XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 109aad

                                                          1-Dadka qaar 
Dadka qaar waa dhabta ku nool
Dadka qaarna waa wanaag ku nool
Dadka qaar waa been ku nool 
Dadka qaar waxay ku wanaagsan yihiin in ay beenta ku noolaadaan.
Mmusa 

                                                        2-Is ahow 
Adiga oo ku dhex nool duni doonaysa in wax aadan ahayn ay kaa dhigto haddaad garato in naftaada, waxa ay tahayna aad noqoto waa guusha ugu wayn ee nolosha aad ka gaartay.
Qaarkeen waxay dhintaan ayaga oo is waydiinaya yaan ahay?
Mmusa 

                                                          3-Xaqiiq jirta.

In aan xaqiiqo jirto nahay waan ku dhalanay kuna dhiman doonaa balse, in aad qalad ka nasahanay kuma dhalan mana naloo samayn.

Mmusa

                                                        4-Waad ku qasbantahay.

Waad ku qasbantahay mararka qaar in aad bulshada waqti ka qaadato si naftaada aad wax badan iskaga ogaataan.
Mmusa 

                                                          5-Fursaddu.

Fursaddu waa sida qorax soo baxaysa oo kale, haddaad sugiddeeda badsatid waa ku dhaaftaa, fursad lama sugo ee falkeeda ayaa la galaa.
Mmusa 

                                               6-Fakar aan ficil lahayn.

Fakar aan ficil lahayn macna ma lahan, qof walba fakar wuu leeyahay waxa la isku dhaafay waa ficilka

                                          7-Dadka qaar iyo guusha.

Dadka qaar guusha riyo ahaan ayey ku gaaraan kuwana ficil ahaan ayey ku gaaraan, labadooda midka aad tahay adiga ayaa garan kara.
Mmusa 

                                                     8-Is baddal

Hadal horumar laguma gaaro ee ficil ayaa lagu gaaraa, kuwa maanta kula qaldan ee aad eedaynayso waa kuwa ficil samayn ku dhex jira, marka qof ficil samayn wada qaladkiisa Af laguma saxo ee ficil kale ayaa lagu saxaa.
Wax is baddalaya ma jiraan ama dhacaya iyada oo aanan la baddalin ama la samayn.
Mmusa 

                                                         9-Waad cabsan kartaa

Waad ka cabsan kartaa ficil aad samayn lahayd natiijada ka dhalan karta, balse waxaad ogaataa haddaadan waxba samayn in natiijaba aysan jiri doonin dhanka ay rabtaba ha noqota’e.
Nolosha waa tijaabo natiijo laga helo,ha xumaato ama ha wanaagsanaato.

                                                     10-Hadaf yeelasho.

Hadaf yeelasho iyo ficil raacsiin lagu daray dadaal aan laga daalin waa waxa ku gaarsiin kara barta aad nolosha ka rabto in aad ka gaarto.
Mmusa 

                                                            11-Daacad

Daacad ayaan ahay afka haka dhihin fadlan haddaadan ficil ahaan u muujin karin.
Adiga lagugu dhahayana ha aaminin ilaa ficil ahaan laguu tuso.
Mmusa 

                                                          12-Dardaaran.

Dadaal, guul, is jacayl, u diyaar garowga Aakhiro, iyo Shaqo wanaagsan ayaan idinkula dardaarmayaa.

Mmusa 

                                                      13-Fursaddu waa wax la abuurto.

Fursadda waa wax la abuurto ma ahan wax iska yimaada, fursad inta ay isoo marayso ayaan sugayaa haddaad dhahdo micnaheeda waa qaddar ayaan sugayaa taas oo aadan aqoon waqtiga uu iman karo, sidaa darteed, ha sugin inta fursadda kaa soo marayso abuuro fursad.
Mmusa 

                                                     14-Xadkaaga nolosha.

Xadkaga nolosha waa inta aad rabtid in aad dhaqaaqdo oo kaliya, sidaa darteed, nolosha xudduudkeeda waa dhimasho inta kale adiga ayaa samaysta ee lamaba samayn.
Mmusa 

                                                            15-Ha sugin

Ha sugin inta xaaladuhu isi saxayaan, in aad bilowdo in aad wax saxdo ayaa abuurta xaaladaha wax ku saxmaan.
Mmusa 

                                                      16-Waxa aad jeceshahay.

Waxa aad jeceshahay u samee in aad jeceshahay dartood ee ha u samayn in aad ku qasbantahay samayntooda.
Marka waxa aad jeceshahay aad si niyad ah u qabatid waxaad abuurtaa ama yeelataa awood aan la hakin karayn.
Mmusa

                                                          17-Ficil samaynta.

Ficil samayta waa talaabo hore u qaadid ka dhigan in aad heshay assalka ama saldhig aad uga duuli lahayd gaaridda hadafkaaga.
Mmusa 

                                                        18-Niyad wanaag

Si wax kaste oo wanaagsan loo sii wado waa in niyad wanaag iyo aragtida wacan lasii wadaa.
Mmusa 

                                            19-Ficil ha samayn adiga oo xanaagsan

Xanaaq aad qabtid dartiis talaabo ama ficil ha u samayn maxaa yeelay, wax walba oo xanaaq loo sameeyaa waa wax aan laga fiirsan, wax aan laga fiirsana waa wax keena dhibaato.
Mmusa 

                                                            20-Ha dhagaysan.

Haddii qof qaab hadalkiisa aadan jeclayn haba dhagaysan.
Haddii muuqaalka qof uusan ku qancin haba eegin.
Haddii qaab dhaqanka qof uusan ku qancina niyaddaadaba ka saar.
Maxaa isku dhibaysaa ama qof wax uga sheegaysaa adiga oo sidan aan kor kusoo sheegay samayn kara?

                                                    21-Waqtiga munaasabka ah.

Waqtiga munaasabka ah ayaan sugaa isku maaweelintiisa inta iska dhaaftid adiga samayso waqtiga munaasabka kuu ah.
Mmusa 

                                                        22-Sida ay tahay ku aqbal.

Naftaada waa in aad sida ay tahay ku aqbashaa oo ku kalsoonaata ama waa in talaaba aad wax uga baddalayso qaaddaa.
Mmusa 

                                                    23-Inta aadan go’aan gaarin.

Inta badan oo go’aan qaadata waa inta badan oo waxa aad ku fakarayso aad ficil ahaan u samayso, mar walba oo talaaba ficil ah aad qaadana waxaad usii dhawaanaysaa fulinta riyadaada.
Mmusa 

                                                           24-Xusuusnow.

Xusuunow in dadku afcaashaada kugu xukminayaan ee aysan weedhaada xukminayn.
Mmusa 

                                                            25-Talaaba qaadistu.

Talaaba qaadistu mararka qaar waxay noqotaa been sida hadalka oo kale, fadlan jooji haddadan daacad u qaadi karin.
Mmusa 

                                                  26-Riyadaada haka waynaato.

Riyadaada haka weynaato cabsidaada, ficilkaaguna haka weynaado hadalkaaga.
Mmusa

                                                27-Shalay haddaad rabtay.

Shalay haddaad rabtay in aad ogaato, eeg xaaladdaada maanta, haddaad rabtid in aad ogaato ififaalaha mustaqbalkaagana eeg waxa aad maanta samaynaysid.
Mmusa 

                                            28-Qaddarta ha sugin.

Ma ahan in aad qaddarta yabooheeda sugataa, waa in aad abuurataa mustaqbalkaaga adiga oo hagaajinaya talaabooyinka aad qaadayso.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN