XIKMADAHA JIMCAHA IYO Mohamed Musa Sh.Noor

Nor1

AFAR HADAD JECESHAHAY AFAR DARYEEL 

1. Haddii aad Jeceshahay Farxadda Nolashaada, daryeel Caafimaadkaaga.

2. Haddii aad barwaaqada jeceshahayna, daryeel dabeecada

3. Haddii aad waaritaan jeceshahay, daryeel Caqligaaga.

4. Haddii aad waxaas oo dhan isku jeceshahayna, daryeel Diintaada..

 

              Aduunayadu waa shilin aakhirana waa camal saalix ah

Iyadoo ay jiraan malaayiin xikmado ah waxa aad gebigood ku ogaanaysaa in cissada aduunyadu tahay shilinka, cisada aakhiraduna camalka saalixa ah, Oday ka mid ah odayaasha qaaliga ah ee soomaaliyeed (ma ahan koofi bacle iyo maalin la noole) ayaa wuxuu igu yiri:

– 2 fadhiga ayey ku fiicantahay,

– 2 socodka ayey ku fiicantahay,

– 2 geerida ayey ku fiicantahay.

Labada fadhiga ku fiican waa:

– Gabar oo kuma fiican in ay xaafadaha wareegto,

– iyo Nin deeqsi ah oo markii wax loo soo doontaba wuu ku jiraa ayuu ku fiicanyahay haddii kale waad naxaysaa.

labada socodka ku fiicanna waa:

– Roobku wuxuu ku fiican in dabayshu marba meel geyso si aysan hal meel dad iyo duunyo isugu imaan,

– Sheekh Caalim ah inuu marba meel cilmiga ka aqriyo ayuu ku fiicanyahay.

labada geerida ku fiicanna waa:

– Wan koris ah oo derisku leeyahay haddii lugu soo boodo lagaama xigo oo meelna uma qorshaysna,

– Oday hantiile ah oo bakhayl ah oo aad dhaxalkiisa leedahayna geerida ayuu ku fiicanyahay.

FIIR GAAR AH

Waan soo xigtay xikmadda, iimase suura galin in aan helo magaca qofka xikmaddan leh.

 

Alla Hooyooy oo astaan u noqotay, Soomaalida xabsiyada ku jirta

 

Alla hooyooy oo astaan u noqotay, Soomaalida Maxaabiista ah ee ku jirta xabsiyda Yurub, waxaan la kulmay, oo ii warramay mid ka mid ah asxaabtayda ee aan aadka isugu dhownahay, oo dhawaan ka yimid safar xagaa iyo galbeedka ah,wuxuu ii shegay dhowr waxyaabood oo aan la yaabay balse aan kasoo qaatay sadex waxyaalood, sadexdaas oo aad hoos ka arki kartaan
1 wuxuu ii sheegay in Dhallinta Soomaliyeed ay Daroogada iibiyaan, ayaga oo aan Khibrad u lahayn sida looga badbaado Askarta, kadibna lagu qabto, sidaana loogu gudbiyo xabsiyada waaween ee dalalkaas, xabsiga marka loo gudbiyana ay kula kulmaan Tacaddi aad u xun, ayaga oo u gacan gala Caddaanka murqaha waaween ee kula jira xabsiyada, sidaana lagu kufsado dumar iyo ragba, waa arin aad u murugo leh! habeenkii dadka xabsiyada ka shaqeeya, ama xabsiga ku jiri jiray oo kasoo baxay, waxay sheegeen, erayga kaliyah ee laga maqlo meeshaas uu yahay “Alla Hooyooy” oo ah, baroor uu qofku maciinsado marka ay xaaladdiisu xuntahay.
2 in Dumarkii Soomaliyeed qaar ka mid ah ay Addoomo u noqdeen raga ajaanibta ah,bulshada soomaaliyed oo lagu yaqiinay la yaabidda ay la yaabaan guursiga ay guursadaan dumarka soomaalida raga ajaanibta ah, waxaa dhacdo marka ay Gabari guursato Nin Ajnabi ah in ay ka dhex go’do bulshada kale oo la takooro, maadaama aysan bulshadu jeclayn qofka noocaas ah, maxaa ku dhaco gabadhii guursataa ajnabiga?

.
In Ninka Ajnabiga ah uu ogaado, in gabadhan aysan lahayn cid aan isaga ahayn, wuxuuna bilaabaa in uu ku tunto xaqeeda oo uu sida uu rabo u isticmaalo.
3 waxaayaabah ugu yaabka badan ee aan ka dhagaystay saaxiibkaa ii sheekaynayay waxaa ka mid ahaa, in qof dhan oo Soomali ah, waliba uu qofkaa soomaliya ka yimid, oo uusan ahayn qof meesha ku dhashay uu wato Eey! subxaanallah, haduu Allah iftiinka kaa il qabto meel aad u iilato ma jirto.
Walaalalayaal dhibatooyinka waa iska badanyihiin, kolayba qoraal laguma soo koobi karo, ee waxaan idin dhihi lahaa qof walba qofka agtiisa ah, ha ugu naseexeeyo wanaaga,

Soomaali dantii laga lahaa waa laga gaaray, ayaga oo kala Diin ah waa la hayaa maaanta, ayaga oo kala af ahna waa la hayaa maanta, marka Allaha inawaafajiyo towfiiqda waana mahadsantihiin

ALLA MAXAA?

Maxaa dad badan oo loo hamuun qabay, laga quustay!

Maxaa dad badan oo la is lahaa, meel ayey bulshada ugasoo bixi doonaan lagu hungoobay!

Maxaa dad badan, camalkooda xun Alle u qurxiyay, oo wixi runta u sheegaaba u haystaan jaahiliin!

Maxaa dad badan ilbixnimo intay maqleen, xitaa wax ay xayaawanada ka xishoodeen ayagu ilbaxnimo moodeen!

Maxaa dad badan oo iftiin ku jiray uu Alle iftiinkoodii mugdi ugu baddalay!

Maxaa dad moodeen aduunyadan goob lagu waarayo oo riyo been ah u shidantahay!

QANAACADA

Qanaacada micnaheeda maahan in aad wax walba hesho ama aad haysataa, ee waa in aad ka heshaa qanaacada ama kasoo dhex saarataa wax walba oo aad qabanayso ama haysato.
Waad heli kartaa Qanaaco adiga oo xaalad adag ku nool, balse taas macnaheeda maahan in haddii aad qanaaco hesho aadan xaalad adag ku noolaan karin.
Sidoo kale adiga oo ku nool xaalad farxadeed oo heerkeedu sarreeyo ayaad qanaaco la’aan ahaan kartaa, taas macnaheedana waa in qanaacadu aysan ku xirnayn hadba xaaladda aad ku sugantahay ee ay ku xirantahay sida aad u samayasato ama aad u raadsato.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN