
XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 110aad
1-Waa in aad fahamtaa.
Waa in aad fahantaa qaabka nolosha u socoto isla markaana u dulqaadataa natiijada ka dhalata ficiladaada, maxaa yeelay ficil walba oo samaysid wuxuu la yimaadaa abaal marintiisa.
Mmusa
2-Da’du kaama dhigto.
Da’du kaama dhigto qof weyn oo caaqil ah, dhaqankaaga iyo dulqaadkaaga ayaa kaa dhiga qofka aad tahay.
Mmusa
3-Haddii ay kuu caddaato.
Haddii ay kuu caddaato in hadafkaaga aadan gaari karayn, micnaheeda maahan in hadafku dib u hagaajin u baahan yahaye ee talaabada aad qaadaysid ayaa ah waxa dib u hagaajinta u baahan.
Mmusa
4-Haddii hadalku hadli waayo.
Haddii hadalku hadli waayo ficilka ayaa hadla, haddi ficilku hadli waayana indhaha ayaa hadlaan, haddii indhuhu hadalka gabaana illinta ayaa hadasha, haddii wax walba hadli waayaana aamusanaanta ayaa hadasha.
Mmusa
5-Ficil aan fakar lahayn.
Ficil aan fakar lahayn waa toogasho aan hadaf lahayn.
Mmusa
6-Natiijada wanaagsan
Natiijada wanaagsan ee rajadaada waxay timaadaa marka aad ku baddasho maladaada xun mala wanaagsan.
Mmusa
7-Si kasta oo u caqli badantahay.
Si kasta oo u caqli badantahay una saxantahay mararka qaar macna ma samayso, waxa loo baahan yahay mararka qaar waa ficil shibbanaan ah.
Mmusa
8-Dadka ku kala baro.
Dadka ku kala baro afcaashooda, haddi aad taas samayso mar walba hadal laguguma khaliifi karo.
Mmusa
9-Haddii ay noloshaada ka marantahay.
Haddii noloshaadu ay ka marantahay hadaf iyo ficil waxaad halis ugu jirtaa burbur.
Mmusa
10-Ku muuji
Waxa aad u qalanto waxaa lagu muujiyaa ficil ee laguma muujiyo hadal.
Mmusa
11-Nolosha meesha ay ku dhammaato.
Nolosha meesha ay ku dhamaato aqoon lagu hadlo ma noqotee waa ficil la sameeyo, hadaba mar walba isku day in aad ficil u baddasho waxa aad ku fakarayso ama aqoontooda aad leedahay.
Mmusa
12-Xornimo ku fakar
Xornimada oo ku fakartaa iyo xornimada oo ku dhaqaaqdaa waa laba ujeeddo oo nolosha u wanaagsan.
Mmusa
13-Afcaashu waa ka saamayn badantahay hadalka.
Afcaashu waa ka saamayn badantahay hadalka, sidaa darteed, aamin ficilka hadalka maya, maxaa yeelay, maba noqon karaan isku dhawaq.
Mmusa
14-Ku daysho.
Haddii afcaashaada ay riyo iyo ku dayasho badan u noqon karto dad badan, markaas waa in aad wax badan barataa oo wax badan qabataa wax badana noqotaa maxaa yeelay, waxaa tahay Hogaamiye.
Mmusa
15-Afcaasha waa Nolol.
Waxa uu aaminsan yahay qofka ayaa mar walba saamayn ku yeelata afcaashiisa, afcaasha waa nolol.
Mmusa
16-Iska jir
Fakarkaaga ka taxaddar, wuxuu isku baddaalaa mararka qaar Eray.
Erayadaadana iska jir, mararka qaar waxay isku baddalaan Ficil.
Ficiladaadana iska jir, ayagana waxay isku baddali karaan in ay aayatiinkaaga wax u dhibaan.
Mmusa
17-Dareenkaaga haka sugin.
Dareenkaaga ha ka sugin in uu ficil isku baddalo, qaad talaabadaada ficilka, dareenka isagaa is baddalayee.
Mmusa
18-Waa xusuusta
Waa xusuusta waxa mararka qaar na dila.
Mmusa
19-Wixii maanta.
Wixi maanta ku burburiya barri ayey ku adkeeyeen .
Mmusa
20-Ka taxaddar damacaaga
Ka taxaddar waxa aad jeceshahay oo damacaaga qaatay, maxaa yeelay mararka qaar waxay noqon karaan waxa ugu xun ee la damaaciyo.
Mmusa
21-Ducada ayaa ka Baraka badan.
Duacada ayaa ka baraka badan mar walba riyada iyo raja ku noolnimada, badi ducada.
Mmusa
22-Iska riyoo
Rajadaadana ha badato
Balse mid mar walba raacsi labadaas waana ficlika.
Mmusa
23-Dumarka iyo Raga
Dumarku boqolkiiba 90% waa xanaaq dhowyihiin, boqolkiiba 10% maskaxdooda ma fadhido.
Ragana 50%waxay ka aaminsanyihiin dumarkooda in loogu tala galay oo kaliya in ay u khidmayso.
40% Xaasaskooda ma fahmaan.
10% waa kuwa dhabta u fahma xaaskooda xurmeeyana.
Mmusa
24-Qaladkaaga iyo gafkaaga.
Qaladkaaga iyo gafkaaga heerka ay rabaan ha gaaraan, mar walba waa soo laaban kartaa, quus ma jirto.
Mmusa
25-U tababaro.
U tababaro si xeeladaysan oo caqli ku jirto, haddii kale sidaada iska ahow meelaha ha walbacleynee.
Mmusa
26-Dadaalkaaga badi.
Dadaalkaaga badi haba iska xanuun badnaadee, waa hubaal in maalin ay noqoto aad arki doonto xaaladdaada oo hagaagtay, noloshaadana dhanka wanaagsan u baddalmatay.
Mmusa
27-Xanaaqaaga.
Xanaaqaaga marka aad koontarooli kartid ayaan qof adag kugu tmaami karaa, balse marka uu xanaaqaaga ku koontaroolo macna badan ma lihid.
Mmusa
28-Rajo iyo Iimaan.
Rajadu waa filasha wanaagsan
Iimaankuna waa ku qancidda wax walba oo kala kulanto yabooha laguu yabahay adiga oo og in wax aan kuu qaddarnayn aysan ku assiibeen.
Mmusa
29-U mahad celi.
U mahad celi qof walba oo noloshaada qayb kasoo noqday ama ka ah hadda ama ka noqon doona, maxaa yeelay waa kuwa qaarkood ku baray waxa naxariistu tahay, qaarna caqli ayaa dartood kaaga siyaaday, qaarna qof adag ayaa ku noqotay, ma jiro qof aad ku qasaartay waa xaaladaha iyo dareenka is gaddiska badan oo kuu muujiya qasaarada iyo faaiidada, balse mar walba waa kuu faaiido.
Xusuusnow in dadka sababtooda aad ku noqotay qofka aad maanta tahay.
Mmusa
30-Horumarka
Horumarka waxaa saldhig u ah gaariddiisa Hadaf, Riyo, damac iyo aragti fog.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com