Xataa xeeldheerayaasha sooyaallada iyo kuwa diimaha qaarkood waxa ay sheegaan in qolyihii Dulqarnayn darbiga ku awday (Yuuj iyo Ma’juuj) ay xoolaraacato ahaayeen.
Qoraaga Soomaaliyeed ee Nuuraddiin Faarax oo ka murugaysan dibadjoognimadii iyo burburkii dalkiisa Soomaaliya ayaa laga hayaa “The country died inside me, and I carried it, for a long time, like a woman with a dead baby.” Aniga oo tixraacaya Nuuraddiin Faarax, ilaa maanta waxa aan dareemayaa in riyadii duuliyanimadu ay calooshayda ku saqiirtay weli na aan meydkeedi walwaalayo.
NOOFALKU MA AHAN MAALAAYACNI
Ayaan dhawayd waa tii ay taagnayd dood kulul oo ka dhalatay buugga: QAB iyo QUURSI, dooddaas oo aan filayo in dadka dhaliyay ay ahaayeen dad aan...
ANIGA IYO MUQDISHO (Q2AAD)
Ha yeeshee, muddo yar ka dib waxa aan ku baraarugay xaqiiqda dhabta ah iyo waayaha runta ah ee ay Muqdisho iyo dadkeedu dhexjibaaxayaan. Bartay oo arkay...
Jooji dibudhigashada
Saaka markii aad soo kacday qorshihii aad u soo kacday ma fulisay? Mise qorshe la'aan baad iska soo kacday ka dib na magaalka ayaad iska gashay? Caawa markii...