XIKMADAHA JIMCAHA IYO Mohamed Musa Sh.Noor

Nor1

 

 XAALADAHA HA KA CARARIN

Waxba hala diririn Xaaladaha ay noloshu kuula timaado, u ogolow Xaalad walba oo kusoo wajahdo in ay qayb ka noqoto noloshaada, maxaa yeelay, waxaa tahay mid aan ogayn waxa ku dhacaya, waxa uu ahaan doono, halka khayrka iyo sharta ah u ah.

Waxaa laga yaabaa wax badan oo aad u aragtid shar, in ay khayrkaaga yihiin, dhabta ayaa waxay tahay in noloshaada ay kor iyo hoos isku baddalayso waqti walba, waxaa wanaagsan marka in laga hortago dhibaatada marka la arko baaxadda saamaynteeda, waaba haddii waqtiga adag uu kuu yimaado.

Sidaas si la mid ah haddii waqtiga wanaagsan uu kuu yimaadana waxaa wanaagsan in laga fakaro qaabka loogu raaxeesan lahaa, macaanka lama dareemo ilaa la dhadhansho.

Hadaba waqtiga waa sidaha farriimaha dhinacyada badan, ma ahan marka in aan ka cararnaa inaga oo arkin waxa ku jura Baqshadda uu waqtigu noo wado.
                                                     Ma dhintaan miyaa?

Waxay u nool yihiin sida ayaga oo waligood dhimanayn lana maxkamadaynayn oo la waydiinayn waxa ay faleen!

Way dilayaan, way dhacayaan, way kufsanayaan, way xamanayaan, way xaqirayaan, way yasayaan, way isla wayn yihiin oo maba oga in baahidooda oo kale ay Dad qabaan, damaca iyi raaxada ay doonayaana dadka oo dhan ay doonayaan.

Si ay u raaxeestaan ayay dambi badan u galaan, naf badan u halligaan, wax badan u dhagraan, maalinta ay dhimanayaana waxay u dhintaan sida ayaga oo aan sakan nolol arag!
                                               XUKMINTA KHALDAN

Dadka waxaa u fudud in mar walba ay qofka ku dhajiyaan xukmin khaldan taas oo ka timaada sida badan ficilka uu qofku sameeyo, qofka mar walba ma ahan mid isku xaalad ku sugan, maanta wuu wanaagsanaan karaa barina wuu xumaan karaa amaba waxaa laga yaabaa in xilliyo xun ay iskugu xigsadaan qofka, markaana afcaashiisa ay is baddalaan, balse mid ayaa wanaagsan in la wada ogaado, in qofku uusan ahayn ficilkiisa ee uu yahay sida uu u dhashay, ficilka waa mid ku yimaada xaaladaha kala gaddisan ee uu waqtigu keeno, sidaa darteed ma wanaagsana in qof aan ku shabbadayno ficilkiisa oo aan dhahno hebel waa qof xun ama waa qof wanaagsan ficil aan maanta ka aragnay dartiis.

Qofka sidiisa ayuu ahaanayaa, dadkuna waa kuwa isku baddala sida waqtiga isku baddalo, dhabta ayaa waxay tahay in waqtigu uu yahay kan maamula dabeecadda iyo dhaqanka qofka, hadaba maadaama Alle uu maalinta Qiyaamo qof walba xisaabtiisa hor dhigayo oo dunida qof lagu xukumayo uusan jirin, maxa inoo diidaya in aan sugno qofka inta ay inoo kala caddaanayso halka uu ku biyo shubto, su’aashuse waxay tahay goormee qofku kala caddaan karaa?

 

                                      KALA DUWNAANTA DHIB MA KEENTO

Iyada oo ka hadlaysa qiimaha iyo kala duwanaashaha u dhaxeeya dadka nolosha wadaaga ayay waxay tiri “ ninkaygu ma ahan mid dhamaystiran mar walba waxaan dareemayaa in ay wax ka dhiman yihiin, marka aan dareenkaas qaadana waa marka aan ka waayo wax aan u baahnaa ama ay ii suura gali wayso himilo badan oo xagiisa aan ka tuhmayay, iyada oo garta caddaalad ka muujinaysa ayay sii raacisay in iyada xitaa aysan dhamaystirnayn oo mar walba ay wax ka dhiman yihiin marka loo eego dareenka ninkeeda xagiisa ah, balse, waxay ka gaabsatay xilliga uu dareemo ninkeeda in ay wax ka dhiman yihiin xilliga uu yahay.

Sharraxaad iyada oo ka sii bixinaysa dhamaystir la’aanta dhexdooda taalo ayay waxay tiri waxaas oo dhan waxaa u sabab ah kala duwanaashaheena xaga abuurista iyo dareenka uu qof walba kan kale u hayo, micnaha in lagu kala duwan yahay xaga fikirka iyo dookha iyo rabitaanka kale, ku dar oo ha ka reebin nolosha lagu kala nool yahay ama la iskula nool yahay iyo tan lagu soo bar baaray, waxay tiri wax walba ma saxsana wax dhamaytirana ma jiraan”

Hadalka ay ku hadlayso iyada oo lala sii yaaban yahay oo qof walba afka gacanta u saaran tahay la isna leeyahay maxaa ku dhacay gabadha oo ay ninkeeda iyo iyada waxa ay ku kala duwan yiiin ama ay ku kala liitaan usoo bandhigtay ayay dadkii meesha taagnaa hal mar ugu beer qaboojisay ugana yaabsatay in ay aad isku jecel yihin ninkeeda, inta ay soo sheegtayn aysan macna badan lahayn, waxa macnaha lehna ay tahay dhabta ay ku nool yihiin iyo sida ay raaliga uga wada yihiin in qoyskoodu sii wada jiro.

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN