XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xf

XASIL OO ILA GARO.Qaybtii 14aad

DHOOLA CADDAYNTA

In aad dhoola caddayso micnaheeda maahan in aad faraxsanaato, ee waa muujinta kalsoonida naftaada iyo muujinta malaha wanaagsan ee aad Rabi ka rajaynayso, adiga oo mar walba ku nool in uusan Alle ku raja tirin, raja wanaagsana sugitaankeeda aad mar walba u saaxiib noqoto.

IRSAAQADDA

Haddii aad u fahamsantahay in irsaaqaddu ay tahay oo Kaliya Cunnada la cuno, hadaba waad khaldantahay, irsaaqadda waa wax walba oo aad u baahantahay nolol ahaan, Xoogaaga waa irsaaqad, Aragaaga waa irsaaqad, Caafimaadkaaga waa irsaaqad, Maalkaaga waa irsaaqad, wax walba oo aad u baahantahay ama damcayso ama aad wax ku qabsato waa irsaaqad, sidaa darteed, haddii aad baahantahay oo ka baahantahay cunnada micnaheeda maahan in aad irsaaqad weysay ama irsaaqadda lagugu dhibay.

Hadaba ha bato xamdigaaga micanaha ku shukrintaada Alle aad ku shukrinayso, ogowna in nimacadiisa ay hareerahaaga gabxantahay, balse dareenka aad ku arki lahayd uu kaa maqanyahay, hadaba, ku ducayso in uu Alle ku tuso nimcada uu kugu mannaystay kuna waafajiyo ku shukrintiisa, si uu kuugu siyaadiyo inta aad haysato.

KA MID NOQO KUWA IIMAANKU DEEQAY

Ka mid noqo kuwa iimaanku deeqay ee iftiinka subixii ay ula mid tahay ka mid ahaashiyaha kuwa ugu nasiibka badan ee dunida, kuna soo toosa subax walba farxad, oo warmoogayaal ka ah in ay jirto wax Murugo la dhahaba.

Way adagtahay runtii qof dareen leh in uu dadkaas ka mid noqdo, hadana waa Haddiyad uu Alle addoomadiisa ku mananaystay, in la dadaalo ayaana lagu gaari karaa ka mid noqoshada kuwa aan warba u ahayn in dhibaato iyo lur ay ka jirto nolosha dunida.

                                                        SIFADA DACIIFKA

Qofka daciifka ah sifadiisa waxaa lagu gartaa in uu yahay qof mar walba doonaya in uu ka aar guto kuwa isaga waxyeelada u geysta, Calaamadda aargudashada sideedaba waxay tilmaan u tahay in qofku yahay qof daciif ah oo aan aragti dheer lahayn.

 

                                                    SIFADA KARTIILAHA

Qofka kartida leh sifaadkiisa waxaa lagu gartaa in uu yahay qof saamaxaad badan micnaha cafis badan, isaga oo iska cafiya waxna aan u arkin garaafooyinka ay gaarsiiyaan Doqomada uu u turayo isaga oo ka aar gudan karo, hadaba, Aargutaha iyo Kartiilaha marnaba isku meel ma galaan, waa sida Dabka iyo Basiinka oo kale.

 

                                                        SIFADA CAAQILKA

Sifada Caaqilka waxaa lagu gartaa in uu iska indha tiro oo iska maaweeliyo wax walba oo aan munaafacaad u lahayn naftiisa, waxaa kaloo sifada Caaqilka ka mid ah in uusan garaafeyn ama dhib u geysan kuwa isaga kusoo xad gudba oo mar walba waa mid u taagan saamaxaad iyo is moogeysiin uu iska moogeysiinayo wax walba oo keeni kara in sifadiisa sharfan meel looga dhaco.

                                            DAGAAL WAXAA UGU XUN ………….

Dagaal waxaa ugu xun midka loo ekeeysiiyo in Xaq iyo Baaddil lagu dirrrayo iyada oo aysan sidaa ahayn, oo xaajadu tahay Xisbi xisbi kale la diriraya ama koox koox kale la diriraysa, ama Qabiil qabiil kale la diriraya sida aad rabto u dhigo.

Dagaalka xaqa iyo baaddilka ma u eka dagaalada kale waa dagaal nidaamsan oo ka dhowrsan wax walba oo xumaan ah, waa dagaal hadaf leh, waa dagaal jihada uu ku socdo aan laga liicin Karin, balse, midka magacayada badan ee maanta ina haysta waa mid qarshay xaqiiqda xaqa ay bulshadeena lahayd, bah’dilayna karaamada umaddeena.

                               SADDEX, SADDEX AYAA UGU WANAAGSAN

Dhoola caddeyn waxaa ugu qurux badan midda ku dhahda murugada “ma iga guuleysanaysid”.

Isku dayna waxaa ugu wanaagsan isku dayga ku dhaha guuldarrada “marnaba kuuma suura galayso in aan ka daalo isku dayga aan ku doonayo gaaridda Guusha”.

Hammina waxaa ugu wanaagsan midka ku dhaha raja xumada “marnaba damacayga ku aaddan gaaridda hadafka aan leeyahay dhulka ma dhigaysid”.

AWOODDA SHAQSIGA

Kartida shaqsiyadda micnaheeda maahan in aad noqotaa Macangag mara ku dhag ah oo meesha uu qabsado aan laga soo fujin Karin, waxaa kaloo kartida aan ka mid ahayn in aad ahaataa mid ku dhagan fikirkiisa shaqsiga ah.

Awoodda shaqsiga wanaagsan waxaa lagu sifeeyay in uu ahaadaa qofku, qof is baddal badan oo dhanka wanaagsan mar walba isku baddala tanaasulaadkiisuna ay badan yihiin marka waddada wanaagsan loo tilmaamo ama ay noqoto in laga sax san yahay.

                                                          YAREE FILASHADAADA

Mar walba raja xumada waxay ka dhalataa filashada ama doonista aad wax aad u doonto, ha yaraata filashadaada ama doonistaada ku aaddan waxa ay naftaada u baahantahay,markaas waad arkaysaa quruxda wax walba oo aad jeceshahay qiimaha ay leeyihiin.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN