XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor




                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 112aad
 
                                                       1-Caqabadaha
Caqabadda waa mid mar walba ku dareensiisa mas’uuliyadda noloshaada kaa saaran.
Nolol aan caqabad lahayn waa nolol guul darro, sidaa darteed, caqabadaha aad la kulanto yeysan kaa istaajin in aad horey u socoto, sababna yeysan u noqon in aad is dhiibto.
Nolosha sideedaba is dhiibis ma lahan, marka aad is dhiibtana waxay ka dhigantahay in aad dhimatay.
Mmusa 
                                                         2-Calafku
Wax walba sabab ay u dhacaan ayaa jirta waxa kaliya ee sabab la’aan dhaco waa Calafka.
Calafku waa mid ku qoran looxul maxfuudka yaala Carshiga Alle, isagu sababtiisa ma garan karno.
Mmusa
                                                        3-Kalsoonida
Kalsoonida laguma dhasho, kalsoonida waa mid lagu helo Qibrad iyo casharro laga barto dhibka iyo dheefta aad nolosha kala kulanto.
Mmusa 
                                                       4-Dareenka qalbiga
Noloshaada wax badan waad ka macnayn kartaa, wax badana waad ka dhihi kartaa, sida aad doontana wax waad u qeexi kartaa, balse marka ay dareen noqoto Eray ama hadal ama eray bixin ma cabiri karaan dareenka dhabta ah sida uu u muuqdo.
Dareenku waa mid qalbiga ka yimaadaa, sida qalbigu u qarsoon yahay ayuuna mar walba u qarsoonaanayaa.
Qeexidda la qeexo dareenka micnaheeda maahan in qalbiga si dhab ah looga soo tarjumay, hubaal in sida loo dhahay ay wax ka dhiman yihiin .
Mmusa 
                                           5-Farxadda iyo macaankeeda.
Farxadda macaankeeda waxay timaadaa marka ay is qaabilaan ama is raacaan damacaaga iyo riyadaada.
Mmusa 
                                                    6-Nolosha iyo jacaylka.
Nolosha iyo Jacaylka .
Nolosha marka aad daba gashid oo si xad dhaaf ah u raadisid hubaal in aad qatar badan ugu jirto naftaada in aad ku wayso amaba qatar badan oo dhinac walba kaaga timaada.
Balse jacayl marka aad raadisid mid ayaad ku qasbanaanaysaa tanaasul badan iyo balan furid badan maxaa yeelay, jacaylku wuxuu kugu riixaa in aad aqbasho wax badan oo aqbali lahayn, wax badan oo aadan qaadan lahayna in aad qaadatana wuu kugu qasbaa.
Mmusa 
                                             7-Labada nuuc ee Dadka
Dadku waa laba nuuc, qayb raja iyo damac ku nool ah iyo qayb qorshe iyo hadaf leh.
Midka aad tahay ama dooran lahayd adiga ayaa garanaya.
Doqonimo
Waa kuu doqonimo haddaad mar walba ka fakarto waxa dadku kaa maleeyaan ama kaa aminsan yihiin.
Mmusa 
                                                8-Ma dhacaan
nta badan 99% waxa aad ka walwalsho maba dhacaan.
Waxaan filaa in uu ku rajo galin doono qoraalkan maanta
Riyadu waa rajo 
Hal abuuriddana waa horumar
Hadafkaaga oo gaartidna waa shaqo kaamilantay.
In aad guusha u riyaaqdana waa niyad wanaag.
Mmusa 
                                                   9-Hadiyad Eebe
Wax walba oo aad haysatid ama dadka qaar dheertahay waa hadiyad Eebe, ku farax oo ka mahad celi.
Mmusa 
                                                       10-Noqo Duwane
Qofna ha ku dayan, qofna ha isla simin, qofna ha eegan, qofna yuusan ku hogaamin, noqo mid la yimaada wax ka duwan dadka waxooda mar walba.
Mmusa
                                                            11-Xanaaqaaga
Xanaaqaaga oo sharaxdid adiga oo muujin wuxuu albaabada u furaa in xal laga gaaro waxa aad ka xanaaqday.
Mmusa 
                                                           12-Fakarkaaga
Fakarkaaga waa qiimaha wax soo saarkaaga, qalad ha isku xisaabin marnaba si dareenka fakarkaaga uusan hoos u noqon.
Mmusa 
                                                               13-Xiisaha.
Xiisaha ama hillowga aad qof u qaado micnaheeda maahan in qofku kaa maqan yahay ee waa in aad u xiistay xusuustiisa iyo dareenkiisa.
Mmusa 
                                                             14-Qalbiga
Qalbiga iimaanku buuxiyay rajadiisa iyo riyadiisaba waa rumoobaan.
Mmusa 
                                                   15-Gafku qalad ma noqdo
Gafku qalad ma noqdo ilaa aad diiddo in aad saxdo, marka la sixi waayo ayuu gafku isku baddalaa Qalad, inta ka sokaysa waa Gaf.
Qofka dambiga lagu soo eedeeyo Dambiile lama dhihi karo ilaa lagu caddeeyo dambiga.
Marka dambiga lagu caddeeyo qofka ayuu qaadan karaa sifada dambiilanimada, sidaa darteed, qofka gafaa laguma sifayn karo sida qof qalad galay, balse marka uu gafkiisa kasoo laaban waayo ayuu noqonayaa qof qaldamay.
Mmusa 
                                                           16-Naftaada aamin
In qofku naftiisa aaminaa waxay albaab furmay u tahay in qofkaas uu noqon karo wax walba, balse marka uu qofku naftiisa aaminsanayn ayna harayso cabsi iyo xishood ay usii dheertahay kalsooni darro nafeed, qofkaa isagana wuxuu furtay albaabka ah in ay macquul tahay in uusan waxba noqon.
Aan si kale usoo gaabsho (marka aad aaminto naftaada waxaa furatay albaabada aad wax walba ku noqon karto, marka aadan lahayn aaminaad nafeedna waxaa iska xirtay waddada aad wax ku noqon lahayd.)
Mmusa 
                                                      17-Afka iyo uurka 
Afka wax kasta oo laga dhaho looma fasiran karo in qalbiga laga dhahay, mararka qaar erayada afka soo tufo waa kuwa afka kaliya ku eg ee aan ka tarjumayn waxa uurka kaaga jira.
Jumladan qoraalkan ma ahan mid qilaafaysa ama beeninaysa maah maahda Soomaaloyeed ee dhahaysa ” wixii uurka kaaga jira afka ayaa kaa xada”.
Mmusa 
                                                    18-Rajadaada badi.
Ma ogtahay in Qorax walba oo dhacda ay ka dhigantahay maalin ka go’day noloshaada, qorax walba oo soo baxdana ay ka dhigantahay mid kuu siyaadisa rajada nolosha.
Rajadaada oo badata micnaheeda waa in aad jaanis usii heshay in wax badan noloshaada kusii siyaadsato halka rajadaada oo yaraatana ay la mid tahay noloshaada oo gabaabsi sii ah.
Mmusa 
                                                  19-Dareenka aan tirmin.
Nolosha waa xusuus taas oo ka dhigan Dareen, waxa la xusuusto waa wax mar walba la dareemo, waxa xusuustooda kugu badantahay dareenkooda ayaa kugu badan.
Dareemada soo laabashadoodu ay badantahayna waa dareemada aan waligood tagin oo xusuuataada aan ka tirimin.
Mmusa 
                                                      20-Ma garan kartid.
Qofku ma garan karo waxa uu doonayo noloshiisa marba haddii uu ku nool yahay araa’da ama fikradaha dad kale.
Xaqiiqda nolosha waxay tahay in aadan garan karin waxa aad nolol ahaan rabto ilaa aad gabi ahaanba ka xorowdo wax walba oo gadaal kuu celinaya sida cabsida aad dadka ka cabsanaysid ama is waydiinta dadku maxay dhihi doonaan?
Mmusa
                                                     21-Ha u qaadan cadow.
Waligaa ha u qaadan dadka mucaarada fakarkaaga dad cadow kugu ah, mararka qaar waa dadka kuugu run sheega badan.
Ha noqon qof dhagaysta waxa uu jecel yahay oo kaliya dhinaca kale ee ku dhibaya isagana dhagaha u raarici in xaqiiqda ay ku jirto ayaa suurowdee.
Mmusa 
                        22-Saldhiga go’aankaaga.
Go’aankaaga saldhig ha uga dhigin talada dad aysan saamayn ku yeelanayn natiijada go’aankaaga ka dhalata.
Mar walba oo natiijada kaligaa aad wajahayso taladeeda si fiican ugu dhug yeelo.
Mmusa 
W/Q: Mohamed Musa Noor
ekisyare@hotmail.com                                            
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN