XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor. Qaybtii 68aad 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 68aad

1-Saddex maankaaga ku daji
Saddex in aadan ka nabad galayn niyaddaada ku daji oo ogolaysii.
1-In aadan dhimasho ka bad baadeen laabtaada ku daji.
2-In nolosha aysan lahayn raaxa joogta ahna maankaaga ku haay.
3-In Dad aadan ka nabad galayn iyana maankaaga gali.
Mmusa

2-Xaqa iyo Qiyaamaha
Marka lagu waydiiyo xaqa oo aad si dhab ah uga jawaabto haddii ay noqoto abaal marintaada abaal marin aadan ku farxin waxaad ogaataa in xaqaas aad horey u inkiri jirtay, sababtaas darteedna uusan kuugu hiilin maalinta aad ugu hiil baahantahay ( Qiyaamaha).
Mmusa

                                                   3-Nolosha ha socoto.
Nolosheena waa sida Buug oo kale, buugaas oo leh Qisooyin kala duwan, kuwa macaan oo lagu raaxaysto, kuwa hoos noo dhigo oo aqriskooda aan ku daalno, iyo kuwa kor inoo qaada marka aan dhulka naal, khaladku wuu inaga dhacayaa mar walba, balse ma ahan in dhamaystirka buugaas qiimaha badan aan u joojino hal khalad oo inaga dhacay ama musiibo yar oo inagu habsatay, waa in aanu samirnaa noloshuna socotaa.
Mmusa

                                           4-Risqiga cunta kaliya maahan.
Saaxiibka wanaagsan waa Risqi
Jacaylka waa risqi
Farxaddu waa risqi
Maskiinimo waxay u sugnaatay ninka  Alle tuuga ka tuuga Maal oo kaliya oo intan aan ku darsan.
Mmusa

                                            5-Rag iyo Dumar
Rag waad dhashay wayna ku dhaleen waadna u dhaxdaa, sidaas si la mid ah dumar waad dhashay, wey ku dhashay, waadna u dhaxdaa, fadlan jooji Nacaybka ku salaysan Jinsiga.
Haddii hal nin uu xumaado ama hal haween ay xumaato micnaheeda maahan in aabahaa walaalkaa iyo wiilkaaga, ama hooyadaa walaashaa iyi gabdhaadaba ay xunyihiin.
Fadlan dhowr xuquuqda Hilibnimo ee ina wada mideysay, aniga ayaad iga timid anigana waan kaa imid.
Mmusa

 

6-Malada xun
Malada xun waxay sababta in aan is nacno, is xasadno, aanan kulmin, maxaa yeelay fikradaha aan iska haysano ayaa noqonaya kuwa tilmaamaya in aan kala fogaano.
Allaha inaga dhigo kuwa maladooda wanaajiya isku naxariista isku garaaba isna fahma. Amiin
Mmusa

 

                                               7-Kalinimada
Kalinimada mararka qaar macanaheeda maahan in aad nacday asxaabta ama aad joojisay in aad wax jeclaato ee waa in aad dooratay in aad naftaada xoogaa aad ugu sii dhawaato si nafsiyan aad isku garato.
Mmusa

                                                 8-Qalbi iyo Maskax
waxaa jirto mar mar aad waddo khaldan ku dhacdo adiga oo og in aad khaldantahay ayaadan hadana is qaban, sababtuna waa in aad tahay qof u garba duuban qalbigiisa oo ku socda oo kaliya indha la’aanta qalbigiisa.
Mararka qaar inta qalbiga lala shaqayn lahaa waxaa wanaagsan in maskaxda lala shaqeeyo maxaa yeelay maskaxda mar walba waa mid diidda waxa khaldan kuna tusisa waxa saxan.
Mmusa

                                                   9-Is baddalka qofka
Qofku wuxuu is baddalaa laba xaaladood marka uu la kulmo.
1 marka uu ogaado wax ka badan inta uu in uu ogaado rabay.
2 Marka uu xanuunsado inta uu mudan yahay in ka badan.
Labadaas xaaladoodba waa laba xaalad uu qofku isku baddali karo.
Mmusa

 10-Xiriir dhintay
Xiriir dhintay soo noolayntiisa macna ma lahan in dhimashadiisa loo daayo oo mid cusub la bilaabo ayaa ka khayr roon.
Mmusa

11-Xaaladaha qaar
Xaaladaha qaar waa kuwa ku farax galsha maalmo kooban balse dhulka ku galsha inta noloshaada ka dhiman .
Mmusa

 

                                                     12-Ma ogtahay
Ma ogtahay in Qaramada midoobay la aas aasay 1945, tan iyo markaana uu markeekanka isticmaalay Codka Diidmada qayaxan (Veto) 76 jeer.
Mase ogtahay in 57 jeer oo ka mid ah uu diidmadaas u isticmaalay danaha Muslimiinta iyo Arrimaha Carabta kuwaas badankood oo Qaddiyadda Falastiin ahayd?
Mmusa

                                                13-Quruxda maahan 
Quruxda maahan oo kaliya inta aan arki karno ee waa inta aan daah furi karno sida, qalbiga quruxoon, fikradaha wanaagsan, dhaqanka wanaagsan iyo adaabta wanaagsan, dhamaan waa wada quruxda la inaga doonayo in aan soo daah furno.
Mmusa

                                                      14-Dunida maanta
Waxaanu ku noolnahay duni midka lacagta leh uu lacagtiisa wax walba ku gadan karo, ha ahaato Jago, ha ahaato Farxad, waxa uu doonana ku noqon karo lacagtiisa.
Caddaaladda dunida ayaa sidaa iska noqotay, fahamka laga qabo caddaaladdana waa lagu kala duwan yahay, qofka lacagta leh lacagtiisa ayuu caddaaladda uu doonayo ku helaa, kan aan waxba haysana mar walba waa dulmane.
Mmusa

15-Su’aalaha qaar

Su’aalaha qaar jawaabahooda hadduusan qalbiga doonayn maqalkooda jawaab la’aan ayaa dhaanta.
Mmusa

16-Imtixaanka nolosha
Imtixaanka nolosha waxaa ka mid ah, qof aadan calaf u lahayn haddana kugu dhex nool!!!
Mmusa

                                                           17-Rajo
Raja wax laguma helo ee dadaal iyo shaqo ficli ah ayaa wax lagu helaa.
Mmusa

18- Qiimaha Nolosha
Haddaanu fahmi lahayn qiimaha nolosha
Xuusuusan lahayn macnaha dhimashada iyo waxa ka dambeeyo oo su’aal ah, hubaal in aan joojin lahayn kuu dhiirashada is xumaynta, farxadna waan isi sii lahayn.
Xumaanta aan isku sameynayno micnaheeda waa in aan hilmaanay macnaha dhimashada iyo waxa ka dambeeya  fahmina waynay qiimaha dhabta ah ee nolosha.
Mmusa

 

19-Yaa ka qurux badan?
Waxaa jira dad beera jacaylka iyo wanaaga, farax galshana qofka ay jeclaadaan iyo qofka wanaaga ka mudan.
Sababta ay sidaas u sameeyaana ma ahan in ay mahad naq ama raja kale ka leeyihiin ama ka filayaan dadka ay wax u qabteen.
Sababta ay waxaas oo dhan u sameeyeena waxay tahay in ay wax uga doonayaan Allaha wax baxsha ee jacaylka iyo wanaaga ku beeray beerkooda, yaa ka qurux badan dadkaas?
Mmusa

                                                   20-Ka reeb naftaada.
Haddaad rabto in  aad ku noolaato nolol isku dheeli tiran,ka reeb naftaada kuwa marka ay kuu baahdaan ku heli kara, marka aad u baahatidna aadan heli karin.
Ibraahiim Al-fiqi

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN