XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 108aad

                                         1-Sax iyo dhab
Qoku mar walba ma saxnaado.
Qofku ma walba dhabta ma haleelo.
Qofka dhabta haleelo in uu saxan yahay kama dhigna.
Qofka saxana in uu dhabta ku taagan yahay la macna maahan.
Mmuss 

                                           2-Marka xaalku cuslaado.
Marka xaalku kugu cuslaado iyo marka aad xanaaqdo ayey soo baxdaa shaqsiyaddaada dhabta ah, marka wax walba okey kuu yihiin laguma garan karo.
Mmusa 

                                   3-Adiga oo adiga ah
Adiga oo adiga ah ayuu qalad kaa dhici karaa, taas macanaheedase maahan in aadan isla adigii ahayn.
Mmusa 

                                                4-Sharaftaada
Mar walba muuji qofnimadaada dhabta ah, haddii aadan dadka ka gadi karayn dhabnimadaada markaas waxaad gadaysaa shaatigaada iyo sharaftaada.
Mmusa 

                                               5-Daacanimadaada.
Erayada afkaaga ka baxaya wax walba waad ku muujin kartaa balse ficilka iyo oofinta balanqaadkaag ayaa caddeeya haddii ay run kaa yihiin iyo haddii kale.
Qof jacaylkaaga waad ugu caddayn kartaa hadal iyo erayo macaan, balse, taas kama dhigna in aad daacad tahay, balanqaadkaag iyo ficilkaaga ayaa caddeeya jacaylkaaga dhabnimadiisa.
Mmusa

                                              6-Dhab iyo dhamaystir
Ha iska dhigin qof dhamaystiran oo waxba ka maqanayn, dhamaystirnaantu dhab maba ahan oo qof dhamaystiran dunidan laguma uumin, dunidana ma ahan mid dhamaystiran.
Dhabtu dhamaystir maahan, dhamaystrikuna dhab maahan.
Mmusa 

                                             7-Iska illow
Iska illow waxa aad maqashay oo garo waxna ku qaado waxaad aragtay.
Waa laga yaabaa in kutirikutayn badan aad maqashay, bilowga aaminaadaadana ha noqdo xaqiiqda marka aad taabatid.
Mmusa 

                                        8-Dhab iyo dhalanteed.
Qofka dhalanteedka ku nool qalad marka uu galo wuxuu kasoo qaadaa sida isaga oo waligiis qalad ka dhicin, balse qofka dhabta ku nool marka uu qalad galo wuu kasoo laabtaa raali galina wuu ka baxshaa sida ay doontaba xaaladdu ha noqotee!!
Mmusa 

                                      9-Daacadnimo
Daacadnimada uu qofku daacad ku noqdo marka uu kuu jeedo ma ahan Daacadnimo. Qofka daacadda kuu ah waa qofka marka aad ka maqantahay iyo marka uu kula joogaba daacadnimadiisu ay isku mid tahay.
Mmusa 

                                                 10-Rug caddaa
In aad daacad tahay una run sheeg badantahay naftaada waxay caddayn u tahay rugcaddaanimadaada.
Mmusa 

                                             11-Haka hadlin gadaal

Dadka gadaashooda haka hadlin, dareenka kugu jira mar walba la hortag qofka uu quseeyo wajigiisa, ama iska aamus.
Mmusa 

                                            12-Qofka aad dooratid noqo
Qofka aad dooratid la noolow
Ha noqon qofka laguu dooray noqoshadiisa maxaa yeelay, adiga ma ahan waa qof kale.
Hala noolaan qof laguu dooray maxaa yeelay waa nolol qasab ah, qof aadan ahayna qasab kuma noqon kartid.
Mmusa 

                                                         13-Xumow.

Mar walba iska ahow qofka aad tahay xumowba allaha ka dhigee, waayimaysid qof kuu qalma oo kugula qanca qofka aad tahay.

Mmusa

                                                       14-Dadka runta badan.

Dadka runta badan ee dhabta ku noolka ah calafkoodu wuxuu iska noqday in la naco doqomaduna ku farxaan!!!

Mmusa 

                                                15-Mararka qaar in aad is dhiibto

Mararka qaar in aad is dhiibto waa xaqiiq ku noolaanta inkastoo is dhiibistu aysan wax wanaagsan ahayn, hadana, waa garashada iyo fahamka waxa aad awooddo iyo waxa aadan awoodin.
Mmusa 

                                              16-  Ha u ogolaan.

Ha u ogolaan in qof kale uu kuu baddalo wax aadan ahayn maxaa yeelay adiga laguuma dhalin in aad kormeerto dabeecadaha dadka, hagaajisana, qancisaana.

Mmusa 

                                                         17-Ma u baahnid.

Ma u baahnid in qof walba kugula joogo wanaagaaga dartiis, waxaad u baahantahay in waxa aad tahay uu qofku kugula joogo, maxaa yeelay, waxaa tahay xaqiiq kolba dhinac u muuqata.
Mmusa 

                                                           18-Qof dartiis

Qof dartiis inta aad wax u noqon lahayd dartaa wax u noqo.
Adiga is ahow inta aad qof kale ahaan lahayd.
Mmusa 

                                                      19-Jiridda Geedka 
Geedka jiriddiisa waa saaxiibka ugu wanaagsan uguna dhabsan ee uu leeyahay, caleemihiisa saaxiib uma noqdaan waqtina waa la joogaan waqtina waa ka dhacaan, sidaas si la mid ah ayey dadka qaar kuu yihiin ee kala baro dadkaaga.
Mmusa 

                                                    20-Kaalmada.

Taageerada iyo kaalmada ugu wanaagsan ee aad bixin karto mar walba waa runta oo ku dadaasho iyo dhabta oo ku noolaato, labadaas ilaasho.
Mmusa 

                                                          21-Waligaa
Waligaa ha ka cabsoon in aad laabtaada ka hadasho maxaa yeelay, waa ujeeddada aad u nooshahay.
Mmusa 

                                                     22-Igu farax ama….
Runta waan kuu sheegi karaa mar walba balse, taas kama dhigna in aan ku farax galsho mar walba ama aad igu faraxdid!!!.
Mmusa 

                                                23-Dadka qaaliga kugu ah.
Dadka qaaliga kugu ah mar walba waa yaqaanan waxa aad doonaysid adiga oo u sheegin xitaa, dareenkooda ayaa mar walba kaaga la shaqeeya.
Mmusa 

                                            24-Ku faraxsanow 
Ha isku canaanan in muddo dad badan oo ehel ama asxaab run ah aad mooday ay kugu noqdaan kuwa been kugula noolaa.
Ku faraxsanow ugu yaraan in aadan ayaga ka mid ahayn oo ka mid noqon.
Mmusa 

                                             25-Wacnaan lahaydaa!!
Wacnaan lahaydaa in dadka sida lacagta been abuurka ah loo eego oo kor loogu qaado loo eego si loo kala garto kan dhabta ah iyo kan beenta ah.
Mmusa 

                                      26-Aaminaad, jacayl, runta
Aaminaadda badan shirqool aad ku dhimato ayey sababta.
Jacaylka badana dhaawac ayuu keenaa.
Runta ku noolowna nacayb laguu qabo ayey keentaa.
Mmusa 

                                              27-Runta diide!!
Dadka kuwooda mar walba ku andacooda in ay run jecel yihiin ayaa ah kuwa aan runta jeclayn, waxay sidaa u dhahaan oo kaliya in runta ay uga muuqasho weyntahay beenta ay ku nool yihiin.
Mmusa 

                                               28-Dadka dhabta ah 
Dadka been abuurka ku nool mar walba waxay ku dhex jiraan Xayndaab dhalanteed ah oo ay isku maaweeliyaan, balse dadka dhabta ku nool waxaas waxba kama galin xaqiiqda sida ay tahay ayey u aqbaleen uguna nool yihiin.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN