XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 117aad

                                          1-Dadka qaar ma daneeyaan!

Waxay dhaheen qofna dhibkaaga ha u sheegan, maxaa yeelay 20% dadka qaar maba daneeyaan arrimahaaga, 80% wayba ku raaxeestaaan maqalka dhibkaaga.

Mmusa

                                             2- la qaado noloshaada 

La qaado noloshaada dadka ku farax galin kara waxna kusoo kordhin kara, ma ahan in aad waqtigaada ku lumiso inta ku murjisa kuna dareensiisa in aad tahay qof aan u qalmin nolosha.

Mmusa 

                                          3- go’aan saxan qaado.

Go’aan saxan qaado mar walba, ma ahan in aad qalbigaada ku walwaliso go’aan aadan hubin in uu sax yahay.

Hubso go’aanka aad qaadanayso inta uu rabo ha kugu qaatee.

Mmusa 

                                            4-Qofka iyo garaadkiisa

Qofku si kasta uu garaadkiisu u sarreeyo waa gardarro in laga fishaa wax dhaafsiisan aqoonta iyo dhaqamada deegaanka iyo dadka uu la noolyahay.

Cabdisaciid cabdi ismaaciil.

                                                         5-Alle u mhadnaq

Wuxuu ahaa 80 jir uu ku dhacay cudur kaadida ku celsha, kaas oo sababay in muddo yusan si caadi ah aysan kaadida uga imaan.

Dhibkaas wax uu ku jiraba dhaqaatiir badana uu isku maro markii dambe ayuu Alle haleeshiiyay dhaqtarkii ka dawayn lahaa cududrkan uu la dhibtooday.

Dhaqtarka wuxuu u sheegay in uu u baahan yahay qalliin uu qarash badan ku kacayo, maadaama xanuunka haya uu wax walba kala waynaa kuma dhiiran karin in uu gorgortan galo, wuxuuna si fudud ku aqbalay in qalliinka lagu sameeyo qarashkana uu la baxo.

Qalliinkii markii lagu sameeyay oo lagu guulaystay ayaa loo keenay qarashkii ku baxay xisaabtiisa, sidaa markuu u eegay ayuu oohin iskala dhacay, dhaqtarkii qalliinja sameeyay oo xoogaa ka murugooday oohinta qofkan waayeelka ah ayaa yiri ” haddii qarashku saaid kuugu badan yahay waan la hadlayaa qolada biilka keentay si ay xoogaa hoos kaaga dhigaan” isaga oo malaynaya in waxa odayga ka oohisiiyay ay tahay qarashka isbitaalka.

Odaygii ayaa ugu jawaabay dhaqtarka “ma ahan waxa aan la ooynayo qarashkan aad ii keenteen ee ku baxay caafimaadkayga ee waxaan la ooynayo ayaa ah in Alle 80 sano uu ii ogolaaday in aan si caadi ah u kaadiyo xanuun la’aan isaga oo wax qarash ah aan iga rabin.

Waxaan ka xumahay in ay igu yarayd mahadnaqa rabigey sidaas iigu naxariistay ee marna aan senti igu waydiisan naxariistiisa.

Miyaanu ku fakarnaa nimcada aan xisaabta lahayn ee Alle nagu mannaystay in aan ka mahad naqno, bal eeg ninkaa garabkayga xiga waxaa ku rakiban Oxygen kaas oo qarash badan ugu kaco in uu neefsado kaliya, allena isag oo waxba naga rabin ayuu nagu mannayatay tan iyo maalinta uu na abuuray.

Xalay aniga oo caafimaad qaba ayaan seexday saakan caafimaad ayaan kusoo toosay, habeen hore xaalkayga siduu ahaa waad ogayd, allehaas sidaas ii samaystay iiguna nimceeyay in aanan siin mahadnaqa uu iga mudnaa ka xumaan aan ka xumahay ayaan la ooynayaa, hadda 80 jir ayaan ahay waqtigiisa sii dhamaaday”.

Mmusa 

                                            6-Xumaan qofna ha u qaadin.

Waxay lahayd daris aysan aqoon u lahayn balse dariskaas cadaawad gaar ah ayey iyada u hayeen.

Maalin maalmaha ka mid ah ayey aragtay ilmaha dariskeeda oo iskoolka kusoo daahay oo aad u baahan markaas ayey cunto ahayd bariis lagu camiray hilib siisay, inta cuna tiri ayey ka tagtay.

Caruurta dariska waxay ahaayeen kuwa loo sheegay in meel aan gurigood ahayn aysan wax ka cunin, dardaarankaas ayaga oo fulinayama saxankii bariiska iyo hilibka ku camirnaa ma aysan cunin oo meesha ayey uga tageen, hooyadood oo markaa shaqo ka soo laabatay ayaa aragtay saxanka bariiska iyp hilibka ee meesha yaal, waydiin ay waydiisay cidda u keentayna waxay ugu sheegeen in dariska ay u keeneen balse aysan waxba ka cunin.

Saxankii oo sidiisa u camiran ayey inta soo sumaysay u soo qaadday, dhigtayna albaabka dariskii ay cadaawadda aan la aqoon halka ay kala qaadday hor dhigtay.

Hooyada guriga wanaagsan ma aysan cunin cuntadii, ilmaheeda oo markaa xoogaa gaajaysnaa ayey siisay cuntadii iyada oo u haysata in dariskeeda ay gudayaan abaalkii ay u gashay ciyaalkooda balse kuma baraarugsana in cuntada loo keenay ay tahay tii ay iyada ku deeqday oo la soo sumeeyay.

Xoogaa yar kadib caruurtii ayaa cuntadii si raaxo leh u cunay ayaga oo war u hayn in cunta sumaysan ay cunayaan, balse la yaabka ayaa wuxuu ahaa in markii ay sidaa afka ugu bilaabeenba uu xanuun kusoo booday islaantii soo sumaysay cuntada taas oo ka keentay qayladhaan ahayd ha loogu waco heblada dariska, markii loo wacayna waxay bilowday in ay qirato in ay cuntadu tahay toodii ay soo sumaysay, balse ilmaha waa hore ayey cuneen oo wax markaa laga qaban karay ma jirin.

Nasiib wanaag cid wax ku noqotay ma jirin oo caruurta ah balse qofka wax noqday ee dhintay waxay ahayd islaantii dhagarta fashay.

Wax walba oo xumaan ah oo qof aadan xumaan u hayn kuu qorsheeyo hubaal in ay isaga ama iyada ku laabanayaan.

Fadlan xumaan la’aan seexo soona toos, qalbigaada xaasid iyo xiqdi marnaba ha u ogolaan .

Mmusa 

                                               7-Nolosha ha xukmiso

Mas’uulnimada waa marka aad leedahay awood aad ku bur buriso qof kuu gafay balse aad iska dhaafto oo u daayso in nolosha ay xukmiso.

Mmusa 

                                          8-Su!aal aan qof dumar ah waydiiyay?
Qof dumar ah oo asxaabtayda ka mid ah ayaan waydiiyay, haddaad dumar tihiin waxaad jeceshiin raga in ay hal xaas ku ekaadaan Allena wuxuu ka bilaabay marka uu arrintaa ka hadlayay laba laba u guursada dumarka, marka maxaad ugu dhagantihiin mar walba in ninku hal dumar ah kaliya ay kaafiso kuna ekaado?
Qof caqli badan ayey ahayd runtii jawaab aan la yaabo ayey isiisay taas oo igu dhalisay in idinkana aan idinla wadaago jawaabteeda, waxna aad ka dhahdaan bal haddii ay gabadhaas saxantahay iyo haddii kale.
Waxay tiri ” hadduu ninku xaaskiisa qalbi ahaan u jecel yahay damac kale maba u qaadi karo dumar kale maxaa yeelay, booskaas maba u banaanaa, balse haddii uu jirkeeda kaliya jecel yahay dumarku waa kala jir duwan yihiin waana kala jir quruxoon yihiin , sidaas darteed, ninka jirka dumarka jecel hal iyo ilaa afar gaarsii wax kaafin karaa ma jiraan, maxaa yeelay marka uu mid jirkeeda dhadhanshaba midda kale uusan dhadhamin ayuu usii baahi qabaa, ugu dambayntana adduunka ma jirto haweenay ninka nuucaas ah qancin karta”
Haye warkiina ayaa la rabaa rag iyo dumarow gabadhan hadalkeeda ma sax baa mise waxbaad ku dari lahaydeen? 

Xusuus fiican iyada oo kaa hartay dhimo, riyo aan la gaarin hala dhimanin.

Mmusa 

                              9-Maxaa qofka ku qiimaysaa?

1 ma muuqaalkiisaa

2 ma hantidiisaa

3 ma Akhlaaqdiisaa

4 ma is carfintiisaa

5 ma asluubtiisa

6 ma diintiisaa

7 Ma aqoontiisa

8 Ma balan oofinta iyo daacadnimadiisa

9 Ma labiskiisa

10 ma xushmaddiisa

11 ma dadnimadiisa iyo dabacsanaantiisa

12 ma mansabkiisa..

Inta hal xabo ka dooro fadlan, laba maya.

Mmusa 

Waxay dhaheen waxaa jirta siddeed dabaylood oo dadka dhaqaajisa, qofkuna wuxuu xaakim noqdaa marka aysan dhaqaajin siddeedan.
1 farxadda
2 murugada
3 Liididda
4 amaanta 
5 caayda
6 sharfidda
7 helidda
8 waayidda

Dadka dareenka qalbigooda ku jeclow ee ha ku sirmin dareenka wajigooda ka muuqda.

Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN