XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 73aad 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 73aad

 

                                    1- Dadka iyo Deegaanka
Goobta aad ku nooshahay iyo dadka aad la nooshahay oo wanaagsanaadaa cabirka laga qaato ma ahan wanaagooda iyo quruxdooda ee waa sida ay saamayn kuugu yeeshaan kaagana dhigaan qof wanaagsan oo haddii uu tago meel kale lagu dayan karo, waa markaa marka ay qiimaha yeeshaan dadkaaga iyo deegaankaagaba.
Mmus

                                    2 Dadka iyo Deegaanka
Goobta aad ku nooshahay iyo dadka aad la nooshahay oo wanaagsanaadaa cabirka laga qaato ma ahan wanaagooda iyo quruxdooda ee waa sida ay saamayn kuugu yeeshaan kaagana dhigaan qof wanaagsan oo haddii uu tago meel kale lagu dayan karo, waa markaa marka ay qiimaha yeeshaan dadkaaga iyo deegaankaagaba.
Mmus

                                        3-Wanaag iyo xumaan
Wanaagaaga cid sheegto ma aragtid, xumaantadase waa la sheegaa.
Khaladkaaga waa la arkaa,  hagaagaagase cid dan ka gasha ma jirto.
Haddaad wanaagsanaatid waa ka eed la’aataa dadka, haddaad xumaatidse, xantaada waa badataa.
Mmusa

4-Sabarka kaasho.
Waxaa jirto mararka qaar in xaaladduu ay meel cakiran kula gaarto ilaa aad is waydiiso halka uu Maciinaha jiro (Alle).
Waxaa wanaagsan in markaas oo kale aad xusuusnaato in la eegayo heerka uu dulqaadkaaga gaarsiisan yahay, dulqaadkana wuxuu ugu wanaag badan yahay marka xanuunka la dareemayo.
Waxaa jirto tusaale ah in ardayda marka ay galayaan ama ku jiraan imtixaanka adag uu macalinkoodu shibta cuskado indhaha kaliyana uu ku eego ardayda imitxaanka ku jirto.
Waa tusaala aan kugu tusayo in sabarka aad maciinsatid waqtigaa ogaatidna in lagu imtixaanayo, ha noqon ardaygii hal sano inta wax soo baranayay markii warqadaha imtixaanka loo dhiibay inta quustay sidooda ku celshay, halkaana ku dabshiday tacabkiisii muddada badan uu soo waday.
Mmusa

                                    5-Waqtiga iyi doorashada
Waad jeclaan kartaa qof aadan nolosha la wadaagin, taas macnaheedase maahan in socoshada ama la wadaagista qofka nolosha kaala dhaxayso ay dhaawacantay.
Nolosha midna waqtiga ayaa ku siiya midna adiga ayaa doorta, dhabta noloshase maahan midda aad dooratid ee waa midda waqtiga ku siiyo taas ayaana la doonaya in aad la noolaato
Mmusa

6- Aamusnaanta cusko
In aad mararka qaar aamusnaanta cuskato samaysidna wax badan oo naftaada aysan jeclayn balse maslaxadda naftaada ku jirto oo candhuuftaada dib u laqdid micnaheeda maahan in aad is dhiibtay oo wax badan oo hanan kartay aadan hanan, ee waa, in aad bartay naftaada ka maarmidda wax badan oo muhiim u ah lana noolaato.
Mmusa

7- Maqal oo arag
Waxa aad rabtid waad arki kartaa waana maqli kartaa, waxa aad rabtidna ma maqli kartid mana arki kartid, doorashada aragaaga iyo  maqalkaagaba waa mid adiga kugu xiran, maqal oo arag wax ku farax galsha waxna kusoo kordhin kara noloshaada.
Mmusa

                                     8-Dhibaatada
Dhibaatada waa in la xalliyaa lagana hortagaa wax walba ay ka dhalan karto, balse ma mudna in dhibka lagu dhex noolaado.
Mmusa

9-  Dareen Aadanimo
Duni dareenka bani aadnimo lala qaylsho balse laga ganacdo baabi’inta Aadanaha baryaham dunida aan ku noolahay ayaan ku arkay!!!!
Mmusa

                                     10-Dakhli iyo laab kacsan
duni dadkeeda ay daqli farabadan qaataan daaqilka laabtoodana aysan daganaan taaban dunida maanta aan ku noolahay ayaan ku arkay!!!!
Mmusa

11- Dad iyo dayaxa
Duni dadkeeda dayaxa u dalxiis tagaaan, dariskeedana aan aqoon u lahayn, dunida aan ku noolahay ayaan ku arkay!!!
Mmusa

                                              12-Dhaqaatiir 
Duni dhaqaatiir iyo qalab caafimaad oo fara badan yaalaan, dadkeedana caafimaad darro la ila daran yihiin, dunida aan ku noolahay ayaan ku arkay!!!!
Mmusa

13-Aqoonyahano dilan
Aqoonyahan shahaado badan balse garashada iyo damiirka ka dilan dunida aan ku noolahay ayey ku badan yihiin !!!!!
Mmusa

14-Guryo iyo Gaajo
Gurya waaween oo qurux badan dadka dagana ay gaajo kula dhex nool yihiin dunida aan ku noolahay ayey ku badan yihiin!!!!.
Mmusa

                                                   15 Laba sabab
Waxaa la yiri wax walba sabab ka dambayso ayaa jirta dhiciddooda qaasatan la kulanka dadka noloshaada soo mara, sababahaa waxaa lagu soo koobay laba oo kaliya .
1: in dadkaas ay noloshaada wax kusoo kordhiyaan waxna ka baddalaan noloshaada dhanka uu rabo ha noqdo is baddalkaas.
2 in aad adiga wax ka baddashid noloshooda oo saamayn balaaran ku yeelato noloshooda, waa intaas sababta.
Mmusa

16-Waqti iyo Jacayl
Inkastoo in la isku helo ay adagtahay labo,  waa waqtiga iyo jacaylka, hadana waxaan ku dhihi lahaa wax jeclow marka aad waqti u heli karto in aad wax jeclaato.
Waqtina u raadso marka aad hesho oo ay gacantaada soo gasho midda aad ku riyoon jirtay, xaaladdu sida ay doontaba ha ahaatee.
Mmusa

17-Wax lagu waarayo ma jiraan
Haddiiba wax lagu waarayo dunidan aysan jirin, wax joogta ahna aysan jirin, maxaa diidaya in sabarka la badsho maadaama uu sabarko Alle agtiisa inoo wada dhaweynayo.
Xikmadda waa in dhibta aan lagu waarayn, si la mid ah dheefta, sidaa darteed, inta aad haysatid ku sabar kana mahad celi.
Mmusa

                                             18- Sifaynta Qofka. 
Qof aadan arkin ama maqal isaga oo wax samaynaya ama sheegaya marka aad sifaynayso maxaa ku sifayn lahayd?
Aniga qofka inta aanan baran oo arkin ama toos u maqlin wuxuu qofkaas ii ahaanayaa qof wanaagsa ilaa uu agtayda ka gaaro heer aan ku kala saaro darajadiisa xumaaneed ama sameed.
hadaba waxaa bulshadeena ku badan wax ka sheegidda qof aan  la arkin ama la maqal sifayntiisa, waxaa ila wanaagsan in aan lagu dag dagin wax ka sheegidda ama wanaag iyo xumaan u nisbaynta qof aan lala kulmin oo waxba laga arkin in la iska dhaafo.
Mmusa

19-Dhaqanka iyo dabeecadda
Dhaqanka ama qaabka uu qofku wax u sameeyo mar walba waa shaashadda soo ssarta dabeecadda qofka ama waxa uu qofkaas shaqsi ahaan u yahay, hadaba waydiintayda ayaa ah, ficilka ama dhaqanka qofka is baddal waa lagu samayn karaa, dabeecadda qofka ma baddalmi kartaa ama mala baddali karaa?
Mmusa

20- Ma is leedahay?
Ma is leedahay dabeecadda iyo dhaqanka qofka waa isku hal, oo dhaqanka waa muujiyaha qofka dabeecaddiisa, halka dabeecadduna ay tahay midda ka dambaysa ficilka uu qofku sameynayo?
Mmusa

                                        21-Ma qurxana gocashada qaar
Kuma qurxana nolosha in dib loo soo eego, dib u eegista noloshaada marka kaliya ay wanaagsan tahay waa marka aad goconayso xusuus wanaagsan ama ficil wanaagsan oo dib u celintiisa aad u hamuun qabto, inta kale macna uma lahan noloshaada in aad dib u gocato.
Mmusa

                                                    22-Rajada
Rajada rumoobiddeeda waa laga yabaa in aysan maanta iyo bari midna noqon, balse waa hubaal in xaaladdu ay kasoo hagaagu doonto sida ay hadda tahay, taas ku naso oo ku noolow.
mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN