XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                      

Qaybtii 113aad

                                          1-Saldhiga go’aankaaga.

Go’aankaaga saldhig ha uga dhigin talada dad aysan saamayn ku yeelanayn natiijada go’aankaaga ka dhalata.
Mar walba oo natiijada kaligaa aad wajahayso taladeeda si fiican ugu dhug yeelo.
Mmusa 

                                                 2-Awoodaada.

Awooddaada ma garan kartid inta ay la egtahay ilaa aad tijaabiso, balse tijaabadaas ma ahan in ay noqotaa mid aad naftaada wax ku yeelayso ama dadka kale wax ku yeelayso.
Mmusa 

                                                   3-Naftaada caburi.

Naftaada si ay guul u gaarto waa in aad caburisaa oo wax badan ay jeceshahay aad ka xannibtaa taas haddii aad ku guulaysato hubaal adduun iyo aakhiraba waad guulaysatay.
Aan ku siiyo tusaala gaaban oo taa la mid ah, “shumaca wuxuu ku siiyaa diiranaan iyo iftiin balse inta uusan labadaas ku siin waa in uu isaga is gubaa oo isku dheecaama marka hore.
Mmusa 

                                                    4-Waxa nolosha cuuryaamiya.

Waxa kaliya ee noloshaada cuuryaamiya waa dhaqanka xun, iska hagaaji dhaqankaaga mar walba maadaama uu yahay addimaha ay noloshaada ku socoto.
Mmusa 

                                                               5-Haweentu.

Waxay dhaheen haweentu way garan kartaa wajiga ninka ay jeceshahay sida Badmaaxa u garan karo marka ay Baddu furantahay iyo marka ay xirantahay.
Mmusa 

                                                    6-Hadaf aan qorsha lahayn.

Waxay dhaheen hadaf aan qorshe lahayn waa iska rajo iyo wax la jeclaan lahaa in la gaaro ama la ahaado ee ma ahan mid la qorsheeyay in la gaaro.
Mmusa 

                                                    7-Ciyaarta

Waagii hore in la ciyaara cayb ayey ahaan jirtay qofka ciyaarana waxaa loo arki jiray qof aysan howl ka dhicin ama qof aan fakarin maantase waxaa cajiib leh in ciyaartiiba lagu tartamayo oo nolosha dhan ciyaar lagu soo koobay!!
Mmusa 

                                                      8-Ilaali waqtiga.

Waqtiga waa sida Qasnad ay kuugu jiraan wax walba oo muhiim kuu ah sida aad qasnaddaada u amaansan lahayd ama u ilaashan lahayd u ilaasho waqtigaada.
Mmusa 

                                                      9-Wax lumo

Qof wax haysta ayey wax ka lumaan qof aan waxba haysan maxaa ka luma waxba maba haystee.
Hadaba marka aad istiraahdo waxbaa kaa lumay ogow in aad wax haysatay oo qof fara maran aadan ahayn sidaas darteed, mar walba ku dadaal kasbashada wax badan si wax haddii ay kaa lumaan aad baddalkooda u haysato.
Mmusa 

                                                   10Nolosha waa sawir

Noloshu mar walba waa mid qurux badan ee waa adiga kolba sida ay u taal kan samaysta, haddii ay xuntahay adiga ayey kaa xuntahay oo iska xumeeyay haddii ay wanaagsantahayna adiga ayaa wanaajistay, nolosha waa sida aad u samaysato.
Waxay dhaheen nolosha waa sida aad u sawirato.
Mmusa 

                                             11-Qofna ha u sheegin dhibkaaga

Waxay dhaheen qofna dhibkaaga ha u sheegan, maxaa yeelay 20% dadka qaar maba daneeyaan arrimahaaga, 80% wayba ku raaxeestaaan maqalka dhibkaaga.

Mmusa

                                                    12- Quruxdaada

Quruxdaada carrabakaaga ayaa soo saaro, kaamilnaantaada caqligaaga ayaa soo saaro.

Mmusa

                                      13-Walwal micnhiisa waa waqti lumin.

Nolosha inta ay jirto wax wanaagsan iyo wax xunba waa dhacayaan, ma ahan in aad isku walwaliso wax aadan waxba ka baddali karin ama ka qaban karin.

Mmusa 

                                          14-Astaamaha ragu dumarka ku doortaan.
Marka laga hadlayo astaamaha raga ay ku dooran lahaayeen haweenayda ay naftooda ku aaminayaan ma ahan kuwa inta lagu soo koobi karo balse ilaa afar qodob oo aan is leeyahay saldhig ayey u noqon karaan ayaan ku qeexayaa qoraalkan.
Afarta waa Quruxda, Caqliga, Jirka, Daganaanta.
Marka laga hadlayo doonista raga ay dumarka doonaan waxa ugu horeeya ee la qeexo waa doonistooda galmada ku aadan, laakin taas run maahan, dabcan waa la dhihi karaa waa qayb ka mid ah qaybaha ay raga dumarka ku doontaan, laakin yaanan u baahnayn galmo? Ragu intaas ka badan ayey doonayaan oo afarta aan kor kusoo sheegay ayaa ugu muhiimsan 

1. Quruxda
Ragu dumarka quruxda badan aad ayey u jecel yihiiin, ha ka walwalin muuqaalkaaga, qasab maahan in aad u muuqato sida dumarka lagu xusho quruxda ee wax xayeesiiy.
Quruxdaada waa kalsoonidaada iyo qanaacadaada sida naftaada waxa aad u samayso ugu qanacdo ayaa quruxdaada ah.
Quruxda marka lagu xad gudbo qurux ma noqoto, qofka aad isku quruxinayso waxaa laga yaabaa waxa aad quruxda u aragto oo isaga ku qanci aad is leedahay in uusan quruxba u aqoon, qurxi quruxdaada si waafaqsan qanaacadaada.
Haddii aad indha qurxoontahay indha kuulo oo muuji quruxda indhahaaga.
Haddii aad luga qurxoontahay muuji quruxdooda, sidoo kale haddii aad tima qurxoon leedahay quruxudooda ugu raaxee. Hubi labiska guriga lagu joogo ee muujin kara qayb walba oo quruxdaada ah in aad ku labisato. Waad dareemi kartaa ayaan is leeyahay halka aan uga jeedo, ku shaqayso waxa aad haysato.
2. Caqliga 
Caqliga waa qurux, raguna waa kuwa u jajaban dumarka caqliga u saaxiibka ah, waxaa la dhahay haweenayda caqliga leh ninka guursadaa wuxuu helay dhaxal qiimihiisa wax u dhigmaa dunida aan laga heli karin.
Haweenayda caqliga leh waa tan aan ka aamusin qaladka ninkeeda ee miiska soo saarto mar walba xaqiiqda qaladkiisa iyo qaabkii lagu sixi lahaa.

3. Kalsooni jismi ama jireed.
Ragu waa kuwa ku indha daraandarmo dumarka jirka macaan ee qaab dhismeedkoodu aan laga jeesan karin.
Dhexda dhuuban ee lagu xiriiriyay salka dhuuban, gantaalada korana muuqooda yihiin kuwa kolba dhinaca aad ka eegto uu dhareerku bushimahaaga soo dhaafayo. Sidoo kale waa in maanka lagu hayo in ragu kala dookh duwan yihiin, dumarka ayaa laga doonayaa ragooda in ay si fiican u aqriyaan oo fahmaan nuuca dumarka uu ka jecel yahay.
Hubi in aad noqoto mid ku qurux badan dhar iyo dhar la’aanba kuna kalsoon qancinta ninka ay u dhaxayso ama u dhaxdo.

4 daganaanta waa qodobka ugu muhiimsan, qofka dumarka ah waxaa la gudboon maadaama issirka mar walba xanaaqa badan ama aamusnaanta badan ay iyada tahay in ay muujiso daganaan oo aysan ku dag dagin ficil soo dadajin kara in ay kala fogaadaan saygeeda ama gacaliyaheeda.
Daganaanta iyo fiirsashada dumarka leh waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwa ugu kalsooni iyo kasbashada badan, maxaa yeelay haddii aad dagantahay qaladkaaga ayaa yaraanaya, haddii lagaa qaldan yahayna qofka kaa qaldan isaga ayaa is garanaya, sababtaasna waxaa leh daganaanta.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Sababaha aamusiya dumarka
Waxaa jiro sababa qaar oo dumarku aamusnaanta ku maciin badaan iyada oo laga yaabo in qaarkeena ay u fasirtaan aamusnaantooda siyaabo kala duwan.
Raga qaar ma jecla aamusnaanta dumarkooda oo fasiraadda ay ka qaadayaan ayaa laga yaabaa in ay tahay mid aan wanaagsanayn.
Waxaa laga yaabaa in aamusnaanta xaaskiisa uu u qaato in ay murugaysantahay kadibna uu is waydiiyo sababta ay xaaskiisa la murugsantahay.
Iyada oo sidaa uga wal walayo ayaa laga yaabaa in ay la wadaagi wayso sababta aamusnaanteeda marka uu waydiiyo taas oo dareen aan wanaagsanayn uu ka qaado.
Rag aan aniga ka mid ah wayba xanaaqaan oo waxay u arkaan in wax laga qarinayo mararka qaarna dambi ayey dareemaan oo waxay is waydiiyaan in sababta aamusnaantaas ay ayaga leeyihiin .
Runtii waxaaba is dhahaa amaaba lagu quursanayaa, shibanaanta guriga dhexdiisa ay dumarka ku sameeyaan ma jecli markaas waxaaba i qabata in uga tago meesha ay joogaan, sababtana waxay tahay qof aamusan oo aad u jeedid in ay wax ka qaldan yihiin oo hadana waxba kula wadaageen aamusnaanta uun iska haysta waa wax lala yaabo.
Ninka ayey qusaysaa sida uu ku heli lahaa waxa sababay aamusnaanta xaaskiisa ama gacaladiisa markaas u calman, bal ha is waydiiyo waxa maskaxda lamaantiisa ka guuxaya ee ku riixaya in ay aamusto waxa ay yihiin.
Aamusnaantaas waxaa laga yaabaa in ay sababteeda tahay wax xun oo ku dhacay ama wax ay ka baqanayso in ay ku dhacaan ama xaalad adag oo aysan filayn oo soo wajahday taas oo aamusnaanta maciinisay.
Hadaba aniga oo dhanka wanaagsan wax ka fiiranayo ayaan is leeyahay waxaa jiro afar sababood oo dumarka aamusiyo.
1.Qalbi jabka.
Qalbi jabka waa mid ka mid ah xaaladaha tan ugu adag ee qof dumar ah ay marto, qalbigeeda waa mid jilicsan oo u dulqaadan karin wax jeexa ama dhaawaca marka ay taas dhacdana waa xaalad ay maciinsato aamusnaanta kalliftay qubashada illin ka daadata qalbigeeda iyo indhaheedaba.
Aamusnaata dumarka waxaa lagu tilmaamaa mararka qaar hab ay kula tacaamulaan xaaladahooda adag ee markaas ay dhex muquraan, dumarka aad ayey ugu adagtahay in ay caadi ula noolaadaan marka ay wajahaan furriin aysan filayn ama qalbi jab uga yimaadaa ninka ay jecel yihiin, sidaas darteed waxaa la dhihi karaa waa nooc ay kula tacaamulaan isku buuqa ay markaa wajahayaan.
Waxay go’aansan karaan in aysan hadlin si ay isku mootiyeena xusuusaha xun ee uga yimaada nolosha qofka ay jecelyihiin.

2. Wey daalantahay..
Aamusnaantooda mararka qaar waxay ka tarjuntaa daal ay dareemayaan, daalkaas oo dhan walba uga imaan kara.
Dumarka qaar marka ay xaalad daal ah ku sugan yihiin aamusnaatooda ayaa badan oo ma jecla in ay eray yar ama qab yar maqlaan.
Laga yaabee in aad tahay isha cabashadeeda ayna kugu daashay oo ay ka baaraan dagayso sidii ay noloshaada isaga soo gabagabayn lahayd.

3.laga yaabee in ay qanacsantahay.
Dumarka qaar marka ay qanaacadooda wanaagsantahay waxaa laga yaabaa in ay doortaan aamusnaanta ayaga oo ka raadinaya raaxo nafsaani ah.
Laga yaabee in aad la yaabto ama is waydiiso waxa ay ku dooratay aamusnaanta, xaqiiqda ayaasa ah in ay tahay okey oo wax ka maqan aysan jirin.
Dumarka marka ay qanacsan yihiin ama ay garan waayaan sida ay u qeexaan qanaacadooda ayey aamusnaanta miciin badaan balse, dumarka nuucaas ah dhoola caddayntooda ayaa caddaysa in ay haystaan qanaaco.

4.farkar dheer ayey ku jirtaa.
Haweenayda way go’aansan kartaa in ay iska aamusto iyada oo u sababaynayso in ay fakar dheer xaalad uga baahan ku dhex jirto, laga yaabee in aad markaas is waydoiso talow maxaa sababi kara in ay fakarkan dheer gasho marwadayda ama walaashey ama gacaladayda ? 
Waxyaaba badan oo kala duwan ayaa sababi kara in ay haweenku fakar qoto dheer galaan, tusaala ahaan laga yaabee in ay ka fakarayso mustaqbalkeeda ama hadafkeeda nololeed ama caruurteeda iyo xaalad kale oo ninkeeda kala dhaxayso.
Ugu dambayn dumarka aamusnaantooda uma wacna raga dareen fiicana kama qabaan ama kama qaadaan, waxaa wanaagsan in haddii xaaladda ay la aamusantahay aysan ahayn xaalad iyada ku qasbaysa in aysan qof la wadaagin waxaa wanaagsan in ragooda ay la wadaagaan si guriga lagu wada nool yahay xaaladdiisa ay u noqoto xaalad farxadaysan oo fur furnaan lagu wada nool yahay.
Ma dhahayo dumarka yeysan aamusin, aamusnaanta mar ay wanaagsantahay ayaa jirta, balse marka aamusnaanta ay ka dhex abuurayso qoyska qalalaase ama buuq waxaa u wanaagsan dumarka in ay ka tanaasulaan aamusnaantooda.

la soco Axad walba
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

e

SHEEKOOYIN