Qodqode mise Romantic?!

 W/Q: Anab Diriye

Unknown

Qodqode mise Romantic?!



 

Dumarka Soomaaliyeed, ka ma helaan, nimanka Qodqodaha (QODEQODE) ah. Iyagaa sii ka la jiree, haddana, kan ay ugu neceb yihiin, waa midka, jikada la maamula, oo dheriga la walaaqa! Faniin dheri, ninkii gaaro, waa u fadhixumo!

Qodeqode, wuxuu caan ku yahay, dhabiiltanka, oo uu xaaska ku yiraahdo; maanta nus kiilo baasto ah, ka badan ha karin ama kiilow bariid ah, ayaa nagu filne, ha ka badin. Lacagta inta u dhiibo, ayuu yiraadaa, qaaddo yaanyo ah, hal basal ah, dhuceey caano ah, hal kabsar caleen ah, xabbad toon soo gad! Qudur gacan adag, bashiil beeqaamin dhimasho iyo ma baxshe ah waaye.

Qodeqode, waa is ka dhib badan yahay, inta badan, waa qayliyaa, waana laxajelo badan yahay. Waa mid si hoose guriga uga warqaba. Mararka qaar, waxaaba dhacda, markii uu guriga soo galo, inuu dheriga fiiriyo, oo uu yiraahdo; maxaad karisay maanta? U ma dhahayo, in xaaskiisa uu u muujiyo, in uu dareensiiyo, in ay hawl qabatay, ugana farxinayo, in ay sida caadada aheed, cunto macaan karisay, balse, hadalkaa, dumarka waa u dhimasho, oo waxay leedahay; maad sugatid, wixii aan kariyey, anigaa ku siinayee!

Haddii ay dhacdo, in digsigu gubto, waa ku boodaa, markaas buu dabka ka soo tuuraa. Xaasku ma jecla, marka uu sidaa u la joogo jikada, oo madax xunuun bay ka qaaddaa la joogistiisa. Qof shaqo kuu qabanaya, ee waliba kuugu qabanaya, farxad, dhammaystir iyo dareen, haddii aad dabada uga jirto, ee aad ku koontroosho, waliba, adoo huba, in qofkaa uusan wax hallaynayn, muxuu dareemayaa? In la cabburiyey, dumarkuna waa ka sii fog yihiin, ugana sii muhimsan yihiin taa.

Dumarka intooda badan, ka ma helaan, ninka suuqa u raaco, markay dan ka leeyihiin, weyna dhibsadaan, Qodeqode, isaguna ka ma haro wehlinteeda, oo wuxuu rabaa, inuu ogaado, waxa ay gadanayso gacalisadiisa, iyadana waa u dhimasho. Micnaha, ma ahan, nin gacan siinaya xaaskiisa, cunto u ma kariyo, dab ma galo, alaab ma dhaqo, ee kaliya, wuxuu rabaa, in uu ogaado, waxa ay samaynee, ku koontoroollo, walibana ku la xisaabtamo marka ay dhaqaale noqoto.

Ninkaa magacaas leh, waa nin ka warqaba, oo ay u tirsan yihiin, inta dirac oo ay naagtu haysato, marka uu yiraahdo, naa dhar badanidaa, way ka xumaataa warkaa, oo madaxay hoos u raaricisaa, haddaba ninkii Qodqode, loo yaqaannay markii qurbaha la yimid, waxaa loo bixiyey ROMAMTIC!

Gabadha qurbaha joogta, waxay raalli ka tahay, in ninkeedu jikada galo oo cuntada soo kariyo, suuqa ka soo adeego, dharka dhaqo, guriga hagaajiyo, oo wax xun u ma aragto, haddii uu fadhigeeda cuntada ugu keeno, raxmad bay ka sii qaaddaa. Raalli waxay ku tahay, inuu raaco marka ay iyadu dan gooni ah ka leedahay shuuqa. Way ku farxdaa marka uu yiraahdo, Iskoobbihii guriga lagu xaaqayey waa jabay, ee aan gadno mid kale. Waxay kaloo kalgacal ku sii abuura markuu yiraahdo go’aan baa sariirta ku qurxoon, oo waa gadanaynaa, ninkaas guriga iyo jikada ka warqaba, waa nin aad u soo jiidasha lehoo xubbi sii abuuraya, waxaana loogu yeeraa Romantic!

Rag waxaa jira, dhexjoogga jikada iyo ka warqabka guriga ay dan ku qasabtay, ee aan meel ay ku taal iyo dhan ay jirto ku leexdeen, maadaama duruufta qurbuhu adag tahay, ka doorbiday, intuu wax ma tare noqon lahaa, go’aansaday, in uu gacan siiyo xaaskiisa, ooba ay dhici karto, in ay dhawr carruur ah, shaqo iyo hawshii guriga isugu darsan tahay. Ragga noocaa ah, iyagu u ma samaynayaan Romantiknimo, ee xil saynimo iyo aabbenimo gudo ayey ka tahay, iyadoo dabcan xaasaskooda jecel. Romantic!

Romantic! Waa eraygii qodqode, oo la qurxiyey, xataa dhib u ma aragto, hadduu ninkeedu ku yiraa, cuntada aad karinaysid yaree amaba uu ku yirahdo, aad baad u dhar badan tahay, ee waa ku sidee! Wax qalad ah u ma aragto gabadha qurbaha joogta, haddii ninkeedu inta lacag u dhiibo, ku yiraah laba rooti ah iyo afar moos ah soo gad, oo intaas hadduusan qayb ka mid ah samayn, waa dagaal iyo ka la tegis, waliba waxay sii jecashahay, waxa ay iyagu naceb yihiin, inay qabtaan marka ay sameeyaan, taas oo ah, in ay carruurta saxarada ka bedelaan, aad waxay u qaddariyaan, ninka guriga ka la shaqeeya iyo midka marka ay nasanayso ka celiya carruurta.

Ujeedku ma ahan, yuusan ninku naagtiisa gacan siin, u noqon wehel iyo wadaan ay ka wareebto, balse, siyaabo badan, oo eraygii QODQODE, loogu badalay Romantic! ayaa ii la ekaaday, haddana, la is ku la qumman yahay.

Tan iigu sii daran, waa marka gabdhaha qurbuhu, ninii QODQODAHA ahaa, ay u moodaan, in uu yahay Romantic! Isagu dhaqankiisii dabagalka, wax bixin la’aanta, deeqsinnimoxumada iyo ilaalinta xaaskiisa ayuu ku jiraa, iyaduna waxay mooddaa, nin ka naxaya, oo u naxaya! Labo ka la barisay, ka la war la’!

Labada tusaale, aad ayey u ka la fog yihiin, haddana, midna damqasho, xilkasmo iyo waxaa ka keenaysa waajibgudasho, oo dabcan dareen, jacayl iyo uu wehliyo rabitaan Romantic! Halka, kan kale, ay u tahay, waardiyeyn, dhabiiltan, dhaayo ku hayn iyo gacan adayg!

Hadabba, noloshaa quruxda badan, oo magaca qurxoon loo bixiyey iyo meeshii aan ka nimid, oo mucaarad badan laga la horymid, halka mid oo ay dumarku is kaga mid yihiin, waxay tahay, haddiyadda la siiyo, oo ay is ku si, si weyn ugu farxaan. Bal akhriste, adigu isfwaaji QODQODE iyo ROMANTIC! Yaa qaldan labadaa dumar, oo soomaali wada ah, balse, laba xaalaad ku kala nool?

 

W/Q: Anab Diriye

Canab

SHEEKOOYIN