Xus, Xusuus ma reebo. (sheeko gaaban). Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

fu

Xus Xusuus ma reebo. (shkeego gaaban)
Waxay ku noolayd Nolol wanaagsan, ninka qaba wuxuu ahaa Nin  dhalin yara ah oo shaqa badan, xarago badan, naxariis badan, muhashada jacaylka xaaskiisa ay ku dheertahay, gaari yar oo cad wata.
Alle wuxuu ku mannaystay markii ay mUddo joogeen laba wiil oo qurux badan, nolosha sideedaba waa mid farxad iyo murugaba ka kooban, wax lagu jiro baraarahaas farxadda leh, si lama filaan ah ayuu ninkeeda shil u galay, sidaasna ku geeriyooday, kuna cidleeyey xaaskiisii quruxda badnayd iyo labadiisii wiil.
Eed kuma lahayn taas oo wax awood ah uma lahayn in uu dib u dhigto waqtiga ku yimid.
iyada iyo labadeeda wiil waxaa u bilowday nolol adag.
Muddo markii ay joogtay ayey mid kaloo dhaqan iska guursatay, maba daahinee wiil kale ay bac siisay, masha allah waa otamatic ayuuba ka bixi waayey ninka dambe, isagu wuxuu ahaa 3 Xaasle, balse aan wax wiil ah dhalin.
Nasiib wacan ayuuba u arkayey wiilkan cusub ay xaaskan afaraad u dhashay, iyaduna dan ayey awalba guurka u gashay, oo waxay is lahayd labada kuray ee agoomada ah ku korso, taas oo uu ku aqbalay awal,
aad eyey qurux badnayd, waana sababta uu ugu aqbalay wiilasheeda, kumaba sii jirto, wax uusan Alle uga qorin saddexda xaas ayuu Alle ka siiyey tan.
Wax nolosha la mushaaxaba, waxaa kusoo kordhay iyada Riyo ay ka seexan waysay, isagu maadaama uu saddex xaasla yahay, saddex habeen marka uu ka maqnaadaba marbuu u yimaadaa.
“Xaajiyow jiif ma arkin inta aad iga maqnayd, habeenka aad ila joogtid unbaa seexdaa ayey ku tir.
Oo maxaa ku helay macaanto sidee wax kaa yihiin, ma xanuunsantahay, mise waa xiisahayga?
Maya sidaas maahan xaaji, ee xaajigii hore ( labada wiil aabahood) ayuunbaa halkan iisoo istaaga marka aad iga maqan tahay, ee waxaan kaa codsan lahaa in aad neef inta suuqa kasoo qabato aad u saddaqayso xaajigaas si ay xusuustiisa iiga go’do, culimadana u sheeg muraadka wax bixinta, kuna dheh culumooy iska sabra, kii wax ku daateen, kii wax lagu firdhiyey, kii dhibsaday dhadhanka cuntada, na wada cafiya, waadadanna xusuusta ninkaas in uu Alle ka 3 ugu duceey.
Inta sidaas u eegay buu yiri, “Xus xusuus ma reebo ee Xal kale ma haysaa maandhay?
Haddaan korinayaa ilmihiisa, hadana ma waxaa ii keentay Xus u bixi.
Kkk aqriste adiga haddii ay sheekadaas kugu dhici lahayd ma u bixin lahayd Xus, si Xaaskaaga ay uga harto xusuusta ninkeeda hore?
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN