XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 111aad

                                     1- Riyadu waxay noqotaa hadaf.

Riyadu waxay noqotaa hadaf la gaari karo marka ficil la raacsho, balse hadafku qorshe ayuu u baahan yahay.
Waxay dhaheen hadaf aan qorsha lahayn waa iska riya ku nooli.
Mmusa 

                                      2-Inta filashadaada ahaan lahayd.

Inta filashadaada ahaan lahayd in is baddalku ka yimaado dad kale waa in uu adiga kaa yimaadaa ficil ahaan.

Mmusa 

                                        3-Masayr iyo Xasad.

Waxay ku dhahaan guul iyo khayr ayaan kuu rajaynaynaa, marka guul iyo khayr Alle ku siiyana way kugu nacaan oo Masayr iyo Xasad ayaa kasoo hara!!.

Mmusa 

                                      4-Guusha Nolosha.

Guusha nolosha waa sida gaari oo kale, kaas oo ku dhaqaaqo taayark lagu magacaabo shaqa adag iyo dulqaad, balse gaarigaas ma dhaqaaqi karo isaga oo helin shidaal lagu magacaabo kalsooni nafeed.
Mmusa 

                                           5-Shaqada nololeed.

Shaqada noleed ee ku hortaala kama weyna awoodda kaa damabayso oo Alle ah, sidaas darteed, kalsoonidaada Alle badi, wax walba wey kuu hagaagayaan hubanti.
Mmusa 

                                       6-Runta waa la wada jecelyahay.

Runta waanu wada jecelnahay qof walbana in uu runta ogaado ayuu jecel yahay balse, la yaabka wuxuu yahay in qof walba uusan doonayn in uu noqdo Daacad.
Mmusa 

                                               7-Hal abuuris.

Sirta nolosha ma ahan in aad wax ogaataa mar walba ee waa in aad la timaadaa hal abuurnimo, in naftaada aad mar walba wax u abuurto waxay ka qiima badantahay in aad mar walba wax ogaato.

Ogaalka hal abuurista ayaa ka qiima badan.

Mmusa 

                                          8-Jeclaanta maqluuqa.

Jeclaanta Maquulqa oo baahisaa waxay cirib tirtaa Nacaybka

Ha isku hallayn!

Isku hallayn la’aanta aadan isku hallayn dadka waxay gogosha u xaartaa in aadan niyad jabin oo murugoon, quusanna.

Mmusa 

                                             9-Sirta farxaddaada.

Sirta farxaddaada waa in aad samaysaa waxa aad jeceshahay markaas ayey guushaada timaada, wax walba sir ayey leeyihiin, guushaada sirteedana waa in aad jeclaataa waxa aad samaynayso.
Mmusa 

                                               10-Xalka Nolosha.

Xalka nolosha dhibaatooyinkeeda waxaa lagu xallin karaa iyada oo lala noolaa, ma ahan in laga cararaa ama la iska indha tiraa.
Mmusa

                                                        11-Sahan.

Safarka waa la sahansadaa si la mid ah nolosha marka aad raadinayso dhan walba ayaa laga dayaa meesha ay kugula qumanaato ayaa laga galaa, cillad lama eego, cillad xalkeeda waa xallin, waxaana xalliya cidda ay haysato.
Mmusa 

                                                     12-Laba laba.

Laba labo

Laba waa is qoysay 

Labana waa qar darraadday

laba waa qaadi wayday

labana waa qarqartay 

laba waa maqli wayday. 

Labada is qoysay, waa marka laga duqoobo labada indhood oo illintu ka daadato. 

Labada qar darraaday, waa labada saxarada ka timaada 

Laba waa qaadi wayday, waa labada lugood marka ay socodka gabaan 

Laba waa qarqartay, waa labada gacmood marka ay jareeyaan

Laba waa maqli wayda waa labada dhagood.

Mmusa 

                                                 13-Jihad dunida.

Dunida qaabka ay kuu soo wajahdo ayaa loola jahdaa, sheegasho iyo dhibsasho gadaal ayey kuu celinayaan ee waxba kama baddalayaan jihada ay dunida kuusoo wajahday

Meesha aad u socota ma taqaan?

Meesha aad u socoto ma taqaanaa? Waa muhim in aad fahamsantahay halka aad u socoto iyo waxa aad doonayso.
Mmusa 

                                                     14-Buundada nolosha

Marka adiga oo socdo aad laba buundo oo bidix iyo mididg u kala laabanaya aad kusoo dhex dhacdo go’aanka aad qaadato wuxuu ku geynayaa meesha ay buundadaas ku dhamaato, noloshaada waa sidaas oo kale, muhiim maahan in aad go’aan qaadato oo meel aadan aqoon ka dhacdo, waxaa muhiim ah in aad go’aan qaadato adiga oo og meesha uu go’aankaas kugu ridayo.
Mmusa 

                                                        15-Saamaxaadda

Saamaxaadda
Saamaxadda waa wax aan u baahanahay mar walba oo dambi galno balse, waxaa ka wanaagsan inta saamaxaad aad baryi lahayd hadhow dambe in aad ka fogaato wax walba oo kuu keeni kara in aad ku dhacdo gaf ama dambi.
Xaqiiqda noolaha ayaa waxay tahay in saamaxadda ay tahay waxa uu ugu baahi badan yahay marka uu gaf galo.
Ma jiro qof u baahan in uu dambi galo balse,  maadaama aysan ahayn mararka qaar mid aan koontarooli karno waxaa wanaagsan in aan ka dogtoonaano in aan ku dhacno dambiga.
Mmusa 

                                                         16-Waqtiga

Waqtiga wuxuu awood u leeyahay in marka uu rabo uu kor kuu qaado marka uu rabana dhulka ku dhigo, waxaase taas ka muhiimsan in aad awood ugu yeelato naftaada in aad mar walba kor u qaadi karto xaaladdu sida ay doontaba ha noqotee.
Waqtiga haddduu ku tuso in uu dhulka ku dhigi karo tusi adigana in aad kor uga kici karto.
Mmusa 

                                                          17-Maamule

Maamule

Maamule waxaad noqon kartaa markaad naftaada maamusho, balse naftaada maamulkeeda adiga oo si fiican u qabsan in aad damaacido maamulidda wax kale waa mid aad ku qaldantahay.

Maamul naftaada aad dadka maamule noqotidee.

Mmusa 

                                                                 18-Saddex
Saddex suubintooda waxay sugtaa in dadku ay kugu jeclaadaan.
Fadhigooda oo wanaajiso.
Nabad galya oo u muujiso.
Waxa ay jecel yihiin oo ugu yeerto.
Mmusa 

                                                                 19-Qofka dadka

Qofka dadka loogu jeclaado waa qofka ceebtaada astura.
Mmusa 

                                                        20-Ma ogtahay

Ma ogtahay in caddaantu aysan qurux ahayn, mase ogtahay in madoobaantu aysan ka dhignayn foolxumo.
Ma ogtahay in karfantu ay tahay mid laga cabsado haddana caddaan ah.
Mase ogtahay in kacbadu madow tahay balse qurux badantahay.
Ma ogtahay in qofka quruxdiisa ay tahay Akhlaaqda ee uusan muuqaalkiisu qurxin.
Ma ogtahay in raganimadu aysan ahayn Codkarnimo iyo Qayladheeri, haddii taas lagu noqonayo ragna uu Eeygu noqon lahaa Boqorka raganimada maadaama wax ka qayla badan ama dheer aysan jirin.
Ma ogtahay in Labnimadu aysan la macna ahayn is qaawin iyo cowro feedasho, haddii taas ay qurux noqon lahaydna Daanyeerta labka ah ay quruxdaas dhan qaadan lahayd.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN