XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 114aad

                                                 1-Dumar iskuma roona!!!
Iyaga oo og in ay dhibtoonayso lana dhibtoonayso masayr daran ayey inta usoo galaan waliba gurigeeda ugu yimaadaan kula dhaga hadlayaan arrimaha naagta lala qaba, maqalka xaaladda naagtaasna wuuu uga daran yahay madfac lala dhacayo wadnaheeda.
Xaqiiqda ayaa waxay tahay in dumarkeena soomaaliyeed ay u baahan yihiin wacyi galin badan oo lagu tusaalaynayo sida ay u wacantahay in ay isku qaddariyaan iskuna dhowraan, maxaa yeelay waa ayaga dhibanayaasha dhabta ah ee xaaladaha qoyska ka dhex dhaca.
La yaabkayga ayaa wuxuu ahaa markii aan arkay laba dumar ah oo la hadlaya marwo ay markaa gurigeeda marti ugu ahaayeen, sheekada ay markaa kala hadlayeena ay ahayd mid ay aad u dhibsanayso marwada martida loo ahaa.
Wax kale ma ahayn waxa looga sheekeenayay waxay ahayd guusha gabar markaa lala qabay.
Ma ahan runtii wax wanaagsan wax aad ogtahay in qofku dhibsanayo in aad kala hadasho ama kusoo qaado, haddii qofka ay xaaladdu haysato uu isagu kula soo doonto waa gar markaa in aad gacan kasiiso sida uu u nafisi lahaa.
Dumarka in ay is kaashaadaan oo is dhowraan ayaan kula talin lahaa, xitaa haddii la isla qabo waxaa wanaagsan in ay is kaashaadaan maadaama ay wadaagayaan nolosha, qof walbana noloshiisa goonida u wato.
Muusa 

                                                     2-Wada xiriira.

Kala fogaaanta ma ahan tan dadka kal fogaysa ee kala aamusmaanta ayaa ah tan dadka kala fogaysa.

In la is hadlaa waa in la wada xiriiray, inta la wada xiriirayana waa la iska warqabaa xaalku sida uu doonaba ha u yaalee, balse marka uusan hadal jirin ma jirayo xiriir, ku dadaala in aad wada xiriirtaan si aad u wada jirtaan.

Mmusa 

                                                    3-Wada xaajoodka

Wada xaajoodka mar walba wuu ka sarreyaa ama ka fiican yahay muranka, maxaa yeelay muranka saldhigiisu mar walba wuxuu ku biya shubtaa yaa saxan ama qaldan, laakin wada xaajoodka ujeedadiisa ayaa ah in la helo waddada saxda ah.

Mmusa 

                                                         4-Ma tahay taad rabay?

Ragu mar walba waa kuwa ku jahwareersan baadi goobidda feerta ka maqan , micnha dumar tii ay ka dooran lahaayeen.

Qaar ayaa haasaawa badni ku baadi gooba, qaarna eegis badan, qaarna fara farayn badan, inta badan kuwa fara faraynta badan ma guulaystaan.

Waxaan isku dayaaya in aan wax badan ka iftiimayo astaamaha aad ku garan lahayd haddii ay taad rabtay tahay iyo haddii kale.

1. WAY KAA HESHAY. 

Is qarinteeda ayaa badan marka hore, dumarka waxay dabeecad u leeyihiin in ay is qaaliyeeyaan ayaga oo kuu baahan, haddii ay dhacdo ama aad aragto astaantan is qaaliyeenta ah waxaan kugula talin lahaa in marka hore aadan ku dag dagin jacayl ee aad xooga saarto la saaxiibiddeeda, saaxiibtinimo qoto dheer oo aad dulqaad ku muujinayso inta ay xeradaada soo galayso.

2.WAY KU DOORAN KARTAA. 

Si fudud ayey haweentu ku xulan kartaa ninka ay doonayso, mana ahan sida raga oo kale, midka ay doonayso si fudud ayey malaayiinta raga ah ee is dhex yaacaya uga soo saaran kartaa, waxaan uga jeedaa marka qof dumar ah ay wax kuula timaado waxaad ogaataa in aysan wax sahlan ahayn in qof dumar ah inta kusoo xulato hadana ay kuu dan sheegato, fadlan taas haddii ay dhacdo aqbal kuma dhahayo balse waxaan ku leeyahay dhug u yeelo oo dhagayso waa jaanjs wanaagsan, dumarka in ay ku jecel yihiin ayaa ka fiican in aad jeceshahay, marba haddii uu jecalyku qof ku hormarayo.

Marka qofka dumarka ah ay ku jeceshahay waa mid kuu riyaaqdo, waxayna kuu aragtaa sida aabaheed ama walaalkeed oo kale ama si ka sii korayso ayey kuu aragtaa.

3. WAY KU QADDARISAA. 

Eray walba oo dhagteeda aad ku dhibciso wuu u xisaabsam yahay, talada aad siisidna waa qaddarisaa, wixii kaa qaldamana waa kuu saxdaa.

4.WAQTI AYEY KUU SAMAYSAA.

marka ay dhab kuh jeceshahay waqti kuuma wayso isman mashquuliso waqti walba iyada ayaa diyaar kuu ah kaagana qanaaca badan in ay ku wehliso.

5. NAFTA AYEY KUU HURTAA. 

marka ay ku jeceshahay waddo walba oo ay kugu farax galin karto ayey samaysaa, taas oo ka dhigan naf huris, qofka haddii uu u taagan yahay mar walba qanaaca galintaada waa naf huris.

6.WAY KU DARYEESHAA. 

Badqabkaaga iyo daryeelkaaga waa muhiimaddeeda koowaad, waxayna jeceshahay farxaddaada iyo caafimaadkaaga in ay aragto mar walba.

7. WAA DEEQSIYAD.

waxay jeceshahay in ay kuugu deeqdo wax walba oo ay karto si aad u gaarto guul iyo farxad.

8. DUCADAADA KAMA DAASHO. 

Si qalbiyan ah ayey mar walba kuugu ducaysaa, waxayna Alle kaaga dalabtaa mar walba guul, dambi dhaaf iyo naxariis.

9.XUMAANTAADA UMA MUUQATO. 

Way ku jeceshahay wanaagagaaga oo kaliya ayey aragtaa, maqashaa, waqtiba uma hayso ay ku dhageesato xumaantaada.

10. DAACAD AYEY KUU TAHAY. 

Dumarku uma furaan qalbigooda nin walba, xitaa waxaa laga yaabaa in nin ay muddo nolosha la wadaagaysay aysan u furin qalbigeeda, ninka ay dhab u jeceshahay oo kaliya ayey u furtaa oo kaliya, sidaa darteed, haddiiba ay qalbigeeda kuu furto wax walba oo qalbigeeda ku jirana kula wadaagto, hubaal in ay ku jeceshahay.

11. IN AY KU QUUDISO AYEY JECESHAHAY: hubaal in ay ku raaxeysato quudintaada mar walba marka ay dhab kuu jeceshayay kama daasho in ay kuu khidmayso.

12. WAY KUU MASEERTAA: qof la jecel yahay ayaa loo maseeraa, ha dhihin maseer badanaa, haddii aysan ku daneenayn ama ku jeclayn kuuma maseerteen, sidaa darteed, waa jacayl uun ee ha ku dhibsan maseerkeeda.

13. XAGEEDA NABAD AYAA KA TAHAY: la joogistaada iyo la macaamilkaagaba waa mid ay nabad iyi daganaan ku dareento.

Hadaba astaamahaas aan soo sheegay haddiib aad qaar ka mid ah ka arki karto fadlan waqtig ha lumin ,orod oo faraha foodooda ku qaado, waa taas tan dunidaada farxad kugu noolayn karta.

Mmusa.

                                                     5-Xaaskaaga ilaasho..

Qofka aad u xulatay in ay nolosha kugu wehliso ma ahan qof sahlan waa ka qiima badan dhamaan inta dunida wax kugula wadaagto maxaa yeelay waa qofka kaliya ee kugula safraya dunida ilaa meesha lagu kala haro ay timaado ( Dhimashada) qofka nuucaas ah wuxuu mar walba kaa mudan yahay in aad siiso dareenkaaga oo dhan mar walba.

Mar walba ay hadlayso si wanaagsan oo dhug leh u dhagayso, kana fogow in ay ku mashquuliyaan sida telkaaga, TV iyo waxyaaba kale maxaa yeelay waxa hadlayo waa qof qiima sare leh in si qiimaysan loo dhagaystana waa waajib ku saaran si aad usii kordhiso dareensiinta aad dareensiinayso waxa ay u qalanto ee wanaaga ah.

Daciifnaanta Aadanaha ayey ka mid tahay in ballan qaad uu sameeyo mar walba kaas oo sida badan uusan fulin, waxaana ka dhasha taas is aamin darro iyo is xushmayn la’aan., sidaa darteed, qofka lamaantaada ah ka ilaali balanqaadka aadan fulin karin.

Bakhiilnimada iyadana waa wax la doonayo in aad ka fogaato, qofkan aad u xulatay noloshaada ma ahan in aad wax ka hagrato, haddii aad wax ka hagrato waxay ka dhigantahay in aad naftaada hagratay balse sidaas aadan u dareensanayn, u sheeg sida xaalkuugu mar walba yahay inta aad dabooli karto baahideedana ku dadaal in aad daboosho.

U naxariiso, naxariista kama dhigna in aad mar walba wax siiso, waxaa jira dhinacya badan oo naxariistu ku timaado, sida adiga oo garab istaago waqtiyada adag marka ay marayso ama murugsantahay.

Qofkaaga ha dayicin marka uu kuugu baahi badan yahay, waa in aad la qaadataa waqtiyada wanaagsan iyo kuwa aan la mahdinba.

In ay qurux badantahay in aad u sheegto marnaba ha ka caajisin, sidoo kale in aad jeceshahay.

In aad la ciyaarto oo la kaftanto mar walba iyana ha ka daalin .

Mar walba u noqo mid dhex dhexaad ah, ha ku adkaynin, dabeecadda wanaagsan in lagula dhaqmo aadanaha ayaa ah midda dhexdhexaadka ah ee jilicsanaanta iyo adkanaanta aan lahayn.

Xiriiri qaraabadeeda una jecloe sida aad kuwaaga u jeceshahay.

Uga mahad celi marka ay ku caawiso ama samayso wax ku farax galsho.

U ogolow in ay qayb ka noqoto taladaada dhagaysana marka ay tala ku siinayso, kuna qaddari fikradaheeda.

Ha qayaanin runta u sheeg mar walba, balse waxaa jirto mararka qaar ay wanaagsantahay in laga gaabsado inta been loo sheegi lahaa runtana loo arki karo in ay dhaawac ama xanuun u keeni karto.

Dhabtaada ku seexi mararka qaar adiga oo timaheeda u shanleenaya ama u kala feer feeraya amaba si dareensiin ah farahaaga u dhex galinaya.

Ka dhunko sujuuda, dhabanada, qoorta, in aad sidaa yeesho waxay farriin wanaagsan u gudbinaysaa qalbigeeda waxayna dhisaysaa mooralkeeda.

Mmusa 

                                          6-Gabarnimo micnaheeda maahan Xaas wanaagsan.

Waa laga yaaba ama waan is leeyahayba raga qaar in ay u maleeyaan haddii ay helaan gabar bikro ah in ay uga dhigantahay in ay xaas wanaagsan heleen.

Gabarnimada waa sharafta dumarka, mid walba sida ay u ilaashato ayey ku xirantahay sharafteeda iyo qiimaynta ay bulshada ku dhex yeelan karto.

Ma ahan wax sii jiraya gabarnimada haddii ay haweenta guursato iyo haddii kalaba, waxa sii jiraya ayaa ah dabeecadda qofku leeyahay iyo sida ay uga go’antahay in uu bulshada kula dhex noolaado sharaf iyo qaddarin isagu u hayo dadka, dadkana ay isaga u hayaan, marka aan isticmaalayo oraahdo muujinayso dhidigga waxaan uga jeedaa mid kulminayso dhamaan rag iyo dumarba.

Sidaa darteed marka uu kugu soo dhaco damac guur yeysan noqon sababta ugu horeysa aad u guursanayso in ay noqoto mid bikra ah, u guurso in ay xaaskaaga noqoto waliba ay kuu noqoto xaas wanaagsan, astaamaha aad ku xulan lahaydna way ka mid noqon kartaa gabarnimadeeda balse yeysan noqon mid aad muhiimadda koowaad siiso.

Waxaa jira duruufo badan oo qofka dumarka ah ay la kualanto taas oo ka lumin karo gabarnimadeeda, ha noqoto dariiq caafimaad, Shil, ama Kufsi ay ku dhacdo iyo waxyaaba kale oo keeni kara in ay sidaas ku lumiso bikranimadeeda, balse taas macnaheeda ma ahan in aysan ahayn ama noqon karin xaas wanaagsan.

Xaas wanaagsan in la noqdo ma ahan mid asal ahaan ku timaado in aad gabarnimo leedahay ee waa mid ka timaada qalbiga wanaagsan iyo dhaqanka wanaagsan ee ay leedahay qofka dumarka ah.

Ninka raga ah marka uu xaas wanaagsan qabo wuxuu la mid yahay Boqor sita taajka boqorrada madaxa gashtan, xaaskiisa waa taajikiisa ayaa la dhihi karaa, boqorka astaantiisa boqornimada waa taajkiisa sidaas si la mid ah ninka raga ah quruxdiisa iyo mas’uulnimadiisa waa xaaskiisa.

Dumarnimada waa sida hir oo kale oo marka uu mid baxaba mid kale baddalayo, waxay kasoo bilaabataa Gabarnimo una gudubtaa Dumarnimo ilaa aakhirkana ay kusoo dhamaato Hooyanimo .

Haweenayda marka ay ku guul darreesato in ay ilaashato ninkeeda waxay ka dhigantahay xaas lagu qaldmaay oo meel aysan mudnayn ku dhacday, maxaa yeelay, gabar walba hooyadeed waxay usoo tababartaa sidii ay u noqon lahayd xaas wanaagsan iyo hooyo wanaagsan, marka midda imtixaanka koowaad ee xaasnimada ka soo bixi waysaa uma qalanto in ay noqoto hooyo.

Guurka aad gabarnimada u guursato waa sharaf, balse kama dhigna mid gogol xaar usii noqon kara guushaada Qoysnimo.

Raadso tayada dumarnimo ee dhasha xaaska wanaagsan, God yar oo adiga aad qoddid kama dhigna in uu noqon karo hooyaada dhabta ah ama xaas wanaagsan, wuxuu ahaanayaa oo kaliya God aad qodday.

Mmusa

                                                            7- Ha u guursan.

Ha u guursanin in aad galmo doon tahay.

Ha uu guursan in da’daada ay cararayso

Ha u guursanin in ninku/ naagtu ay da’yartahay.

Ha u guursanin in aad kalinimada ku daahday.

Ha u guursanin in aad u baahantahay dhaqaala ahaan qof ku taageera.

Ha u guursanin in aad Uur si qaldan ugu qaadday isaga. 

Ha u guursanin in aad qofkaas way doonto haddii aadan hadda sidaas samayn.

Ha u guursan cadaadis qoyskaaga kaa soo waajahay dartiis.

Ha u guursanin fakar aad guurka ka qabto dartiis.

Ha u guursanin in aad dhib aad ku jirto uga baxdo darteed.

Ha u guursanin sokeeyenimo ama qabiil dariis.

Ha u guursanin muuqaalkiisa/ muuqaalkeeda.

Ha u guursanin caruur dhalid aad doonayso dateed.

Ha u guursan asxaabtayda ayaa wada guursatay darteed.

Ha u guursan jirkiisa/ jirkeeda dartiis.

U guurso in aad damaacaga fuliso, ku xirnow Allaha wayn mar walba, kana tuug in uu ku siiyo nolol wanaagsan oo ku xasisho kuna raaxaysato,.

Guurku waa sida geed aad abuurtay oo aad ka sugayso mira macaan, geed wanaagsan beero si mira macaan uu kuugu dhalo.

Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN