XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 107aad

                                              1-Ku mashquul.

Dadka qaar maba fahamsana nimcada ay haystaan, ka mahdi inta aad haysato diiraddana saar xisaabintooda, inta aad ku mashquuli lahayd wax aadan haysan.

Mmusa 

                                              2-Qof kaa oohisiiyay

Qof kaa oohisiiyay looma ooyo waaba looga mahad celiyaa oohinta uu kaa oohiyay maxaa yeelay, wuxuu ku baray in uusan mudnayn in loo baahdo.
Mmusa

                                                       3-U dulqaado
U dulqaado caqabadaha nolosha aad kala kulanto waxba kuuma dhibayaan, waa laga yaabaa in ay ku xanuujiyaan balse, inta ay ku barayaan oo adkaysi ah ayaa ka fiican xanuunka ay ku badaan.
Mmusa 

                                                   4-Xaalad iyo xeelad
Macnaha dhamaanteen la iskugu keen dhex abuuray ayaa ah in aan wax iska barano, qof walba xaalad iyo xeelad u gaar ah ayuu leeyahay, waana intaas inta dunidu ku wareegaysato.
Mmusa

                                                       5-Mahdin

Qof walba oo faraxsan micnaheeda maahan in uu mahdin badan yahay, laakin kuwa mar walba mahdinta badan waa kuwa farxad badan.
Mmusa 

                                              6-Dareen jacayl.
Ha dareemin xumaan iyo shallaayto haddii jacaylkaaga uu qaldamay, maxaa yeelay xitaa imtixaanka marka aad su’aal jawaabteeda qaladdo waxaad sii garataa su’aashaas oo mar dambe ma qaladid, sidaas si la mid ahna kuma qaldamaysid mar kale dareen jacayl.
Mmusa 

                                               7-Dadka qallafsan.
Dadka qallafsan ee nolosha aad kala kulantay waxay mudan yihiin in aad ka mahadnaqdo, maxaa yeelay waxay ku tuseen in nuucooda in la ahaado ay xuntahay.
Mmusa

                                           8-Ka mahadnaq
Waqti walba oo wanaagsan iyo mid xun, waqti walba oo quruxoon iyo mid fool xun ba, dhamaan waa kuu nimco ee ka mahadnaq.
Mmusa 

                                      9-Duni aan ku farax galin.
In wax badan oo shar ah aadan maqlin xitaa waxay mudantahay in aad ka mahad celiso maxaa yeelay, taas waxay la mid tahay in lagaa fogeeyey duni aan ku farax galin.
Mmusa 

                                               10-Tusaale yar

Tusaala yar oo ku dareemi kartid nimcada aad haysato ayaa ah in aad isku daydo in daqiiqad aad indhaha isku qabato kadibna kala furtaa markaas ayaad fahmi karaysaa inta kula midka ah ee aan jaaniskaas helin ama soo marin.

Mmuss 

                                             11-Dhibka ku haysta
Dhibka ku haysta xisaabintiisa inta iska dhaaftid ku mashquul inta dhib ee lagaa badbaadshay.
Mmusa 

                                                       12-Badi mahadnaqa

Inta badan uu mahadnaqaagu bato waa inta badan oo laguu siyaadiyaa nimcada.
Mmusa 

                                                13-Waxa aad heshid.
Haddii aad runtii tahay qof mahadnaq badan waxaa wax ka bixinaysaa waxa aad heshid.
Mmusa 

                                                   14-Waxaan kugu ogahay
Maanta mahadnaqa Eebe ayaan kugu ogahay baritana shaqa adag iyo baryadda Alle ayaan kugu ogahay.
Mmusa 

                                                       15-Ku dadaal
Ka mahadnaq waxa aad hadda tahay kuna sii dadaal waxa aad jeceshahay barito noqoshadooda 
Mmusa 

                                                       16-Waqti qaado
Marka ay wax kaa halaabaan waqti inta qaadatid oo xoogaa xisaabtantid ka mahad naq inta badan ee wax kuu saxan yihiin.
Mmusa 

                                                       17-Nolosha oo dhan
Nolosha oo dhan waa in aad ka mahad naqdaa khayr iyo shar waxa aad kala kulantidba.
Mmusa 

                                                        18-Damacaaga
Damacaaga oo dhan in aadan wada heli karin ayaa suurowda, balse, waxa aad haysato in aad ka mahad noqdo ha hilmaamin.
Mmusa 

                                                           19-Dooro farxad
Mar walba waad faraxsanaan kartaa haddaad doorato, ka mahadnaq nimcada lagu siiyay.
Mmusa 

                                                     20-Baryada badi
Waa laga yaabaa in wax walba oo noloshaada ah aysan ahayn sida aad rabtay balse ha hilmaamin in inta aad haysato aan la wada haysan, sidaas darteed, ka mahad celi waxa aad haysato waxa kaa maqana baryadooda badi.
Mmusa 

                                                           21-Mahadnaq
Maalin walba waxaan baranaa qiimaha waqtigu leeyahay, qaarkeena maba helaan jaaniskaas ee mahadnaqaaga ku aaddan fursadda laguugu deeqay ha bato.
Mmusa 

Ha nicin 
Ha nicin kuwa ku neceb balse hareerahaaga ka dhowro.
Mmusa 

                                           22-Jacaylkaaga ha bato.

Ma jiro qof ka nadiif ah xumaan oo dhan iyo qof aan qaldaminba, haddii dadka aad isaga fogayso qaladkooda iyo xumaanta ay xun yihiin darteed waa hubaal in aad kali ahaanayso, sidaa darteed, xukmintaada ha yaraato, jacaylkaagana ha bato.

Mmusa

                                       23-Naftaada daacad u noqo.

Haddii daacadnimada Dadka aad daacad u noqoto ay ku dhibayso, ugu yaraan in aad naftaada daacad u noqoto yeysan ku dhibin.

Mmusa 

                                             24-Been ha ii soo dhawayn.
Haddii beentu tartan la galo ahaan lahayd waan hubaa in aan kan ugu dambeeya ee guuleysta noqon lahaa, been ha ii soo dhawayn.
Mmusa 

                                                 25-Been macaane
Ka door bid been macaane mid runlow ah hadana xumow.
Mmusa

                                                   26-Dhalanteed
Intaa aad yeelan lahayd asxaab iyo ehel badan oo dhalanteed ah, waxaa kuu wanaagsan in aad kaligaa iska ahaato.
Mmusa 

                                                  27-Waa Caddaalad darro.

Qof daacadnimo wax kuu su’aalay in aad jawaab daacadnimo ah siin wayso waa caddaalad darro.

Mmusa 

                                                     28-Dabeecad iyo dhaqan
Dabeecaddaada iyo dhaqankaaga dhabta ah in lagugu naco ayaa ka khayr roon inta lagugu jeclaan lahaa dhaqan iyo dabeecad aadan lahayn.
Mmusa 

                                                    29-Run ku hadal
Ha ka xumaan run aad sheegtay dhib ay geesatay, mar walba run ka hadalkaaga waa dhab ahaanshahaaga.
Mmusa 

                                                  30-Run iyo xaqiiq 
Qofka runta kugu naco waa qof aan rabin in uu dhabtaada ama xaqiiqdaada ogaado.
Mmusa 

                                                  31-Hadal dhaqan
Qofka mar walba waxa uu dhaqan ahaan ugu hadlo waxaa la dhihi karaa waa waxa calooshiisa ku jira.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN