- Version
- Download 1228
- File Size 1.91 MB
- File Count 1
- Create Date June 11, 2021
- Last Updated January 29, 2022
Waxa uu fadhiyaa kursi ka samaysan alwaax oo la dhigay figta sare ee qarka ku foorara badwaynta baasifiigga ee xeebaha bari ee Oostareeliya. Dhanka galbeed waxaa ka muuqda raadka qorrax godkeedi ku sii carrowday. fallaaraha is dhaafay ee cadceeddu, waxa ay soo xasuusiyeen heestii hoobalkii Cumar Dhuule (AUN) ee Fad-Galbeed.
Dhanka waqooyi, daaraha ifaya ee cirka ku shareeran, waa muuqaalka magaalada saddexaad ee ugu wayn Oostareeliya ee Birisban oo aad guud ahaan ka dheehan karto hodantinnimada iyo horumarka dalkaas. balse, asagu waxa uu ogyahay in aan waxba ka galin wixii ifaya iyo wixii cirka shareeran, waayo waxa uu ogyahay in uusan waxba ku lahayn hantida u muuqata dhowr arrimood dartood.
Tan ugu horreysa waa in uu ka yahay marti, tan labaadna in uusan lahayn tab iyo aqoon uu dhiniciisa kaga cuno barwaaqada u muuqata mid uu hadda kaddib barto maahane. Arrinka dambe ayaa laabtiisa leebab dab ah ku ganaya, maxaa yeelay ma leh tabta farsamo iyo aqoonta ay leeyihiin dadyowga kale ee dalkaan?
Haddii uu isku qanciyo qaxooti cusub baa tahay, waxa jira kuwa badan oo xaqooti ah kana yimid Eeshiya, Afrika iyo Ameerika, balse, iyagu leh aqoon iyo tab ay ku shaqaystaan markii ay dalkaan yimaadeen.
Tallankaas waxa uu dhex maquuriyay waayihii madoobaa ee uu soo maray, waxa ay ka dhigeen mid aan dareenkiisu sugnayn oo gebi dhaclaynaya. Waxa uu ka qoomamaynayaa falal badan oo uu gaystay iyo eedo uu galay, taasina waxa ay gabi ahaanba hummaag mugdi iyo hubanti la’aan ah gelinaysaa aayihiisa nololeed. waxa ayna u muujinaysaa quus iyo in uu ifka imaanshihiisa ku soo qaldamay oo uusan mudnayn nolosha maanta.
“Maya! Anigu xulasho ma lahayn ee Eebbe ayaa lahaa go’aanka aan ifka ku imid,” ayuu laabta ku dhisanayaa.
Waxaa uu dhagaha gashaday xarigga maqalsidaha ee Alan codeedka (moobeelka) suran kaddib na waxa uu daartay heesta hoobalki waynaa ee Cabdalle Yuusuf Hanuuniye ee magaceedu ahaa AMMAANOOY
Ammaanooy ammaanoy
Ku bixin waayay,
Abaaloow ku gudi waayay,
Aqooneey ku bogan waayay,
Axdiyoow ku lumin waayay
Eedeey ku sidi waayay
Afeefey ku mari waayay
Eexeey ku fali waayay.
Adduunyooy ku qaban waayay
Adduunyooy ku qaban waayay,
Samiroow ku aaminay,
Iimaanku waa sed’ee
Samiroow ku aaminay.
Amaroow u filan waayay,
Ajaleey ku celin waayay
Arrineey ku goyn waayay,
Ifknaanow ku nici waayay
Aakhiraay ku huri waayay....