XASIL OO ILA GARO. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

isla diyaarada

                                               DADKA IYO SAAMAYNTOODA

Waa qasab in dadka noloshaada ku hareeraysan ay dhinac u bataan wanaag iyo xumaan marka laga hadlayo, balse, taas ma ahan midda macnaha badan suubinayso, waxa macnaha suubiyo ayaa ah saamaynta ay kugu yeeshaan iyo sida ay u baddalaan dadkaas noloshaada.

Laga yaabee in dadka qaarkii ay ku doodaan in qofna uusan qof baddalin, taasise ma ahan dhabta jirta ee waa mid ku salaysan Malo meel loo cuskadaa aysan jirin, waa hubaal in dadka aad mar walba la dhaqanto ama aad wax la wadaagto in wax badan aad kaga dayato nolol ahaan dhinac ay doonto ha noqotee waana intaas waxa laga hadlayo, sidaa darteed, qiimaha daran ay leeyihiin dadka wanaagsan ee kugu hareeraysan ma ahan waxa aad ka heshid xagooda ama aad kaga dayato, muhiimadda ayaa waxa ay tahay sida wanaagsan ama xun ee ay noloshaada isku baddasho saamayta ay kugu yeeshaan darteed.

DULQAADKA

Adkaysiga iyo dulqaadka waa macallinka ina bara wax badan oo ka mid ah qiimaha nolosheena, ma ahan oo kaliya in adiga oo kaliya aad wax ka baranayso ee waa in dadka qaarkiina aad tusaale ugu noqon karto dulqaadka iyo adkaysiga.

Nolosha waa mid taxana ah, oo la iskaga daydo, qofba qof ayaa u ah bidhaan uu is leeyahay gaar, taas oo macnaheedu yahay in kuligeen aanu wada nahay tusaalaha dad kale, ama dad kale ay inoo yihiin tusaala aan doonayno in aan gaarno.

Hadaba dulqaadkaaga maanta waa faa’iidadaada barrito, hubaal in dulqaadka qofka leh uusan marnba qasaarin, dulqaadku wuxuu la mid yahay cashir aad maanta baratay kaas oo faaiido guud ku leh noloshaada oo dhan, hadaba samirka iyo dulqaadka in la badsho waa muhim.

 

                                               CADCEEDDA IYO DUUFAANTA

Xusuusnow in qof walba uu ku doonayo marka aad ladantahay caafimaad ahaana aad joogto, balse marka Duufaanta dhibaatada kugu kacdo oo boorku ku qariyo waa markaas marka uu qof walba wajiga ka dadanayo aragaaga, qofka markaas kusoo aado iskuna dayo in uu kaa tiro boorka ama kaa dhaqo waa qofka la doonayo in aad xajisato, dadku waa kuwa ay keento dabeesha macaan dhamaantood inta xun iyo inta san, balse marka ay duufaantu kacdo waxaa la kaco oo duufaantaas dhinac ka raaco intii xumayd ee aan adkaysiga lahayn amaba aysan daacad ka ahayn la jirka ay kula jireen, hadaba, dabeesha kacda sabab ay u kacday ayaa jirta, ma ahan in ay adiga kaliya dhibaato kuu tahay boorna ay kugu qarisay, ee waxay kaala kacday kuwa ku dul saarnaa ee aad u moodday in ay qaali kugu ahaayeen.

Hadaba cadceedda quruxda badan waxay la timaadaa Dad wada qurux badan waji ahaan, balse qalbi ahaan aan la aqoon Karin, halka duufaanta ama dabeesha kacdo ay la kacdo kuwa qalbiga ka foosha xun, waxayna reebtaa kuwa qalbiga qurxoon.

 

                                                            FAANKA

In lagu faansho ama aad faanto waad jeceshahay, inkastoo in la faano aan la wada jeclayn balse laga wada siman yahay in aan wada jecelnahay in nala wada faansho,waxaa jirto su’aal aan wali la is waydiin miisaan ahaana la muujin taas oo ah in faanku uu wax ka baddali karo dhabta aad ku jirtid ama xaqiiqda taagan ee aad tahay, is waydiintaas aniga ayaa is waydiiyay waxaana helay in wax macna ah uusan soo siyaadin faanka bal, la dhihi karo wuxuu sababaa in qofku been ama dhalanteed aan dhab ahayn uu ku noolaado, taas oo seejisa wax badan uu qabsan lahaa iyo wax badan uu noqon lahaa.

In la faano soomaalidu waxay ka tiri in qofku is nuugay, qofku hadduu is nuugana isaga ayaa is jaqay mooyee cid uu wax u dhibay ama ka dhibay ma jirto, si kale haddaan u dhigo sharaxaaddaas waa in aad isla adigii tahay, oo faanku waxba ku kordhinayn shaqsiyaddaada iyo Xaaladda aad markaa ku sugantahay.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN