahantahay oo kaliya,balse mararka qaar waa in ay noqotaa mid aad uga mahad celinayso nolosha iyo nimcada uu kugu mannaystay.
Mmusa 

                                                 16-Maarayso naftaada.
Qofka wax kuu diidaa u mahadceli sababta ma taqaanaa? wuxuu kugu dhiiri galiyay in aad naftaada baahideeda maareesato qofna aadan u baahan.
Mmusa 

                                               17-Ku faraxsanow 
Ku faraxsanow in nolosha aadan wax walba ka haysan, waa laga yaabaa in aad igula yaabto balse waxaad ogaataa marka wax kaa maqan yihiin in jaanis uu kaa maqan yahay kaas oo kuu noqon kara qaraar aad wax ka barato iyo macaan aad ku faraxdo, marka haddii wax kaa maqan yihiin micnaheeda waa in wali wax kuu dhiman yihiin, balse haddii aysan waxba kaa maqnayn noloshaada waa macna beeshay.
Mmusa 

                                              18-Murugada
Murugada yeysan mahanaqa kaa maahin, maalin walba waxay u dhaxaysaa murug iyo farxad.
Mmusa 

                                               19-Subax walba

Subax walba marka aad kacdo ka mahadnaq jaaniska laguu siiyay in aad maalin kale noolaato maxaa yeelay, dadka qaar jaaniskaas ma haystaan.
Uga faaiidayso maalintaada in aad saxato wixii kaa khaldamay shalay iyo darraad, barina wanaajiso si aadan u shallaayin.
Nolosha waqti walba ayey kaa dhamaan kartaa ee uga faaiidayso waqti walba sida uu kuu soo maro.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                             xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN