XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 118aad

                                                     1-Biyaha

Biyaha oo bata iyo biyaha oo yaraadaba uma fiicno wax soo saarka.

Xikmadda ayaa ah in waxa badan aan doonayno aysan nolosheena u wanaagsanayn sidaas si la mid ah waxa yar .

Mmusa

                                                    2-Ha waayin.

Ha waayin sharaftaada adiga oo ilaalinaya laabta qof aan daneenayn jiritaankaaga.

Mmusa 

                                                  3-Qofna ha siin 

Qofna ha siin wax xaqiisa dhaafsiisan, ma ogtahay in ubaxubo ku dhinto biyaha badan?

Mmusa 

                                                         4-Qalbigaada u fur

Qofkii raba in uu kula joogo qalbigaada u fur.

Qofki raba in uu baxana waddada u fur.

Mmusa 

                                                 5-Ziyaadada niyadjabkaaga 

Waxaa wax laga xumaadaa ah in aad wax aan macquul ahayn u samayso ama u balan qaado qof, ugu dambayntina aad ogaato in qofka aad waxaas u samaynaysay in uu noqdo qof kugu dhibsado dadaalkaas hagar la’aanta ah aad farxaddiisa u samaysay.

Sidaa darteed, saaid wax ha u jeclaan, saaid wax ha u aaminin, saaid wax ha u rajayn.

Maxaa yeelay saaid oo wax walba laabtaada aad ugu xirto waa Ziyaadada niyad jabkaaga iyo xanuunkaaga.

Mmusa 

                                                    6-Raaxada naftaada

Ku mashquulidda dadka iyo wixii tagay, midna wuxuu la tagaa mustaqbalkaaga kan kalana raaxada naftaada.

Mmusa 

                                                    7-Nidaamka sharaf ee naftaada

Qofna ha ku qasbin in uu ku daneeyo waxna iska kaa waydiiyo.

Qofka ku jecel isaga ayaa kuu soo raadinaya sida in ay wax qaali ah ka lumeen oo kale.

Danaynta waa sifo uusan qofna samaysan karin, hana isku dayin in aad qof ku qasabto, haddii taa ay dhacdana waxaa ogaataa in aad waraabinayso geed macmal ah in uu Miro kuu dhalana aad ka sugayso.

Mmusa 

                                                     8-Dulli iyo xaq 

Qofka waad ugu dulqaadan kartaa wax walba balse marka uu xaqaaqa doonayo in uu ku dudsiiyo dullina ku badayo waa in aad u istaagtaa dhacsashada xaqaaga iyo iska dulqaadidda dullaysiga.

Mmusa 

                                                    9-Farxad iyo jacayl 

Ninka waxaa laga doonayaa in uu farxad siiyo qoyskiisa, halka hayweenayda xaaska ah laga doonayo in ay farxaddaas la siiyay ku baddasho Jacayl.

Ninka farxad ma siin karo qoyskiisa isaga oo jacayl ka helin xaaskiisa, halka xaasku aysan jacayl siin karin ninkeeda farxad la’aan.

Mmusa 

                                                      10-Xaasidka ugu weyn

Xaasidka ugu wayn ma ahan kan doonayo in uu kula sinmo ee waa midka doonayo in aad dhulka gasho isaguna kaa sara maro.

Mohamed Qafaar

                                                    11-Go’aan qaadashada

Go’aan qaadashada dumarka mar walba waa mid aad u dambeeysa, balse marka ay go’aan qaataan waa kuwa ka toosni badan mar walba Ragga.
Mmusa 

                                               12-Ma ihi mid kala dhiman

Wuxuu yiri “ma ihi mid kala dhiman oo sugayaa qofkii kaamili lahaa, sidayda ayuu Alle abuuristayda u kaamilay wax iga maqan ma jiraan.

Waxaan sugayaa qofkii ii qurxin lahaa sida sammada ay xidigaha u qurxiyaan, haddii aan helo qofkaasna waa qof sida sammada ay xidigaha u qurxiyaan ii qurxiyay, haddii qofkaas uu noloshayda ka baxo ama ka tago, waxaan ahay saafi sidiisa ku qurux badan, sammada quruxdeeda waxay muuqataa marka midabkeeda buluga ah uu maalintii si saafi ah usoo baxo”.

Mmusa                                                    13-Kuma filna

Qaarkood kuma filna soo banbixinta ceebtaada ee waxay kusii dadaalaan qarinta wanaagaaga oo dhan.
                  Mmusa 

                                                     14-Ha dareensiin

Qof marka uu si indha la’aan ah kuu aamino ha dareensiin in uu indha la’yahay.

Mmusa 

                                                    15- kala duwanaanta

Kala duwanaanta waa farqi kooni ah oo u baahan in lala noolaado.
Jibriil ayaa u yimid Nabigeena csw markaas ayuu ku yiri ” Maxamed u noolow sida aad rabtid balse waa dhimanaysaa ogow, u camal falo sida aad doonto, waa lagaa abaal marin, qofka aad rabto jeclow waad ka tagaysaa mar uun, ogow in sharafta qofka mu’minka ah ay ku jirto salaadda habeenkii iyo ka maarmidda Dadka.
Mmusa 

                                            16-kallinimada

Kallinimada mararka qaar waxay leedahay awood dadka qaar aysan iska caabin karin!!
Mmusa 

                                                         17-Farxaddaada

Farxaddaada waxay ku jirtaa gacanta Alle, saaxiib farxaddaada sida geed camal u siibi kar ma jiro, qof aad jeclaatay oo farxaddaada jeexi karana ma jiro, sidoo kale qof kuu dhow oo farxaddaada xukumi karana ma jiro.
Adiga laguuma abuurin dadka dartood, taas xusuusnow.
Mmusa 

                                                   18-Qofna ha nicin

Qofna ha ku nicin dambiilanimadiisa ee kunac dambiga uu sameeyay.

Mmusa 

                                                  19-Xaaladaha iyo adiga

Dadka way kugula yaaabi karaan xaaladahaaga balse alle manarba kugulama yaabo, maxaa yeelay isaga ayaa sameeyay xaaladaha iyo adigaba.

Mmusa 

                                                        20-Ka taxadar

Dhug u yeelo waxa aad ku fakarayso, maxaa yeelay waxay noqon karaan ficilkaaga.

Ficilkaaga naftiisana dib u eegis ku samee maxaa yeelay wuxuu noqon karaa caadadaada.

Caadaadana waxay isku baddashaa dabeecaddaada.

Dabeecaddaadana waa midda xaddida ayaaha noloshaada.

Mmusa 

                                                  21-Laabta buuxiya

Wixii maskaxdaada buuxiya ayaa laabtaada maamula.

Mmusa 

                                                   22-Garo nimcada Alle 
Wuxuu booqday dhaqtarka isaga oo la taahaya xanuunka Sokorta, markaas ayuu dhaqtarkii ku wargaliyay in ay qasab tahay in lugtiisa la jaro si uu naftiisa badbaado ugu helo, dhaqtarka raja galin iyo naf badbaadin ayey ka ahayd balse ninkan hadalkan wuxuu u ahaa hadalkii ugu xumaa uguna naxdinta badnaa ee noloshiiisa uu maqlo.
Wuxuu go’aansaday in uusan daalin oo dhaqaatiir kale raadsado, ugu dambayn hal dhaqtar ayaa ku yiri lugtaada waa la badbaadin karaa iyo naftaadaba adiga oo waxba lagaa jarin, si caadi ah ayaa laguu daweyn karaa. Markaas ayuu yiri inta aan dunida ku noolaa hadalkii iigu farxadda badnaa maanta ayaan maqlay, maantana waa maalinta iigu farxadda badan noloshayda.
Bal eeg kuma uusan guulaysan malaayiin doolar, guri cusubna ma helin, wuxuu ogaaday oo kaliya in lugtiisa aysan ka tagayn oo la joogi doonto kuna socon doono mar kale.
Fadlan si nolol farxad leh aad ugu noolaato garo nimcada Alle kugu mannaystay.
La wadaag asxaabtaada fadlan.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN