XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 116aad

                                               1-Waqtiga wuu kaa dhamaaday.

Kuuma ay baahna, kuumana xiisa qabto, maxaa yeelay, waxaad garabkeeda istaagi waysay xilligii ay kuugu baahdi badnayd.

Soo la yaab ma ahan sida waqtigu u caawin karo qof dumar ah oo shalay dunida wax ay kaa jeceshahay aysan jirin, balse maanta aad agteeda ka noqotid wax aan jirin.

Mmusa 

                                                      2-Yaa ka xun?

Yaa ka xun ayaa la waydiiyay bakhiilka nin caaqil ah, markaas ayuu ku jawaabay waxaa ka xun kan deeqsiga ah ee ku faana waxa uu baxsho.

Mmusa 

                                                  3-Hooyadey waa hooyadaa.

Waxay ahayd galab uu shaqadiisa maalmeed ka soo rawaxay, isaga oo guriga la yimid war murugo leh.

Xaaskiisa oo jikada ku jirta shaahna karinaysa ayuu ku yiri : noloshayda, haddan ayaa tel la iigu sheegay in hooyo xanuunsantahay oo aad u liidato, kaalay fadlan aan magaalada wada aadno oo usii qaadno wixii muhiim ah ee aan qaadi karno, fadlan adiga ayaa dumar ah wixii baahi dumar ahna waad taqaanaa ee inakeen hooyo waa liidataa ayaan maqlee.

Waxay farta ka saartay warqad ay ku qortay sokor iyo saliid iyo saabuun oo kaliya, isaga oo la yaaban ayuu ku yiri ” macaanto ma intan oo kaliya ayaan hooyo u qaadaynaa” kuteh “sabab loo qarash gareeyo lacag badan ma jirto ee inakeen aan soo eegno xaalka hooyo”

Isag oo la yaaban qaabka hadalkeeds si kalana u eegaya oo la yaaban ayuu yiri haye inakeen, sidaas ayey kuwada baxeen kuna gadeen intii ay warqadda ku qortay.

Markii ay tageen dukaankii ay alaabta ka gadan laheeyn ayuu dhowr jeer usop jeediyay in ay wanaagsanaa lahayd in adeega wax kale lagu daro balse way ka dhaga adeegtay oo dhaqaalaha lacagta ayaa u muuqday.

“Macaane qarash badan sabab loo galo ma jirto ee intan ayaa kaafiso hooyo ee naga dhaaf warka badan ayey ugu jawaab celinaysay.

Waddada ayaa lagu dhacay, sida loo socday ayuu dariiqii la kala baxay laamihiisa.

Laan ka mid ah laamaha dariiqyada ee aadaysay guriga hooyadeed ayuu gaarigii cagta u saaray, waatan naxadin la soo booday oo dhahaysa ” macaane xagee noo waddaa soo maham dariiqan kii guriga hooyadey ina geynayay mise hooyadaa ayaa dhawaan meelahan soo dagtay?

Kama waalin wuu u sheegay in halka loo socdaa ay tahay dariiqii guriga hooyadeed hooyadiisna ay dagantahay halkii ay kuwada ogaayeen waxa loo socdana ay tahay hooyadeed oo xanuunsan, hooyada uu ka hadlayayna ay ahayd hooyadeed, markaas ayuu waydiiyay oo yiri hooyadaa soo hooyadey maahan?

Haa waa hooyadaa balse alaabta aan gadnay kuma filna hooyo wax ka fiican ayaan u qaadi lahaa, baahida hooyadey waan ogahay naxaa iigu sheegi waysay in hooyada i dhashay loo socdo, adeegan aan soo qaaday sooma qaadeen macaane!!

Waaba isla fiicantahay dareen maba lahid miyaa ayuu ku yiri, adiga hooyadaa sida aad u xushmayso hooyadey in aad u xushmayso ayaa lagaa doonayaa, aniga alaabtan sooma gadin adiga ayaa soo dooray, dhowr jeer ayaan kugu celshay hadalka balse lacagta yaanan dhamayn ayey ahayd jawaabtaada, maxay tahay shallaaytada aad hadda waddid, hooyadaa iyo hooyadey waa in ay isku mid agtaada ka noqdaan, hadana guriga hooyadaa ayaan ku geynayaa hooyadaa ayaa kuu baahan, sheekadana waxay ahayd sheeko aan soo dhisay kuna tijaabinayay xaaskayga qiimaheeda, waasa ogaaday, waxaad u qalantaa in guriga hooyadaa aad ku noolaato, hooyadeyna uma qalantid in adiga oo kale ay gabadheda noqoto, maanta haddanan dunidan ku noolayn hooyadey waxay dhihi lahayd geedkan waa geedka uu wiilkayga ii talalaay, mirihiisa ayaana guranayaa.

Guurka waa sida geed aad abuurtay oo kale, geed mira macaan haddaad abuurto qof walba oo labada ehel ah mirahaas ayuu wax ka guranayaa kuna intifaacayaa.

Fadlan qaddari guurkaaga, labada waalid ee labada dhinac ahna isku si ha loo qiimeeyo.

Qore : Mohamed Musa Sh noor

                                                   4-Musiibada

Furriinku ma ahan musiibo kugu dhacday, musiibada waxay kugu dhacday maalinta aad ogaato in aadan farxad ku noolayn hadana aadan ka bixin farxad darradaas.

Qaladka ugu wayn ayaa noqda in caruurtaada ay kugula dhex noolaadaan qanaaca la’aantaas aad qabto, ma ogtahay in aad macallin u tahay caruurtaada oo ay eegayaan qaab dhaqankaaga.

Wali lama sheegin qof u dhintay furriin la furay, balse farxad darro inta u dhimatay xisaab ma lahan.

Mmusa 

                                                    5-Waan ka xumahay!!

Wuxuu ahaa abahay qof adag oo aad u sharci adag, wuxuu dukaan ku lahaa gurigeena oo ku yiil laamaiga qarkiisa.

Wuu nagu qaylin jiray marka uu na arko inaga oo waddada taagan ama dariisahadaha ka daawanayna magaalada inta aan ka arki karno. Runtii waxay noo ahayd sida Xabsi oo kale, guriga ayaan iskaga xirnayn maalintii oo dhan cunto iyo sheeko iyo taelfishin yar oo aan ka daawan jirnay musalsalada iyo filimaan ayaan isku maaweelin jirnay, nafis kalana waxaan heli jirnay marka ay noo yimaadaan labada macallin ee quraan iyo maaddooyinka diiniga ah noo kale dhigi jiray.

Ayeeyday oo noo dhaw ayaan booqan jirnay galbihii mar mar, sidoo kale nafis aan ku baxnana waxaan heli jirnay maalmaha qaraaba salaanka ama maalin jooga aan u aadno dadka aan ehelka nahay oo qoys ahaan aan u booqan jirnay.

Waxaa jiray wiil daris la ahaa ayeydey oo aan daaqadda iska daawan jiray kaas oo fursad aan isku helnay aan wax wadaag ku noqonay.

Runtii jacayl daran ayaan u qaaday wiilkaas, taas oo badisay in aan aad u booqdo ayeyo maadaama aan guriga maqbiyo ku ahaa, balse muddo gaaban kadib ayuu aabe arrintaas dareemay natiijadana waxay noqotay in wiil adeerkey dhalay qoorta la ii galsho sanad walbana aan cunug dhalo.

Nasiib darrada igu dhacday ayaa noqotay in ninka la ii guurshay uu noqday nin aan macna badan lahayn mas’uulna ahayn , jir dil iyo rafaadin ayuu igu hayaa mar walba, aabahay oo arrinkan ma’uul ka ahaana wuxuu igu dhiiri galshaa mar walba sabarka, 

Aniga ayaa hadda reerka u shaqeeya, ilmaha bar baariya wax walbana ah, xaqiiqdii noloshayda aniga oo ku faraxsanayn qaabka ay ku bilaabatay ayaan hadana aad uga xumahay qaabka ay ku dhamaanayso, xabsi ayaan kusoo koray, nasiib uma yeelan xornimada iyo waxbarashada asaagey ay heleen, isla xabsigii ayaan wali ku jiraa, balse wiilkii aan jeclaa yaraantayda oo dariishada iiga dhoola caddayn jiray ayaa daris ila ah wali isaga oo noqday aqoonyahan taya wanaagsan leh, sidii ayuu wali iigu dhoola caddeeyaa mararka qaarna wixii uu igu caawin karo oo dhaqaala ah ayuu iigu soo dhiibaa ilmihiisa isaga oo soo raacsiiyo mar walba farriin ah “waan ka xumahay”. 

Mmusa 

                                                  6-Qof ha nicin

Si walba oo lagaaga qaldan yahay qofna ha nicin, jacaylka iyo cafinta mar walba ha kula socdaan.
Sida aad rabto qani u ahow, mar walba u fakar si wanaagsan oo xumaan ay ka dheertahay.
Nolosha sida ay rabto ha kuugu adkaato ha ka daalin in aad wax la baxdo xitaa haddii wax wax ku siiya aysan jirin.
Cafi naftaada ducada aad u ducayso cadowgaadana ha ka daalin.
Mmusa 

                                            7 -shantan qodob

Waxaa jira wax aad dadka kala hadli karto iyo wax aadan kala hadli karin, sidan shantan qodob aan hoos ku sheegayo oo loo baahnayn in aad qof u sharraxdo.

1 heerka aqoontaada: looma baahna in aad qof kala hadasho.

2 Muuqaalkaaga: looma baahna in aad qof kala hadasho sida aad muuqaalka wax uga dhimi lahayd ama ugu kordhin lahayd, muuqaalkaaga wax aad ka qaban kartid ma jirto waa in aad sidiisa ku qaabishaa marka wax qof in aad kala hadasho ku haboon maahan. 

3 xiriirka Alle kaala dhaxeeya: waa qodob isagana muhiim ah adiga iyo Allahaaga cid idin soo dhex gali karta ma jirto.

4 waqtigaada iyo qaabka aad u isticmaalayso waa wax adiga aad go’aansan karto qof wax ka qaban kara oo adiga ahayna ma jiro.

5 doorashada noloshaadana waa adiga oo kaliya, waxa aad naftaada u doorto ayaa soconaya oo kaliya.

Mmusa                                                           8-Raja gali 

Inta badan aad qof jaanis siiso waa inta badan uu xushmadda uu kuu hayo ay sii yaraato.

Waxay iska indha tirayaan heerka dhaqan aad siiso mar walba maxaa yeelay, waxay haystaan isku hallayn ah in mar walba jaanis aad siin doonto.

Kama baqaan in ay ku waayaan sababtuna waxay tahay in ay ogyihiin in aad cafis badane tahay marnabana aadan ku dag dagayn goyntooda, waxay isku halleeyaan ayaa ah cafintaada iyo dulqaadkaaga.

Qofna ha u ogolaan waligaa in uu ku raaxaysto xushmad darro uu kugu sameeyo.

Mmusa 

                                       9-Wax walba filo.

Haddiiba qorraxda oo soo jeedda uu roobi di’i karo, dad iyo duunyaba nuuca ay doonaan ha noqdaan wax walba ka filo.

Mmusa 

U tababar laabtaada in ay xaalad walba si dagan u qaadato.

Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN