XASIL OO ILA GARO. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

isla diyaarada

                                                    JACAYLKA IYO DHAAWACA

Jacaylka aad qof jeclaatid marnaba dhaawac kuuma noqon karo oo waa kuu farxad jawigaaga nolosha wax ka baddasho, balse waxaa la yaab leh in qofku marka uu waayo ama uu ka tago qofka uu jeclaa in uu meel la seexdo ama la walbahaaro dhaawac Qalbi oo saamayntiisa yeelan kara.

Waasa iska dabeecadda Aadanaha in marka ay wax doonayaan ay u muusoodaan, mark ay waayaana ay sawirtaan sawiro kale, kuwaas oo fariin aan qurxnayn qalbiga u dira ugu dambayntana ka muuqato jirkooda iyo muuqaalkooda.

Hadaba su’aashu waxay tahay in aad wax jeclaato awood waad u yeelatay, wax walba oo aad kala kulanto ama aad ku hirgalin lahayd jiritaanka farxaddaas jacaylkana waad u diyaarsanayd, waa maxay sababta dhaawac kugu abuurta oo adkaysimadii aad u haysay jacaylka aad ugu hayn waysay in aad ugu samirto dhibaatada aad la kulantay ee kaa soo gaartay xaga lamaanaha kula waday jacylka?

 

MAANTA BARRI MAAHAN!!!!

Xaaladaha dunida waa kuwa is baddal badan, marnaba kuma jiraysid xaaladda aad maanta ku jirtid waa hubaal taas, maxaa yeelay waqtiga ayaaba kuu ogolaanayn ama dabeecadda nolosha ayaaba sidaas loo abuurin, waa xilli ku meel gaar ah inta aad faraxsanaan kartid ama murugaysanaan kartid.

Ma ahan in aad nolosha u sawirataa in sida aad jeceshahay ay mar walba ahaanayso, xaqiiqda nolosha maba ahan sidaas, qofka sidaas ku fakarayana waa qof aan fahmin, maanta ayaanka ay tahay ma ahaanayso barrito, oo sida ay maalmaha isku dhaafaan ayey xaaladaha isku dhaafi doonaan, waasa maangaabnida Aadanaha oo maskaxdooda ayaa mar walba sawirato waxa ay ku dhex jirto taas oo sababta in qofku hadduu Badraan yahayna uu sii lumo, halka dadka qaar ay ka qaadaan nimcada Caqli sababa in ay dib usoo laabtaan ogaadaana in la imtaxaanayo.

Kan murugada ku jira ee xaalku ku cuslaaday ee meel walba ay kasoo xirantay xaalad aad u adag oo markaa uu ka dooran lahaa ka haajirid uu nolosha ka haajiro,waxaa muhiim u ah kaas in uu ogaado in arrinkiisa aan la moogayn ee la eegayo heerka uu gaarsiisan yahay samirkiisa.

Dadka mar walba oo wax la tusaalaynayo waxaa wanaagsan in tusaale loogu soo qaato wax ay arkeen ama ay fahmi karaan, halka uu warka u dhacay ayaa ah in marka ay arrinta kugu cuslaato duco badan oo aad gantayna aqbalaaddeeda sida aad rabto aadan u arkin, waa in aad xusuusnaataa markaa in lagu imtixaanayo oo rabi uu kor kaa eegayo bal heerka aad gaarto, Macallinka imitixaanka qaadayo mar walba waa mid dul taagan ardayda oo eegaya oo kaliya waxna aan ku oranayn, aamusnaantiisa iyo daymadiisana ay badan yihin, hadaba samirka badi, Xaaladda culus waa sida maanta ay u timid oo aysan bari maanta u ahaan doonin.

                                                     Xumaanta iyo Wanaaga

Haddii aad tahay qof Mas’uul ah ama bulshada ka dhex muuqda mar walba waa in aadan kula yaabin dadka in xumaantaada ay sheeg sheegaan waayoo wanaagaaga cid uu wax u dhibayo maba jirto oo waa waxa uu qof walba doonayo in lagula dhaqmo ama la tusiyo, balse, xumaan yar marka ay kaa dhacdo waaba kaa dhacaysaa ileen Bani aadam ayaa tahee markaas waxaa hubaal ah qaad qaadka xumaantaas in heerka la gaarsiiyo ay tahay heer aad xitaa naftaada aad ka shakiso amaba aad isku mooddo in aad tahay Qof xun.

Xaqiiqda ayaa waxay tahay in xumaanta sheeg sheegiddeeda ay dadku u nugul yihiin, maadaama Sharta ay ka dheerayso Khayrka, balse khayrka uu ka saamayn badan yahay sharta, hadaba waxa xumaan lasoo bandhigayo dunida ama la sheeg sheegayo waxba yaysan kugu abuurin la yaab, ee u fahan in xumaanta faafinteeda ay dabeecadda Aadanaha qayb ka tahay.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN